Toggaherer’s Weblog

HOLLAND OO QAB QABATAY 7 RUUX OO LOOGA SHAKIYEY IN AY QARAX WADEEN

Posted on: March 14, 2009

HOLLAND OO QAB QABATAY 7 RUUX OO LOOGA SHAKIYEY IN AY QARAX WADEEN

HOLLAND OO QAB QABATAY 7 RUUX OO LOOGA SHAKIYEY IN AY QARAX WADEEN

Netherland 13 March 2009 (THN)
Dalka Netherland ayaa waxaa la xidhay 7 Qof oo looga shakiyay in ay qorshaynayeen in ay Qarxiyaan Dukaamo ku yaalay magaalada Amsterdam ee Dalkaasi Holland.

Booliska ayaa sheegaya in ay ka warheleen maalin ka hor nin ka soo hadlay Gudaha Dalka Belgium uu ku hanjabay in uu ka gaysanayo Holland Waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dadka laga shakiyay ee Iminka Arintan loo hayo ayaa kala ah lix Nin iyo Haweenay oo kala haysta Dhalshooyinka Nederland iyo Morocco.

Horaantii Khamiistii, Xukumadu waxay baajisay Riwaayad ay soo bandhigi lahayeen Koox Maraykan ah iyo sidoo kale waxay Alabaabada isugu dhufateen Dukaamo kale oo laga Iibsan lahaa waxyaalo la isku qurxiyo oo lagaga qeyb gali lahaa Showga Riwayadeed ee la kansalay markii uu Digniin u soo diray Ruux is qarxinaayey .

Duqa Magalaada Amsterdam ee Dalka Holland Mr. Job Cohen ayaa sheegay in hadalkii lagu sheegay Telifoonka ee looga digay in falal xun dhacayaan Habeenkii Arbacda ahayd uu ahaa ujeedo mid lagu danaynayay in lagu bartilmaameed sado meelaha mashquulka ah ee Dalkaasi.

”Maamulku uma qaadan karo midaas wax khatar ah’’ ayuu yidhi isaga oo Amaray in Albaabada la isugu dhufto Dukaamo Badan si waxyeelo looga fogaado.
Lakiin hadal Booliska ka soo baxay maalin ka hor ayay ku sheegeen in aanay ahayn in Arinkan la dhayalsado uu khatrtiisa wato.

7 Qof ee Iminka loo hayo Arintan ayaan la magacabin .
madax Degmo oo lagu magacaabo Attorney Herman Bolhaar ayaa ka sheegay shir jaraa’id inta aan ka war hayno kuma hayno Tariikhda Agagaxiyayaal oo dalkeena kamid ah in ay jiraan amaba ay ku lug leeyiniin waa midan’’.

Waxa una hadlkiisa ku daray in mid ka mid ah kuwa haatan lahayo uu ku jiro Nin looga shakiyay Qaraxyadii Tareen ee Kadhacay Spain 2004.
Mayarka magaalada Amsterdam waxa uu sheegay in ay Dukaamadani sii xirnaan Doonaan ilaa Galinka danbe ee maanata.

Abdi Wahaab M.Ibrahim
Oslo
Norway

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: