Toggaherer’s Weblog

GABDH DHALINYARO AH OO ISKU DAL DASHAY DULEEDKA MAGAALADA GAROOWE

Posted on: March 14, 2009

GABDH DHALINYARO AH OO ISKU DAL DASHAY DULEEDKA MAGAALADA GAROOWE

Groowe 13 March 2009 (THN)
Waxaa shalay dhacdo aan hore loo aragi ka dhacaday magaalda Garowe meel in yar u jirta,Alleh ha u naxariistee Xaliimo Maxamed oo 20jir aheyd ayaa Waxaa ay gelinkii dambe shalay waxay isku daldashay duleedka magaalada Garowe meel u jirta 3Km, ka dib markii geed magaalada ka baxsan ay ku soo xiratay Garbasaar ama shalamad ay sidatay taas oo ay surka isaga xirtay ka dibna ay ku nafweyday halkaasi .

Dadweyne aad u tirabadan iyo ciidamada Amaanka Magaalada Garowe oo halkaasi gaaray si ay arintaasi baaritaan ugu sameeyaan ayaa waxay cadeeyeen ciidanku in haweyneydaan 20jirka aheyd oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Maxamed In ay ayadu naf ahaanteedu is daldashay islamarkaana aan cidna lug ku laheyn geerideeda .
Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay arintani ku wadaan Baaritaan xoogan qaabka ay haweyneydani isku daldashay iyo waxa keenay in ay isdaldasho .

Dadkii halkaasi ugu tagay si ay u arkaan maydka ayaa waxay walaac weyn ka muujiyeen arintan ku cusub Magaalada Garowe iyo dhamaan Puntland , waxayna arintani noqoneysaa Markii ugu horeysay ee arimahan oo kale lagu arko Magaalada Garowe marka laga reebo dad horay iyagu isku gubay gudaha Magaalada .
Axmed Xasan Cali
Garoowe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: