Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA MACDANTA IYO BIYAHA OO DHAGAX DHIGAY RIIG BIYO KA SOO SAARAYA DEEGANKA OODWEYNE

Posted on: March 13, 2009

WASIIRKA MACDANTA IYO BIYAHA OO DHAGAX DHIGAY RIIG BIYO KA SOO SAARAYA DEEGANKA OODWEYNE

Oodweyne, Wefti balaadhan oo ka socday xukumada Jamhuuriyada Somaliland kana koobnaa qaar ka mida golaha Wasiirada, Golaha baarlamaanka, Golaha deegaanka iyo maddax kale oo ka tirsan xisbiga UDUB, ayaa maanta soo gaadhay magaalo maddaxda Gobolka Oodweyne.

Weftigan oo ay ujeedadiisu ahayd in ay ka qayb galaan munaasibad loogu talo galay dhagax dhiga Riig biyo ka soo saaraya deegaanka Oodweyna gaar ahaana dixda Shimbiralay.

Dhinaca Gobolka Oodweyne ayaa waxaa munaasibada uga qayb galay gudoomiyaha Gobolka, maayirka degmada, salaadiin, cuqaal, wax garadka Gobolka iyo dadweyne kale oo Aad u tiro badan.

Furitaankii dhagax dhigan waxaa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne Md Max’ed Cabdi Liibaan, waxaanu halkaasi ugu horayn mahad naq iyo salaam uga soo jeediyey dhamaan maddaxda ka soo qayb gashay munaasibadan gaar ahaan wasiirka macdanta iyo biyaha Md Qaasim Sheekh Yuusuf Max’ed, Md Siciid Sulub Max’ed, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:-

“ Waxaanu marka hore mahad u soo jeedinaynaa Maddaxweynaha Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin, isla markaana dalbay in ay isku adkeeyey sidii ay Somaliland u keeni lahaayeen riigan, Gobolka Oodweyne waa mid baaxad balaadhan kana koobaan 4 degmo iyo 57 tuulo, sidaas daraadeed gobolka ay baaxadiisu intaas leeg tahay hore u may jirin ceel uu leeyahay”

Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu intaas raaciy in Gobol ahaan ay Somaliland in badan ku xasuusan doonaa labada astaamood ee Birsh-ka iyo Riigan hada la keenay.

Xildhibaan Cali Xaaji oo ka mida Golaha wakiilada Somaliland ayaa isna goobta ka hadlay, isaga oo sheegay in Gobolka Oodweyne uu ka mid yahay meelaha ugu barakada roon.

Md Cali Xaaji ayaa intaasi ku daray in dadka reer Oodweyne ka faa’idaystaan Riigan, soona dhaweeyaan dadka ajaanibka ah ee hawshan Riiga gacanta ku haya.

Xilidhibaanka yaa carabka ku dhuftay in ay hada soo dhawaatay mudadii doorashada, una diyaar garoobaan dadka Reer Oodweyne sidii ay qayb uga qaadan lahayeen, waxaanu yidhi:-

“ Waxaa inagu soo fool leh doorashooyinkii, ilaahay doorashooyin nabad gelyo iyo khayr qaba hayna siiyo, dadka reer Oodweyne waxaan leeyahay abaal gudkeeda waa laydinku leeyahay ee taas ku tala gala doorashooyinka soo socda”

xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa C/laahi Max’ed Jaamac (Caray) oo ah xoghaya nabad galyada iyo difaaca xibiga UDUB, waxaana uu yidhi:-

“ Maanta waxaynu ka hadlaynay arin horemarineed balse may ahayn in siyaasad la soo geliyo balse marka ay siyaasadu is furto in laga hadlaa waa mid waajiba, runtii markaan labad dhinac eegay waxaan ka waayey maddaxdii Xisbiga Kulmiye iyo UCID, sidaas daraadeed waa in aanu fursadaas ka faa’idaysnaa oo aanu dad weynaha reer Oodweyne u sheegnaa xisbiga kaliye ee horumarka danaynayaa uu yahay Xisbiga UDUB”

Somalidu waxay tidhaahdaa laba nin marna ma ilawdid marna ma ilawdid, ninka maalinta lagu dhaco ama col ku galo ama aad naxsan tahay kuu soo gurmada, iyo ninka maalinta farxadi kula soo daristo ama aroos ha ahaate ama riigan oo kale hakuu yimaadee ninkaas oo kalana lama ilaawo.

Markaas reer Oodweyne waxaan xasuuninayaa geel halkaas ka cabi doonaa marka uu dhalo anaga iyo qolada idinka maqan si ha ugu wada lisina.

In badan waxa aynu maqalnaa horumarka dalka haayado ayaa ka qayb qaata, barito waxaad arki doontaan in joornaalka lagu soo qoro riigaas haayadbaa ka danbaysa sidaas daraadeed mid ayaan idiin sheegayaa dalkan seddex xisbi ayaa ku tartamay, dalkana xisbi ayaa ka taliya oo dusha laga saaraa wixii shar iyo khary markaas riigan maanta UDUB ayaa keentay.

Idaacadaha iyo joornaalada waxaad ku arkayseen iyada oo la leeyahay doorashadii ayaa dib u dhacday oo la leeyahay doorashadii dib ayay u dhacday, markaa waxaan leeyahay halkaas si khaldan ayaa nalooga fasilay doorasho dib u dhacday ma jiro, balse waxa dhacday in seddexda xisbi qaran komishanku isugu ka yeedhay laguna heshiiyey in lagu daro mudo 2 bilood ah”

Intaasi ka dib waxaa goobta ku sugnaa qaar ka mida masaarida macaliimiinta ah ee wax ka dhiga dugsiyada sare ee Oodweyne, waxaanu halkaasi mahad naqa balaadhan uga soo jeediyey Xukumada Maddaxweyne Rayaale iyo dhamaan Golihiisa Wasiirada, waxaanu intaas racaaciyey in ay dalka Somaliland ugu nool yihiin si nabad galyo leh.

Kadib waxaa isna halkaas ka hadlay wasiirka macdanta iyo Biyahay Md Qaaim Sh. Yuusuf Ibraahim, waxaana marka hore wasiirka u mahad naqa u jeediyey shacabka reer Oodweyne iyo dhamaan masuuliyiinta keenay Riigan.

“ dalkeenu malaha wabiyaal biyaha ilaahay cirka inaga siiyo 75% waxay galaan badda, balse deegaanka Oodweyne biyihiisu ma galaan bada ee waxay ku baahan dhulka dushiisa, sidaas daraadeed hadii laga faa’idaysan waayo waa mid khasaare ah, sida aad wada ogtihiin riiga sababtiisa waxaa iska lahaa maddaxweynaha jamhuuriyada Somaliland. Intaas hadii aan halkaas ku dhaafo waxaa muhiima in ilaahay loo mahad naqo dadkana loo mahad naqo”

Dhinaca kale tuulada Ceel Xumo ayaa iyana xadhiga la jaray ceel biyood oo ay iska kaashadeed haa’yada wadaniga ah ee KULAN iyo wasaarada macdanta iyo Biyaha isla markaana ay maal galisay haa’yada caalimaga ah ee UNICEF.

Ugu danbaynii ma jirin wax rabshado iyo dhibaato ah oo ka dhacay deegaanka Oodweyne intii ay ku sugnaayeen weftigu.

Xafiiska Wararka Ee Goljano.com

Burao/Somaliland

Ibraahim Abdirahman Qaasim

Qaasim

Qaasin05@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: