Toggaherer’s Weblog

SHIR WADA TASHI AH OO DHEX MARAY LABADA BEELOOD EE BURCO WADA DEGAAN PLAZA HUTEL.

Posted on: March 12, 2009

SHIR WADA TASHI AH OO DHEX MARAY LABADA BEELOOD EE BURCO WADA DEGAAN PLAZA HUTEL.

Burco 11 March 2009 (THN)
Shir ay isug yimaadeen beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco ayaa maanta ka dhacay Huteelka way nee Plazta Huteel ee magaaladaasi Burco.Shirkan oo ay ka qayb galeen 200 (laba boqol ) oo ergay ayaa waxa uu ku furmay jawi aad u degan iyadoo mudada uu shirku socdo lagaga wada hali doono Siyaasada iyo wax wada qabsiga deegaanada ay wada degaan labada beelood ee gobolka Togdheer .

Wufuuda labadaasi dhinac oo ay kala hogaaminayaa Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar iyo Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse oo furitaankii shirkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in shirkani yahay shir ku qotoma wax wada qabsi iyo horumarinta danaha guud ee labada beelood iyo waliba guud ahaan Somaliland .

Shirkan oo ay ka qayb galeen siyaasiyiin miisaan leh oo ka tirsan labada beelood oo ay ka mid yihiin Cabdi Raxmaan Cabdi Qaadir Farax ,Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed , Gudoomiye kuxigeenkii hore ee commisionka Xirsi Cali Xaaji Xasan , Xildhibaan Cali mareexaan , Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo Iyo xildhibaan Maxamed Nuur Carale Duur waxa kale oo shirkan iyana miisaan kale u sii yeelay xubno qurba joog ah oo markii dambe ku biiray kuwaas oo uu hogaaminaayo siyaasiga caanka ah ee Dr Xussen Faarax kuwaas oo maanta laga dhex doortay gudi farsamo oo kooban oo loo doortay dhaqan galinta goaamada ka soo baxi doona.

Shirkan oo ay qaban qaabadiisu ilaa baryahanba socotay ayaa waxaa gogoshiisa dhigay Suldaanka Beesha Bariga Burco waxa kale oo xukuumadu ay dedaal ka gashay sidii ay u fashilin lahayd iyada oo xubno wasiro ah iyo xoghayaha guud ee xisbiga Udub iyo xubno kale oo ka tirsan dawladu ay haatan ku sugan yihiin magaalada Burco ayaa qorshahoodii ay doonayeen in ay shirka ku baabiiyaan uu fashilmay waji gabaxna kala kulmeen kadib markii shirkii sidii loogu talagalay oo ka furmay hortooda subaxii saaka ahaa.

Shirkan oo aan warbaahinta loo ogolayn ayaa waxii intaa dhaafsiisani uu noqonayaa saadaal iyo mala awaal wixii ka soo kordhana gadaal ayaanu idiinka soo sheegi doonaa .

Farxaan Yusuf Ismaaciil
Togaherer Burco

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: