Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA MAALIYADA OO SHAACA KA QAADAY IN XUKUUMADU DHAQAALE SIIN DOONTO DADKII LA DHACAY HADDII….

Posted on: March 14, 2009

WASIIRKA MAALIYADA OO SHAACA KA QAADAY IN XUKUUMADU DHAQAALE SIIN DOONTO DADKII LA DHACAY HADDII….

Wasiirka Maaliyada Somaliland oo shaaca ka qaadey in xukuumadu ay naq dhaqaale siin doonto Qoysaskii Lacagta laga Dhacay hadii doorashada ay ku guuleysato Xukuumadu!

Hargeysa Wasiirka Maaliyada Somaliland Mudane Cawil Ali Duale oo wareysi dheer oo khaas ah siiyay Barnaamijka Jidka Rejadda ee Tv ga Qaranka Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyey qoysaska lacagta sida khaldan ugu aaminay budhcad lacageeda dhowaan,

wuxuuna sheegey in dowladu ku howlantahay baaditaanka arintan, wuxuu sheegay in dowladu ay hayso liiska dadka laga dhacay Lacagta, islamaraana waxanu Alle ka baryaynaa in uu Eebe ugu badalo faraj khayr qaba lacagta laga dhacay qoysaska Danyarta iyo Maalqabeenadaba leh ayuu yidi Wasiir Cawil Cali Duale, hadii aanu doorashada fooda inagu soo haysa ku guulaysanona waxanu ahmiyad dheeraad ah siinaynaa sidii aanu kaabid dhaqaale oo la taaban karo uga gaysan lahayn qoysaska khasaarahu ku habsadey, hadii doorashadu hanaan amni ah ku dhacdo waxa aqoonsanaya bulshada caalamka Somaliland ,waxana imanaya dalka IMF ta iyo deeq bixiyayaal caalami ah oo maalgashanaya Somaliland, waxanu xil weyn iska saaraynaa sidii aanu umadan lacagtoo la dhacay ee Zunamida lacagtu ku habsatey .

Wuxuu wasiirka maaliyadu uga digey Bulshada reer Somaliland ee Gungs ku dhaceen maalkoodii inay ka feejignaadaan falalka kontorobaanka ah ee dadka maangaabka ahi ay ku shaqaystaan , wuxuuna ugu baaqey inay dadka hantida haystaa ay dhigtaan Baanka dhexe ee Somaliland, lacagaha qalaad kuwa doonaya meel ay dhigtaan oo aamin ah waxay dhigan karaan Baanka khayriyada ka soo garabjeeda ,Dahabshiil iyo meelaha la halmaala ee Aaminka ah ayuu yidhi wasiirku, Wasiir ducaale waxuu sheegay in Somaliland ay heer aad usareeya marayso manta oo nidaamka asxaabta badan lagu tartamayo, lagana gudbay guud ahaanba nidaamkii Beelaha ku salaysnaa, wuxuu nasiibdaro ku tilmaamey beelaha Galbeedka iyo Bariga Burco eek u shiraya Burco , waxa ka wanaagsanaan lahayd iyagoo u shira Xisbi-Xisbi oo waa laga quruxbadanyahay Beel-Beel waxanay ka turjumaysaa ayuu wasiirku yidhi Dib u socodnimo iyo horumar la’aan.Wasiir Cawil Cali Duale wuxuu u soo jeediyay Shacbiga Somaliland inay nabadgelyada Ilaashadaan, il feejigan oo mid ahna ay ku eegaan cid wel oo nabadgelyo daro is tidhaahda ka yagleel Somaliland, waa la ogyahay Somaliland weli ma haysato aqoonsi caalami ah laakiin waxay ku caano maashay Nabadgalyo taam ah oo mudo badan waartey, waxana qayb libaax ka ciyaarey adkaynta nabadgalyada Bulshada reer Somaliland oo ah dad amni iyo nabadgalyo jecel,

Wasiirka Maaliyadu isagoo ka hadlaya Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo khalkhalgalinta bulshada maamahii ugu danbeeyey wuxuu yidhi, Runtii Xisbiyada qaranku waxay xisbiyo qaran ku noqdeen Dastuurka ayaa u jideeyay inay xisbiyo tigalin mudan noqdaan hadii kale Dee Burco ayuu Maqaaxiyaha shaaha ku cabi lahaa Gudoomiye Siilaanyo , anigu waxaan Wasiirku noqday Madaxweyne doorasho ku yimi ayaa I magacaabey hadii kale Makhaahiyahaa Toghdeer baan ka sheekayn lahayn aniga iyo ragbadan oo kaleba, markaa waanu ku khasbanahay inaanu Dastuurka ilaalino oo si fiican u akhrisano, dadkeenu Badibada wax akhrinta kuma wanaagsana e ‘ markaad musharax madaxweyne iyo wax udhigma doonayso waa inaad dadka ka xogogaalsanaato oo dastuurka dalkaaga aad aad u akhriso hadii kale kolba waxaan jirin uun baad ku doodaysaa oo laguu soo daliilin jawaabahooda ayuu yidhi wasiirku 6da April haday gaadhana wax dhacayaa majirto oo dadku waa kasoo biyo keenay dagaal iyo Colaad saamaysa Somaliland maantana uma aha marnaba Diyaar, waanay ogyahiin kuwa khalkhal galinta wada iyo kuwa jecel nabada iyo Xasiloonida Somaliland, sideedabana Madaxtooyo Daaqad lagama soo galo ee Albaab weyn oo loo soo googol xaadhey ayaa laga soo galaa, haday asxaabtaa qaar hilmaamsanyahiin waxaan xasuusinayaa in Doorasho oo kaliya lagu soo gali karo Qasriga looga taliyoi dalka,waxaan xusuustaa ayuu yidhi wasiir Cawil Markii doorashadii hore a galayay in uu Madaxweyne Rayaale yidhi qof wel oo qaangaadh ahow Codee una code xisbigaad taageersantahay kuu doonab ha noqdee, laakiin hubi inaad ku codeyso Hab amni ah, markaa imikana waa tii iyo mid ka xadjirta in Aniga la dhowro oo loo ilaaliyo si wanaagsan sidii doorashadii hore oo kale ayuu yidhi Wasiirka Maaliya Somaliland Mud. Cawil Ali Du’aale. oo wareysigaasi ay la yeelatay soo saraha Barnaamijka Jidka Rejadda ee TVGA Qaranka, Weriye Moha D. Farah Jire.

Wasiirka oo wareysigaasi ay la yeelatay soo saraha Barnaamijka Jidka Rejadda ee TVGA Qaranka, Weriye Moha D. Farah Jire, oo la weydiiyay Goortii ay ugu Darneyd Noloshiisa ayaa ku jawaabey{Runtii waa su’aal taariikhi ah .

Markii aan isku dayay inqilaabkii Fashilmey 1962kii, ee aan u halgamaynay anigiyo dhowr nin oo faroku tiris ah kanasoo jeedey guud ahaanba beelaha Somaliland From Laasqoray-iyo Awdal Xoriyadii bilaa shuruuda loogu geeyay Somaliya.

Markii anigoo Safiirkii Nairobi u fadhiyay Somaliya ah la igu yidhi kazoo talo bixi Degaal ay Somaliya la gasho Ethiopia een si niyad ah uga soo jawaabey inay khalad tahay! Ee la iigu yeedhey si degdeg ah inaan dalka usoo galo, la iguna amray inaan commander ciidan noqdo oo dagaal u baxo, si la ii khaarijiyo! Waxana laigu Eedeeyey inaan Somali weyn ka soo horjeedo iyadoo Inqilaabkii fashilmayna lagu lifaaqey diidmadeydii Degaal ka dhan ah Soomaliya iyo Ethiopia!

Maalintii Madoobeyd ee Somaliland 29kii October ee qaraxa la la beegsadey Somaliland ,waxaan ku sugnaa Togdheer oon howlo shaqo u joogey, waxay ahayd maalin aanan malayn karaynin siduu dareenkeygu noqdey,marka loo eego halka la inaga weeraray, Madaxtooyadu waa isku xidhka dowladi leedahay, hadii maalintaasi uu Madaxweynaha iyo Kuxigeenku ku dhimanlahaayeen Qaraxa madaxtooyada ! waa ka aan Eebe ka dhigin e, Somaliland waxay ku noqon lahayd dib udhac aanay weligeed kazoo kabanin.

Maalmaha ay noloshayda ugu adkeyd runtii wey badnaayeen laakiin waxaan ka xusi karaa uun wakhtigan 3daasi qodob oo ka mid ah maalmihii ay noloshayda ugu adkeyd bil xaqiiqa.

SomalilandNation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: