Toggaherer’s Weblog

MASUULIYIINTA XUSBIGA KULMIYE OO KA QAYB GALAY XAFLAD KA DHACDAY XAFADA 26 JUNE

Posted on: March 16, 2009

MASUULIYIINTA XUSBIGA KULMIYE OO KA QAYB GALAY XAFLAD KA DHACDAY XAFADA 26 JUNE

Hargaysa 15 March 2009 (THN)
Xaflad wayn oo xaafada 26 June ay ku marti qaaday masuuliyiinta xisbiga kulmiye islamarkaana lagu furaayey xafiis ay yeelato xaafadaasi ayaa lagaga hadlay isbadelka dalku uu u bahan isla markaana lagu taageegeeray mawqifka uu xisbiga kulmiye iska taagaydib uy dhaca doorasha madaxtimada dalka .

Xafladan maanta waxaa ka qayb galay gudoomiyaha xisbiga kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ,Musharaxa xagada madaxweyne kuxigeenka xisbiga kulmiye Mudane Cabdi raxamaan Saylici , Gudoomiye kuxigeenka labaad ee xibigaasi Cabdi Raxmaan Cabdi Qaadir , iyo gudoomiyaha kuxigeenkii ururkii la aqoonsan waayey ee Qaran Mudaned Maxamed Xaashi Cilmi , Afhayeenlaka xisbiga kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo madax kale oo ka tirsan xisbiga kulmiye , sidoo kale waxaa ka qaynb galay xildhibaano ka tirsan golaha wakilada somaliland isla markaana ka soo baxay isla xisbigaasi kulmiye .

Hadaba dadweynaha ku nool xaafadaasi 26 June oo aan u kala hadhin wayeel iyo dhaliba ayaa si xamaasadi ku dheehantay ku muujiyey shucuurtooda qaab sugaaneed khaasan dhalin yarada ayaa si toos ah u tilmaamay baahiyahooda xag tacliimed xag dhaqaaale iyo wax alla waxay tabanayeen.

Waxaa ugu horayntii ka mid ahaa odayaashii ka hadlay Oday xaafada ka tirsan oo la yidhaa oday Xasan Cawad waxaana hadaladiisii ka mid ahaa sidan “ Anigu waxaan kamid ahay odayaasha xafadan 26 june ugu horeayna waxaan salaamaya dhamaan madaxda xisbiga kulmiye iyo saraakiisha SNM iyo martisharaftan kale ee ka soo qayb gashay xafladan furitaan ka xafiiska 26 june waan u mahad celinaynaa furida ay xafiiska noo fureen dhalintani iyaga ayaa isa soo abaabulay oo is xilqaamay mudane gudoomiyena halkan waxaa kaa soo dhawaynaya odayaashii, dhalinyaradii , oo dhadig iyo laboodba leh waxaanay kugu soo dhawaynayaan gacno furan iyo walaalnimo iyo taageero ay ku taagersan yihiin in ay cudkooda kuu huraan oo ay ku siiyaan “Halkaas oo Oday Xasan Cawad oo ku tilmaamay in uu yahay abwaan iyo mutacali iyo wadaad waxaanuu halkaas ka tiriyey gabay uu ku tilmaamyo halgankii SNM iyo marxalidihii ka dambeeyey oo ilaa hada ah.

Waxa dadkii meesha ka hadlay ka mid ahaa Axmed Yusuf Ibrahim oo ah Gudomiyaha Dhaliyadarada gaar ahaan dhinaca Sportiga aayaa isna sheegay taageerada ay la garab taagan tahay xaafadani waxaa kale oo uu ka waramay baahiyahooda taas oo uu kaga waramay waxayaalaha ay u bahan yihin dhamaan dhalinyaada xafadu taas oo kaga waramay in xaafadu xaga sprotiga ka liidato oo ay leeyihiin hal garoon oo kaliya iyada oo ay xagadu tahay xafad aad u baxad wayn .

Sidoo kale waxa iyana ka hadashay Khadra Xasan Cawad oo ku hadlaysay Afka dhaliyarada xafiiskan furatay oo ay kaga warbixisay sababaha kenay in ay xafiiskan furan iyo in ay waliba ku biiraan Xisbiga kulmiye khadri waxay ahayd xubnihii marti qaadka u sameeyey masuuliyiinta xibiga kulmiye, waxa kale oo iyana meesha suugaan ka jeediyey dhalinyaro ka mid ah xaafad taas oo ay ku soo dhawaynayeen hogaamiyayaashan .

Waxaa iyana ka mid ahaa dadka meesha ka hadlay Suldaan Xiis Bare iyo xubno kale oo ka soo qayb galay kulankasi
Dhinaca kale waxa meeshaashi iska daba maray khudbado dhaadherna ka jeediyey madashaashi masuuliyiinti xisbigaaagsi kulmiye gadaal ayaanu idiinak soo sheegi khudbada masuuliyiinaasi.

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: