Toggaherer’s Weblog

XAFLADA BALAADHAN OO LAGU SOO DHAWAYNAYEY XISBIGA UCID OO KA DHACDAY SHEFFIELD (UK)

Posted on: March 11, 2009

XAFLADA BALAADHAN OO LAGU SOO DHAWAYNAYEY XISBIGA UCID OO KA DHACDAY SHEFFIELD (UK)

xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweeyay waftiga ucid magaalada shafield united
Sheffeild 10 March 2009 (THN)

xisbiga xadalada iyo daryeelka ucid ayaa dhawaanahanba waxa u la kulmaayay jaaliyadaha kal duwan ee ku kala nmool wadanka uk hadab xaflad balaadhan oo ka dhacday magaalada shafield united ayaa lagu soo dhaweeyay xisbiga ucid,halkaas oo u hogaminaayay waftiga gudoomiyaha golaha wakiilada ee jsl,md c.raxmaan maxed c/laahi

ugu furitaanka xafladaas waxa ka hadlay gudoomiyaha uk ee xisbiga ucid md ibraahim rashiid oo ka hadlay ujeeda safarkoodan iyo waliba intii magaalo iyo jaliyaded ee ay la kulmeen xisbiag ucid intii uu joogay wadanka uk, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in taageero buuxda siiyaaan dadweeynaha reer shafield xisbigan cadaalada iyo daryeelka ree ucid intaas ka bacdi

waxa halkaas ka hadlay xoghayaha warfaafinta ee xsibiga ucid md,c/naasir yuusuf cismaan qodax o ka hadlay barmaamjka xisbiga ucid ee mustaqbalka marka ay ku guulaystaan hogaaminta dalkawaxaana hadaladiisii ka mid ahaa(anagu xisbi ucid ahaan hadii talada dalka aanu qabano waxaanu kor u qaadi doonaa waxbarashada ,caafimaadka .iyo dayactirka wadooyinka jamhuuriyada somaliland dhamantood,waxaanu samayndoonaa ciidan qaran oo tayo leh,waxbarasho bilaash ah iyo biyaha oo aanu ka haqabtiridoona hadii alle yidhaahdo bulshada reer somaliland, waxaanu kor u qaadi doonaa xirfada macaalimiinta reer somaliland anaga oo siin doona macalin walba oo reer somaliland ah mushahar ku filan waxanu kor uqaadi doonaa xirfada booliskan somaliland anaka oo walibana mushaharka ku siin doona hadba sida ay u kala darajo sareeyaan)
md,qodax waxa uu ku dheeraaday barmaamijka xisga ee xaga dhalin yarada ,haweenka ,iyo dadka lahaybsooco intaba.

intaas ka bacdi waxa isna hada dheer madashaa ka jeediyay gudoomiye xigeenka 2aad xisbiga ucid md,axmed xuseen faggdagaash,oo ka hadlay xiyaada xisbiga ucid ee arinaha dibada waxana hadaladiisii ka mid ahaa(hadii aanu qabano talada dalka waxaanu ku keeni doonaa ictiraafka somaliland mudo hal sano ah ,iminkana waxaanu soo marnay wadamo badan oo ay ka mid yihiin canada,waqooyiga yurub emarat iyo uk, intaba wxaanu kala hadlaynay qadiyada sonmaliland balanqaadyo wanagsana way nasiiyeen,waanayse nagula dardaarmeen in ay sameeyaan doorasho wanaagsan,inshaa alaahuna waxanu rajaynaynaa in ay dhici doonto dorasho wanagsani iyada oo aanu rajaynayno xisbi ahaan in aanu ku guulaysanayno doorashada soo socota bid idmillaahi karim

waxa kale oo halkaas ka hadlay gudoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga ucid md,aadan maxamed mire waqaf waxan hadalasii ka mid ahaa(xisbigan ucid guulihi uu gaadhay intii uu jiray wax ka mid in uu ku guulaysta kursiga sadexaad ee dalka kaas oo uu hogaaminaayo c/raxmaan cirro,)waxa kale oo uu xusay gudoomiye waqaf hananaki ay u qabsoomeen diiwaangalintii soomallland waxanu xusay in ay ku dhamaatay si wanaagsan iyada oo uu sheegay gudoomiyuna in ay hada serverka lagu kala saaro dadkii dhawrka jeer qaatay kaadhka dhalashada,waxa uu si xeel dheer ugu nuuxnuuxsaday md,waqaf barmaamijka xisbiag ucid waxanu sheegay in ay tayayn doonaaa ciddamada somaliland iyaga oo waliba siin doona askari walba mushahar ku filan iyo darajada ciidanka, waxanu xusay in ay rajo weynka ka qabaan ku hanashada doorashad soo socota (rajada maanta ee somalailand waxa weeye in ay hogaaminta dalka somalailnd ay ku guulaysato xisbigan ucid maxa yeelay waxaanu samaynay dedaal fiican iyo waliba barmaamijwanagsan oo aanu doonayno in aanu ku hagno dalka marka aanu ku guulaysano doorashada soo socota

ugu danbayn waxa xafladasa soo gebogebeeyay gudoomiyaha g/wakiilada c/raxmaan cirro oo ka xog waramay guulihii uu gaadhay golaha wakiilada mudadii uu jiray wxaanu xusay in ay sameeyeen ugu yara ilaa 12 xeer oo hada dhaqan galay,waxaanu xusay in khilaafka hada jirana uu si wada jir ah u dhamaan doono isga oo ugu baaqay xisbiyada qaranka iyo goloyaasha qarankaba in ay arinbtaas wada tashi degdeg ah uga wada hadlaan

xaflaas waxa ay dadweynuhu waydiiyeen masuuliyiinta xisbiuiga ucid suaallo kal duwan halkaas oo ay amsuuliyintiina ay uga jawaabeen

waxanay jaaliyada reer shafield balan qaadeen in ay taageero hiil iyo hooba ra garab istaagi doonaan xisbiga cadaalada iyo daryeelka ucid hadii alle yidhaahdo

A/Naasir Yousuf Osman (Qodax)
Xog-Hayaha Gobolka Hargeisa (X-Ucid)
BBA Hargeisa University Of Hargeisa
Mobile +2522-4420330 qodax5@yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: