Toggaherer’s Weblog

GOAAMADII KA SOO BAXAY SHIRKII ILAA SHALAY KA SOCDAY EE HABAR YOONIS IYO HABAR JECLO.

Posted on: March 13, 2009

GOAAMADII KA SOO BAXAY SHIRKII ILAA SHALAY KA SOCDAY EE HABAR YOONIS IYO HABAR JECLO.

Burco 12 March 2009 (THN)
Shir balaadhan oo ka socday tan iyo shalay magaala- madaxda Gobolka Togdheer ee Burco kaas oo ay isugu yimi beelaha Habar-Yoonis iyo Beelaha Habarjeclo oo ay hogaaminayaan Salaadiinta /Boqorada labada beelood ayaa maanta la soo gabagabeeyay, shirkaa oo ay kasoo qaybgaleen 200 oo ergay oo isug jira Cuqaal, Siyaasiyiin aqoonyahan culimaau-diin iyo waxgaradka bulshada shirkaas oo soconayay mudo labo maalmood ah, waxaa lagaga wada arinsaday arimaha nabadgelyada iyo duruufaha siyaasadeed ee cakiran, shirkaas oo ay gogashiisa fidiyeen beelaha habarjeclo.

UJEEDA SHIRKAAS

• Shirkan oo ujeedadiisu ahayd adkaynta nabadgelyada gobolka iyo kor u qaadida amaanka guud ee Somaliland.
• badbaadada jiritaanka qaranimada Somaliland iyo xal u helida arimaha siyaasadeed ee taagan.
• Xoojinta wax wada qabsiga labada beelood, xidhiidhinta iyo iskaashiga beelaha kale ee Somaliland.

GUAAMADA SHIRKAAS

Falanqayn iyo dood dheer kadib waxaa ergooyinka shirkani si buuxda isula qaateen go’aamadan soo socda:-
1. In labada beelood u wada noolaadaan si nabadgelyo iyo walaalnimo ah lana xaliyo arimaha taagan ee xasiloonida waxyeelikara, sida falkii Riyo-xidho ka dhacay.
2. In la-dhiirigeliyo wax wadaqabsiga bulshada iyo horumarinta adeegyada guud ee degaanada labada beelood.

3. Waxay labada beelood u arkaan natiijadii diwaangelinta codbixiyayaasha ee ay soo saareen Komishanka in si xun loo maamulay oo aan layla ogayn iyadoo ujeedo gaar ah laga leeyahay sidaa darted waxay isla garteen inaan la aqbalikarin hadii aan lasixin.
4. Waxay aragti-midaysan ka yeesheen labada beelood arimaha Siyaasada ee taagan :-
A) In doorashadii madaxtooyada wadanka laga qabto wakhtigii loo mudeeyay ee ahaa 29 march.
B) Waxay labada beelood u arkaan dib u dhigista doorashada ee soo noqnoqtay mid lagu majara-habaabinayo umada dalkana lagaga abuurayo khalkhal siyaasadeed siaa darteedna waxay kasoo horjeedaan wax mudo kordhin ah.
C) Hadii doorashadu ku qabsoomiwaydo inta kahoraysa 6th April, oo ah wakhtigii sharciga ahaa ee hore laysula qaatay waxay labada beelood soo jeedinayaan in Golayaasha sharcidejintu go’aan ka gaadhaan hogaaminta dalka iyo ciddii doorashada gaadhsiinlahayd, waxaanay labada beelood ugu baaqayaan beelaha kale ee Somaliland inay mawqif midaysan kayeeshaan.
5. Waxay labada beelood si wada jir-ah u magacaabeen gudi kashaqaysa danaha labda beelood, hirgelisana go’aamada shirka lagu gaadhay gudiga oo ka kooban 18 xubnood.
6. Gebagebadii shirka Sulaadiinta iyo ergada shirku waxay baaq nabadeed u direen degaanada shiqaaqadu dhexmartay ee ceelbardaale, Galgal iyo cagaarane waxaanay ilaahay u waydiinayaan in uu beerkooda burcad isu mariyo.

MAGACYADA GUDIDA LABADA DHINACA LAGA DOORTAY:-

HABAR YOONIS

1. Nuur Faarax Xirsi
2.Maxud Aadan Dheri
3-Jaamac ganafcade
4- Axmed Soodaani
5. Maxed Shukri Xuluul
6. Cali Ducaale
7. Maxud Sandheere
8. Maxud Cali Jaakuli
9. Cabdi Cali Dhag

HABAR JECLO

1. Cabdi Xuseen Dheere
2. Cali Madoobe
3-Yuusuf Boodh-isleged
4. Dr Aadan Mirre
5. Eng. Cali Siciid Raygal
6. Caaqil Xasan X. Cabdi.
7. Nuux Cismaan (N.Dheere).
8. Yaasin Maxed Cabdi.
9. Cabdi Farjar.

MAGACYADA BOQORADA BEESHA HABAR JECLO

1-Suldaan Cabdilahi Sul Cali
2-Suldnaan Maxamuud Guuleed
3-Suldaan Cabdi Raxmaan Qodax
4Suldaan Carab Cabdi
5-Boqor Maxamuud Cali Carab

SALAADIINTA HABAR YOONIS

1-Suldaan Cismaan Suldaan Cali
2-Suldaan Xasan Bare

Faraxaan Yusuf Ismaaciil
Togaherer Burco

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: