Toggaherer’s Weblog

WIIL 17 SANO JIR AH OO DUGSI UU DHIGAN JIRAY KU DILAY 15 RUUX OO 9 ARDAY YIHIIN.

Posted on: March 11, 2009

WIIL 17 SANO JIR AH OO DUGSI UU DHIGAN JIRAY KU DILAY 15 RUUX OO 9 ARDAY YIHIIN.

WINNENDEN, Germany 11 Mar 2009 THN
Wiil 17 Sano Jir ah kuna labisnaa Dhar madmadaw ayaa Dugsigiisii sare ee hore oo ku yaala Koonfur Galbeed Wadanka Jermalka ayaa qudha kaga jaray Shan iyo toban Ruux ka hor inta aanay dillin ciidamada Boolisku Gacan ku dhiiglaha.

Wiil ka dhalinyarada ah ee Gacan Ku dhiialaha ayaa Ku dilay Dugsiga 9 arday iyo Saddex Macalim iyo Hal ruux oo dibada Dugsiga sare Albertville marayay, wiilka aya markii uu fuliyey Dilkaa waxa uu afduubay gaadhi si uu u baxasado .

Baacsi ciidamada boolisku ay baacsanyeen ayaa la iska helay gacan ku dhiiglaa meel u jirta halka uu falku ka dhacay 25 Mile ( 40 kilometers) israsaaseyn ciidamda Booliska iyo gacan ku dhiigalaha is waydaarsadeen ayaa waxa ku dhintay laba ruux oo kale oo aaga ka dhawaa.

Geesta kale hawlgalka aya waxa dhaawac culusi ka soo gaadhay Laba sarkaal se khasaare kale lama soo sheegin booliska ayaan wali aqoonsan ruuxa dilka geystay .

Dhacdadan mid la mid ah ayaa ka dhacaday wadanka Jermalka 2002 iyada oo wiil yar oo 19 sano jir ahi ku dilay 16 Ruux Dusgi oo 12 ahaayeen Macalimiin Xoghayn iyo laba arday iyo sarkaal Boolis ah.

Xafiiska Warqabadka ToggaHerer
Oslo
C/wahaab M Ibrahim

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: