Toggaherer’s Weblog

LABA BEELOOD WARSANGALI IYO DULBAHANTE OO 54 SANO COLAADI U DHAXAYSAY OO LA HESHIISIIYEY

Posted on: March 12, 2009

LABA BEELOOD WARSANGALI IYO DULBAHANTE OO 54 SANO COLAADI U DHAXAYSAY OO LA HESHIISIIYEY

LABA BEELOOD WARSANGALI IYO DULBAHANTE OO 54 SANO COLAADI U DHAXAYSAY OO LA HESHIISIIYEY

Boosaaso 11 March 2009 (THN)
Hashiiskii Laba Beelood ee Cabdi Maxamuud iyo Reer Saalax ayaa soo Gaba Gaboobay waxana Shirkaasi Joogay Masuuliyiin badan oo ka tirsan Maamulka Puntland iyo Isimo ka tirsan Labada Beelood, sidoo kale waxa Joogay qaar ka mid ah Ururada Bulshada.

Hashiiskaasi Nabadaynta Beelaha Walaalaha ah waxa soo Abaabulay oo gacan Wayn ka Gaystay Hay”adda Caalamiga ah ee DRC- Taasi oo Geed dheer iyo Mi Gaaban u Fuushay sidii ay Beelahaasi SUlux ugu dhamayn Lahayd.

Colaadaasi oo 54- Jirsatay ayaa waxa Markii ay dhamaan waday La Qaban Qaabiyay sidii Beelahaasi loogu Kala Xukumi lahaa, Shareecada Islaamka iyada oo Gudi isku dhafa loo xil saaray Xalinta Khilaafkaasi.
Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Shirkaasi Nabad ah soo qaban qaabiyay ayaa Xaqiijiyay in loo saaray Arinkaasi 22-Xubnood ah oo Gud Isku dhaf ah oo isugu Jira Culamo, iyo Aqoonyahano kuwaasi oo Gabe Gebadii soo saaray Go”aano Ay wada qaateen Labada Beelood.

Go”aamadii Shirkii laga soo saaray waxa ka mid ahaa.

1-Inta maanta laga Bilaabo Colaadii Beelahaasi ay Noqoto Mid la soo sal xaadhay oo ay soo Af Godo.
2- inay Beesha Cabdi Maxamuud Bixiyaan 2- Nin lagu Xukumay iyo 3-Nin oo dhaawac ah.
3- In Beesha Reer Saalax ay Iyana Bixiyaan 2-Nin oo SHareecadu ku Xukuntay.
Dhamaan Laba Beelood ee Goobtaasi Joogay ayaa si Fiican ugu Qanacsanaa Hashiiskaasi Taariikhiga ah iyada oo sidoo kale Jaliyadaha dibada ee Labada Beelood ay soo saareen baaqyo xoogan oo Taageero ah kuwaasi oo Muujiyay inay soo dhawaynayaan Hashiiskaasi Colaada dabada dheeraatay lagu soo Afmeeray.
Labada Beelood ayaa Hashiiskaasi ukala saxeexay Cuqaasha Labada Beelood iyo waliba Xildhibaano ka socday Puntland oo ka soo Kala Jeeday Gobolada Sool iyo Sanaag.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: