Toggaherer’s Weblog

QARAX XOOGAN OO CAAWA MAR LABAAD KA DHACAY STOP POLICE OO KU TALADA GUDA BOOSAASO.

Posted on: March 11, 2009

QARAX XOOGAN OO CAAWA MAR LABAAD KA DHACAY STOP POLICE OO KU TALADA GUDA BOOSAASO.

Bosaaso 10 March 2009 (THN)
Qarax xoogan ayaa dhegaha dadka Bosaaso maqleen dhawor Daqiiq ka Hor kaasi oo lagu Tuuray Koox ciidamo ah oo Joogay Meel dadka lagu Baadho, lama Yaqaan dadka Qaraxaasi soo Maleegay, iyo Cida loola Jeeday toona laakiin Amaanka Magaalada Ayaa la Adkeeyay Caawa.

Qarax aan la aqoon Ujeedkiisa ayaa Caawa oo ay ahayd Salaasa cawasykii ayuu qaraxaasi k ka dhacay Bosaaso kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay Meel Kaanta Rool oo ah Gudaha Magaalada ah, Ciidankii Halkaasi Joogay ayaa ku War Helay Sanqadha Qaraxaasi isaga oo Uuro iyo Qiiq Kiciyay.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya inaanay Jirin Cid wax ku Noqotay Qaraxaasi iyada oo uu ahaa kan Gacanta laga Tuuro, sidoo kale warka ayaa sheegaya in aanay Jirin Cid ilaa Haatan loo Qabtay, Boolis Fara badan ayaa Gaadhay Goobtaasi iyada oo Amaanka Wadada isku xidha Garoonka diyaaradaha ee Gudaha Magaalada la Adkeeyay.

08,March bay ahayd Markii Qarax xoogani Gil Gilay Gudaha Magaalada Bosaaso kaasi oo lala Beegsaday Ciidamo la sheegay inay ahaayeen Roono, ilaa 6-Askari ayaa la Xaqiijiyay inuu dhawaac Culisi soo Gaadhay.

Maamulka Faroole ee Hogaanka La Wareegay 08,Janaayo,2009- ayaa ku Fashilmay inuu Xakameeyo Amaanka oo Hoos u dhacay, isaga oo inta badan sheegay inuu Amaanka Wax ka Qabanayo.

Warqabdadka togaherer
Bosaaso

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: