Toggaherer’s Weblog

NIN LA SHAQAYN JIRAY RAISAL WASAARAYAASHII HORE EE DFKS OO QARAX KU DHINTAY

Posted on: March 11, 2009

NIN LA SHAQAYN JIRAY RAISAL WASAARAYAASHII HORE EE DFKS OO QARAX KU DHINTAY

Moqadisho 11 March 2009 (THN)
Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka dhacay Qarax lala beegsaday gaadhi uu saarnaa sarkaal horey ulla soo shaqeyn jiray Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Dowlada Soomaaliya. Weerarkan ayaa ka dhacay xaafad Shibis ee magaalada Muqdisho.

Gaadhiga miinada ama bambaanada loo dhigay ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo uu ku jiro Cubeyd Maxamuud Maxamed oo horey ulla soo shaqeyn jiray Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Nuur Cadde, Cali Geedi, Xassan Abshir iyo waliba Cali Khalif Galeyr.

Cubeyd ayaa kamid ahaa xubnihii tababarka kusoo qaatay dalka Jabuuti xiligii la dhisay dowladii TFG ee sanadkii 2000. Wuxuuna intii xiligaasi ka danbeysay la shaqeenayey Ra’iisul Wasaarayaashii soo maray dowladihii Ku meelgaadhka ee Soomaaliya.

Ururka argagaxisada ah ee Alshabaab Ayaa sheegatay Qaraxn inay ka danbeeyeen iyagu sidaana waxay ku sheegeen bar Internet ka ay Ku leeyihiin .

Sida ay sheegeen Goobjoogayaal  gaadhigan waxaa la qarxiyey qadar yar kadib markii uu ka dhaqaaqay guriga uu degenaa Cubeyd oo ku yaal Shibis.

Axmed Kulan (Jookar)
Togaherer Moqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: