Toggaherer’s Weblog

GOLAHA GUURTIDA OO MEELMARIYAY AJANDE AH IN AY SII SHAQEEYAAN FADHI AAN CAADI AHAYN

Posted on: March 15, 2009

GOLAHA GUURTIDA OO MEELMARIYAY AJANDE AH IN AY SII SHAQEEYAAN FADHI AAN CAADI AHAYN

Hargeysa 15 Mar 2009 THN

Fadhigii Maanta Ee Xildhibaanada Aqalka Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyay in ay sii shaqeeyaan muddo kale fadhi aan caadi ahayn iyaga oo eegaya xaaladda dalku marayo.

Fadhiga oo ay joogeen Xildhibaano dhan 45 Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ay ku meel mariyeen Xildhibaanadu in ay sii shaqeeyaan waxaana u codeeyey 44 Mudane Gudoomiyuhuna Muu codayn.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md Salabeena Maxamud Aden ayaa Golaha ka hor sheegay sababta uu goluhu fasaxa u gali waayay isaga oo ku sababeeyey Gudoomiyuhu Nabadaynta iska hor’imaadkii dhimashada iyo dhaawaca lahaa ee ka dhacay Ceel-bardaale dhexmartayna labada beelood.

Dibu dhaca ku yimid wakhtigii hore loogu heshiiyay in ay qabsoonto Doorashada Madaxtooyada 29 March Iyo Buuxinta Booskii uu ka geeriyooday Marxuum Xasan Loosahde ee Komishanka Qaranka oo ay hore Guurtidu u soo magacawday.

Sida awgeed sida la wada ogsoonahay ay jiraan xaalado iyo duruufo qalafsan oo la xidhiidha Doorashooyinka sidaasi daraadeed goluhu ka qaato kaalintiisa.

Maxamed Muuse
Togaherer
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: