Toggaherer’s Weblog

ALLE HA U NAXARIISTEE MARXUUM XASAN LOOSHADE OO MAANTA AAS QARAN LAGU AASAY XABAALA QARANKA

Posted on: March 15, 2009

ALLE HA U NAXARIISTEE MARXUUM XASAN LOOSHADE OO MAANTA AAS QARAN LAGU AASAY XABAALA QARANKA

Alla ha u naxariistee Marxuum Xasan Xaaji Maxamed Cumar (Looshade) ayaa maanta Si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Qaranka ee Magaalada Hargeysa.

Marxuum Xasan xasa-Looshade oo Shalay gelinkii danbe ay ku timi geeri naxdin leh kadib markii wadnuhu istaagay waxa aaskiisa ka qayb galay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Sadexda Gole qaran, Hoggaanmiyaayasha Axsaabta Qaranka Somaliland, Wasiirro, xildhibaano, Madaxdhaqameedyo, Aqoonyahano Magac leh iyo Dadweyne aad u tiro badan..

Maydka alla ha u naxariistee Marxuum Looshade oo Boqolaal gaaadiid ahi ka soo galbiyeen Cusbitaalka guuud ee magaalada Hargeysa, waxa sallaadii Jinaasada lagaga tukaday Barxadda hore ee Garoonka kunadda Traders-ka , waxaana abbaarro 12:00 duhurnimo la bud dhigay xabaashii

Marxuum Xasan Maxamuud Looshade oo ka mid ahaa labada xubnood ee Golaha Guurtidu u soo xuleen Komishanka Doorashooyinka, waxa saddex maalmood ka hor geeridiisa loo magacaabay Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Qaranka, kadib markii xilkaas laga xayuubiyey Mr. Ismaaciil Muuse Nuur oo lagu eedeeyey masuuliyadda madmadow ka soo ifbaxay tirooyinka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo uu ku yimi isbeddello cusub.

Madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee ka qaybgalay aaska, ayaa ka warbixiyey aragtiyahooda ku wajahan shaqsiyaddii Marxuum Xasan Looshade iyo weliba waxyaabaha ay sida gaarka ah ugu xasuusan doonaan noloshiisii.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wax laga weydiiyey aqoontii uu u lahaa marxuumka, ayaa ugu horreyn tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday Xasan Looshade, isaga oo marxuumkana Ilaahay uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo, iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.

“Xasan waxa uu ahaa nin xil aad iyo aad u culus oo saamany weyn ku leh qaranka Somaliland oo dhan hayey, wuxuu hayay oo loo dhiibey arrimaha diiwaangelinta ee Komishanka Doorashooyinka, hawshaas oo ad loogu wada hanwenaa oo aanu filaynay maanta qalqalooc badan oo ku jirey in uu ka saaro kalsooni badana aanu ku qabnay, Ilaahay ayaanse qaddarin,” ayuu yidhi Siilaanyo.

“Intii aan wada shaqaynaynay waxa uu muujiyey karti aad iyo aad u sarraysa, aqoon fiican, tanaasul badan iyo hal-abuur marka go’aamada la qaadanayo amma laga wadahadlayo danta ummadda wuxuu ahaan jirey nin iska taaga meesha ugu wanaagsan. Nin ragga kale tanaasulka ugu yeedhi jirey ayuu ahaa. Dadka hadduu noolaan lahaa aanu ugu talogalay in aanu shahaado-sharaf siino ayuu ka mid ahaa isaga iyo rag kale oo Komishanka ku jira.” Sidaana waxa yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Mr. Maxamed Xasan Baashe.

Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Mr. Cali Maxamed Cabdulle (Biikolo) oo isaguna tilmaamo ka bixinayey shaqsiyaddii iyo aqoonta uu u lahaa marxuum Xasan Looshade oo ay muddo soo wada shaqaynayeen, waxa uu yidhi; “Xasan waxa uu ka soo jeeday qoys taariikhda Somaliland iyo guud ahaan dhulka Soomaalidaba aad looga yaqaan, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo ganacsiga; xadaarad leh oo reer-magaal ah.

Xasan annagu muddo siddeed bilood ah ayaannu isnaqaanay, waxaanan odhan karaa wuxuu ahaa shaqsi nadiif ah, xikmad badan leh, awood furdaamineedna u lahaa marka hawluhu adkaadaan iyo marka komishanka dhexdiisa wax ku yimaaddaan.”

Sida oo kale waxa shakhsiyadii marxuum Looshade ka hadlay wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo waxgarad kala duwan, kuwaas oo dhammaantood ku tilmaamay in uu ahaa nin muddakar ah oo kaalintiisii ku bannaantahay qaranka Somaliland, iyaga oo dhinac kalena tacsi tiiraanyo leh u direy qoyska, qaraabada, ehlada iyo Komishanka Doorashooyinka ee uu ka geeriyooday, waxaanay Eebbe uga baryeen in uu marxuumka Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: