Toggaherer’s Weblog

WARIYE U SHAQEEYA TV GA S/L SAPACE CHANLE OO MAANTA DHAAWACYO LA SOO GAADHSIIYEY IYO WAR KALE

Posted on: March 12, 2009

WARIYE U SHAQEEYA TV GA S/L SAPACE CHANLE OO MAANTA DHAAWACYO LA SOO GAADHSIIYEY IYO WAR KALE

Hargaysa 11 March 2009 (THN)

Suxufi ka tirsan Telefesion ka madaxa baa nee Somaliland Space Chanel oo lagu magacaabo Nuur Axmed Cabdi Raxmaan ayaa maanta ciidamada Ilaalada madaxtooyadu ay u gaysteen dhawacyo iyo jidhdil aan loo aabo yeelin . Suxufigan oo maraayey dariiqa hor mara madaxtooyada isaga oo sita Kamaradii shaqada ayaa sheegay in uu lugaynaayey laamida dhinacoo waa wadada hor marta mdaxtooyadii hase ahaateen mid ka mid ah ciidamada wayraxsan ee ilaalada madaxtooydu uu amar igu siiyey in dhinaca kale oo wadada aan uga talaabo, hase yeeshii qadar kooban oo aan ku sugaayey gawaadhida si aan isaga eego ayaa waxaan ku war helay ayuu yidhi suxufigu jigta qoriga dabadiisa oo madaxa uu igaga dhacday kadibna aan ku dhacay dhulka, dad goobjoogayaal ahaa oo ayaa iyana noo sheegay in ay ka argagexeen dhacdadaasi iyo sida ay ninka suxufiga ah askartu u dileen oo loo garaacay quriga dabadiisa xitaa isagoo dhulka ku dhacay.

Dhinaca kale tafatirihii wargayska Yool Maxamed Cabdi Curad oo xidhna mudo afar iyo toban cisho ah oo maanta loo balan sanaa in maxamkamada la hor keeno si kiiskiisa loo dhagaysto ayaa baaqday kadib markii 6 dii (Lixdii) subaxnimo ee saaka lagu kalihiyey maxakamada dadkan ogaday xiligan la kalihiyey iyo suxufiyiinta ayaa tagay oo ogaday xiligaa la kalihiyey . hase ahaatee si lama filaan ah ay maxamkamdu u celisay Maxamed Cabdi Curad oo xadhigiisan aanay maxakamadu xalaalayn,maxakamad ayaan sheegin talaabada ay dib ugu celisay suxufigan .

M.Muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: