Toggaherer’s Weblog

WARSAXAAFADEED WAFTIGII MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Posted on: March 13, 2009

WARSAXAAFADEED WAFTIGII MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Jamhuuriyadda Somaliland,

Warsaxaafadeed, Weftiga Madaxweynaha JSL,
Addis Ababa. Ethiopia. 13/03/09

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo
weftigii uu hogaaminayey ee booqashada rasmiga ah ku joogay dalka
Ingiiriiska ayaa shalay subax soo gaadhay Magaalo Madaxda Dalka
Ethiopia ee Addis Ababa, halkaasi oo Madax sar sare oo ka socota
Wasaaradda
Arrimaha Debedda ee Ethiopia ku soo dhaweeyeen weftiga Madaxweynaha JSL.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa Saaka 10- subaxbimo huteelka uu deggan
ku soo booqday, Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Ethiopia, H.E.
Norman Ling, iyo ku xiggeenkiisa Mr. John Marshal iyagoo kullankaasi
isaga waraystay arrimo farabadan oo ay ka mid ahaayeen danaha labad
wadan ee Somaliland iyo Ingiriiska, isla markaana halkaasi isku
waydaarsaday warbixino wax ku ool ah, Madaxweynuhu waxa uu safiirka uga
waramay sidii wanaagsanayd ee isaga iyo weftigiisaba loogu soo
dhaweeyay dalka Ingiriiska isla markaana uu uga mahadnaqay.

Isla maanta 03:00 Galabnimo waxa Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir
Rayaale Kaahin iyo weftigiisu kullan kula yeesheen Xafiiskiisa,
Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia, Mudane, Meles Zenawi, kullankaasi oo
ahaa mid labada hoggaamiye ay si kalgacaltooyo ku jirto ugu wada
sheekaysteen, waxa
ay si mug leh isaga xog waraysteen arrimaha Gobolka, kuwa Geeska Africa
iyo ka labada dal ee Walaalaha, kullankaasi oo qaatay muddo dhan
saacad, waxa uu ku soo gaba-gaboobay jawi aad u heer sarreeya oo
walaaltinimo.

Kullamadaasi waxa Madaxweynaha ku wehelinayey, Wasiirka Wasaaradda
Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Safiirka
Somaliland ee Ethiopia, Mudane, Maxamed Xassan Nuuriye, iyo Xog-hayaha
Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Ciise.

Allaa Mahad Leh

Axmed Maxamed Ciise
Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: