Toggaherer’s Weblog

SHIR XOG WARAYSI XAFIISYADA WASAARADAHA KA HAWLGALA G/SOOL OO KA DHACAY LAASCAANOD

Posted on: March 11, 2009

SHIR XOG WARAYSI XAFIISYADA WASAARADAHA KA HAWLGALA G/SOOL OO KA DHACAY LAASCAANOD

Laascaanood 10 March 2009 (THN)

Shir ay isugu yimaadeen masuuliyiinta wasaaradha Somaliland ee Gobolka Sool ayaa maanta waxa uu ka dhacay guriga Gobolka xafiiska Gudoomiyaha Gobolka iyadoo shirka uu shir gudoominayay Taliyaha qaybta Police-ka ee Gobolka Sool ahna ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni.

ugu horayn waxaa halkaasi war bixin ku saabsan wax qabadkeedii ka soo jeedisay wasarada waxbarashada somaliland laanteeda gobolka sool taasi oo uu fahfaahin ka bixiyey mudane saleebaan cali oo ah isuduwaha wasaaradaasi ee gobolka sool iasagoo sheegay inay ka fuliyeen gobolka wax qabad la taaban karo oo dhankla wax barshada ah iyo manhajka dawlada oo ay ku wada fidyeen dhamaanba gobolka sool oo idil.

Wasaaradaha Hawlaha guud iyo gaadiidka oo oo sidoo kale halkaasi war bixin todobaadle ah kasoo jeedisay ayaa waxa ay xustay intii ay ku sugnayd magaalada Laascaanood ee gobolka Sool hawlihii ay ka fulisay iyadoo xustay inay gaadiid fara badan ay u keentay buugaag iyo canshuur dhaaf kuwaas oo ka hirgalay Gobolka iyadoo sidoo kalena warbxino kale halkaasi kasoo jeedisay.

Isku soo wada duuboo waxaa halkaasi isugu yimi shirkii todobaadlaha ahaa ee ee Isuduwayaasha wasaaradaha Somaliland ee Gobolka Sool wasaarado aad u fara badan kuwaas oo gaadhaya toboneeyo wasaaradood ayna si wayn uga dhex muuqdaan Gobolka iyago dhamaanba wasaaradahu ahaayeen kuwo horay usoo gudbin jiray wax qabadkooda ee Gobolka Sool si wayna uga dhex muuqan jireen wax qabadkoodu Gobolka.

axmedsaakin faarax
laascanod,somaliland
axmedsaakin@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: