Toggaherer’s Weblog

DUUR JOOG LA IIB GAYNAYEY OO LA QABTAY IYO WASAARADA DEEGANKA OO DAYACDAY

Posted on: March 14, 2009

DUUR JOOG LA IIB GAYNAYEY OO LA QABTAY IYO WASAARADA DEEGANKA OO DAYACDAY

Hargaysa 13 March 2009 (THN)

Masuuliyiinta iyo madaxda Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga, ayaa ku guuldarraysatay inay daryeelaan 13 xayawaanka Harimacadka loo yaqaan oo ay kala wareegeen ciidanka booliska oo ka soo qabtay dad damacsanaa in si kootarabaan ah dibadda ugu dhoofiyaan muddo ilaa laba bilood ka hor ah, kuwaas oo 10 ka mid ahi macaluul iyo gaajo ugu dhinteen gudaha xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Hargeysa. Weriyayaal ka tirsan Jamhuuriya oo shalay booqday xarunta Wasaaradda Degaanka, ayaa halkaa kula kulmay saddex Harimacad keliya oo ka mid ah 13-kii ciidanka Boolisku ku wareejiyeen Wasaaradda Degaanka, kuwaas oo ay ka muuqatay diif iyo gaajo ku dhaw inay u dhintaan haddii aan loo gurman, halka dhammaan tobankii kale gaajo iyo daryeel la’aan ugu dhintay gudaha iyo daafaha Wasaaradda, iyada oo mid ka mid ah xayawaankaasna baabuur ku jiidhay jidka laamiga ah ee ka horreeya xarunta Wasaaradda Waxbarashada, halkaas oo bakhtigiisu ilaa shalay gaadiidku ku jiidh jiidhayeen. Nasiib-darrada kale ee fadeexaddani daaha ka rogtay, ayaa iyana ah markii suxufiyiintu isku dayeen in arrinta ay wax ka weydiiyaan masuuliyiinta sare iyo madaxda waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, balse gebi ahaanba ka waayeen xarunta Wasaaradda, isla markaana aannu joogin masuul qudha oo wax laga weydiiyo fool-xummadda meesha taallay iyo bakhtiga xayawaanka masuuliyad-darrada u leeday. Markii suxufiyiintu su’aaleen shaqaale hoosaadka xarunta ku sugnaa halka ay ku maqan yihiin masuuliyiintii Wasaaraddu waxay sheegeen in Wasiirka Wasaaraddaasi aannu xafiiskiisa ka soo xaadirin muddo afar maalmood ah, isaga oo ku sugan magaalada oo aan meelna ku maqnayn. Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Gobolka ayaanu midna ku sugnayn xafiiskiisa. Xayawaankan Harimacadka ah oo sida la sheegay muddo laba bilood ka hor ah ciidammada ammaanku qabteen xilli la doonayey in la geeyo xeebaha galbeed ee Somaliland, halkaas oo si kooratabaan ah looga dhoofiyo, isla markaana looga iibiyo maalqabeeno carbeed oo xeebta ku yimaada doonyo yaryar oo dheereeya, kadibna geeya sayladaha dalalka carabta. Jamhuuriya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: