Toggaherer’s Weblog

WARSAXAAFADEED KULAN MADAXTOOYADA SOMALILAND IYO WAFTI KA SOCDA DAWLADDA SWEDEN

Posted on: March 11, 2009

WARSAXAAFADEED KULAN MADAXTOOYADA SOMALILAND IYO WAFTI KA SOCDA DAWLADDA SWEDEN

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

Date: 11/03/2009

War-saxaafadeed

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu saaka xarunta qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Wefdi ka socda Dawlada Sweden.

Wefdigaasi oo ay hogaaminayso haweenay la yidhaahdo Marika Fahlen oo ah danjire iyo wakiil gaar ah oo ka socda Dawlada Sweden, waxa ay booqasho dhawr cisho ah ku soo gaadheen Jamhuuriyadda Somaliland, si ay xog wax ku ool ah uga helaan halka ay marayso abaabulka iyo tababaabusha doorashooyinka ku soo food leh Somaliland oo ay ugu horeyso doorashada Madaxtooyadu.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, oo hadal kooban u jeediyay wefdiga, waxa uu ugu horeyntii ugu mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland iyo sida ay u danaynayaan geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku, waxa uu wefdiga u sheegay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay in dalka ka qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah wakhtiga ugu haboon ee ay u cayimaan Komishanka doorashooyinku.

Mar uu ka hadlayay halka ay marayso tabaabusha doorashooyinku, waxa uu sheegay in aanay xukuumada talada haysaa aanay marna codsan muddo kordhin in lagu sameeyo wakhtiga doorashooyinka, hase yeeshee in ay taasi tahay xil iyo go’aan ay iska leeyihiin Komishanka doorashooyinka, iyada oo ay jiraan arrimo farsamo oo dib u dhigaya wakhtigii markii hore loogu tallo galay in ay qabsoonto doorashada Madaxtooyadu.

Madaxweyne ku xigeenku isaga oo ka hadlaya arrimaha farsamada ee doorashooyinka dib u dhigay oo uu ka mid yahay Server-ka loogu tallo galay in uu kala sifeeyo codbixiyayaasha is diiwaan geliyay waxa uu yidhi “Waxa lagama maarmaan ah in sida ugu dhakhsaha badan ay u yimaadaan nimankii khuburada ahaa ee loogu tallo galay in ay ka shaqaysiiyaan Server-ka, si loo kala sifeeyo dadka ku noq noqday diiwaan gelinta ama farahooda ka tagay, taasi oo sal u ah in la sifeeyo wax alle wixii mad-madow ah ee laga yaabo in ay diiwaan gelinta ku timid, isla markaana lagu wada qanco, lagana saaro tuhunka”.

Gabo gabadiina Madaxweyne ku xigeenku waxa uu wefdiga xusuusiyay qodobada ku qeexan dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, sida cad u qiraya arrimaha la xidhiidha dhinaca doorashooyinka, isaga oo sheegay in ay xukuumadiisu ay mar walba dul qaad muujinayso, una diyaar tahay wakhtiga ololaha Doorashooyinka Komishanku ay go’aamiyaan.

Ambasador Joran Bjallerstedt oo ka tirsan Safaarada Dawlada Sweden ee magaalada Nayroobi, oo halkaasi isna ka hadlay waxa uu sheegay in dawlada Sweden oo la wareegi doonta gudoonka wadamada EU-da Bisha july ee soo socota , isla markaana qayb ka ah wadamada deeq-bixiyayaasha ee danaynaya doorashooyinka Somaliland in uu si weyn ugu rajo weyn yahay doorashooyinka soo socda oo ay ugu horeyso ta Madaxtooyadu in ay si xor oo xalaal ah ay uga dhici doonto dalka, sidii kuwii horeba ay dalka uga qabsoomeen, waxana uu Ambasador-ku uu sheegay inuu ku qanacsan yahay in Asxaabta Qaranka, Komishanka iyo xukuumaduba ay is-afgarad iyo wada tashi ay ka yeelan doonaan wakhtiga ku haboon ee doorashooyinkaasi dhici doonaan.

Marika Fahlen waxa ay iyana sheegtay in doorashooyinka Somaliland haddii ay si xor oo xalaal ah u qabsoomaan in ay wax weyn u tari doonto sumcada Somaliland ay ku leedahay caalamka intiisa kale, waxana ay sheegtay in dalkeeda ay ka go’an tahay in dedaal gaar ah siiyaan sidii doorashooyinka dalka Somaliland ku soo fool leh ay si nabad gelyo ah uga dhacaan.

Wefdigaasi waxa kale oo ka mid ahaa Agaasimaha hay’adda Horumarinta u qaabilsan Dalka Sweden Mr Magnus Carlquist iyo gabadha la yidhaa Anna oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha dibada ee Dalka Sweden.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: