Toggaherer’s Weblog

XAFLAD NOOCEEDA AH TII KOWAAD 21 QOYS OO ISKU MAR KU AQALGALAY HARGEYSA CAAWA

Posted on: March 11, 2009

AROOS WADAREED AY KU AQAL GALEEN 21 QOYS OO XALAY KA DHACAY MAGAALADA HAGAYSA

Hargeysa 10 Mar 2009 THN
Magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa caawa
Hotel Maansoor Lagu qabtay Xaflad Aroos, arooskan ayaa waxa uu kaga
duwanaa aroosyada Kale Waxa uu ahaa aroos kulmiyey 21 qoys oo hal mar
ku aroosta isku madal.

Lamaanayaasha Is aroostay ayaa waxay ahaayeen shaqaalaha Shirkada
Isgadhsiinta ee Telesom Xafladaas oo ay waxa ka soo qayb galay
Madaxdhaqamedyo, Culimo-udiin aqoonyahan iyo marti sharaf kale waxa
Hambalyooyin iyo Tahniyado loogu soo Jeediyay qoysaskaa Xafladoodii
arooska loogu qabtay madal ilyartu is qabatay taasi oo ay maalgalisay
shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom.

Xafladii loo sameeyay aroos wadareedkan waxa ka soo qeyb galay
Masuuliyiin ka kala socotay sadexda xisbi qaran Guddoomiye ku xigeenka
koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdi-casiis Maxamed
Samaale, Odayga Somaliland Md Xildhibaan Xaaji C/kariim Xuseen Yusuf
Wasiiro Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo
wakiilada, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, Guddoomiyaha Jaamacada
Hargeysa Pro Bulxan , Culimo ay ka mid yihiin Sheekh Yusuf Aden ,
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir iyo dadweyne kale oo lagu soo marti
qaaday.

Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda
Telesom ayaa Yidhi “Shirkad ahaan mawduucan shirkada Telesom ayaa soo
abaabushay, waxaanu qaadanay 2007-dii in shaqaalaha shirkada ee
da’yarta ah, ee guurku ku adag yahay ee aan dhiiranayn kana xishooday
wixii Somalidu ku dhaqmi jirtay ee inta inanta la iska kaxaysto la
odhan jiray waala soo mehersaday, ee dariiqii saxda ahaa maraya inaanu
anaguna shirkad ahaan gacan ka gaysano oo shaqaalahayaga ah, sanadkii
ina dhaafay ee 2007-da shirkadu sidan oo kale waxa ay u caawisay 10
dhalinyaro ah ama labaatan dhalinyaro ah marka labada dhinacba la
eego.”

Suldaanka ayaa intaa raaciyey yidhina ‘Markaa sanadkan markii aanu
aragnay sida dhalinyaradii u soo dhiiratay ee ay laban laabmeena ayaanu
go’aansanay in aanu xaflada noocan ah u samayno, shirkaduna waxa ay ka
qaabishay xaflada Arooska, qof kasta oo ka mid ah Carruusyada caawa
hawshan ka qayb qaadanaya ugu deeqday $2000, sidaa awgeed $42000 ayay
shirkadu ugu deeqday 21qof, waxayna ka yimaadeen inta badan gobolada
dalka, laga soo bilaabo Laascaanood ilaa Boorama.

Dhamaan Marti sharaftii ka hadashay Madasha ayaa Hambalyo iyo boogadin
u soo jeediyay Shirkadda Telesom waxaanay sheegeen in ay ku
amaananyihiin Hawshaa ay qabteen.
Xaflada ayaa intii ay socotay waxa dhex socday Gabayo Su’aalo la
iswaydiinyo kuna saabsanaa Madasha Iyo xafalada Aroos wadareedkan.

Xafladan ayaa noqonaysaa tii koowaad ee nooceeda ah ee lagu qabto magaalada Hargeysa ee aroos wadreed intaas leeg.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: