Toggaherer’s Weblog

KUURIYADA WAQOOYI OO TIJAABINAYSA DAYAXGAMEEYADEEDII QAAR KA MID AH

Posted on: March 13, 2009

KUURIYADA WAQOOYI OO TIJAABINAYSA DAYAXGAMEEYADEEDII QAAR KA MID AH

Oslo 12 March 2009 (THN)
Wakaalada wararka ee dalka Kuuriyada koonfureed ayaa sheegtay in dalka Kuuriyada waqooyi ay gaadhsiisay ururka badaha caalamiga ah in ay tijaabin doonto inta u dhexaysa 4-8 bisha Abril ee soo socota.

Wakaaladan ayaa warkan kasoo xigatay ilo sirdoon ah oo ku sugan dalka Kuuriyada waqooyi si ay ula socdaan hadba waxa ka dhacayaa dalkaasi.
Dawlada Kuuriyada waqooyi ayaa horay u sheegtay in ay tijaabinayso dayaxgacmeed laakiinse ma aysan sheegin wakhtiga ah tahay.

Kuuriyada waqooyi waxa ay sheegtay in dayaxgacmeedkan uu yahay mid tijaabo u ah mid khuseeya dhina isgaarsiinta, laakiinse dawladaha deriska la ah Kuuriyada waqooyi ayaa ka shakisan dayaxgacmeedkan waxayna ay ka cabsi qabaan in ay tijaabiso nooca ridada dheer, waxayna ugu baaqeen in ay arintaas ka noqoto.

Xoghayaha arimaha dibada ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa sheegtay in dawladeedu uu qaadan doono talaabooyin hadii aanay dawlada Kuuriyada waqooyi ka joogsan waxa ay ugu yeedhtay tijaabinta gantaalaha ridada dheer.

Hillary Clinton ma ay sheegin waxa ay tahay tijaabooyinkaasi laakiinse waxa ay sheegtay in ay socdaan wadahadalo amuurtaas ku saabsan oo ay ku jiraan dalalka ay arintani khusayso.

Waxaa xusid mudan in dawlada Kuuriyada waqooyi laga mamnuucay tijaabinta gantaalaha baalstikada ah, kadib markii uu qaraar kasoo baxay golaha amaanka ee qaramada midoobay sanadii 2006 dii.
Abdi Wahaab M. Ibrahim
Oslo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: