Toggaherer’s Weblog

GUDI HOOSAADKA DHAQAALAHA GOLAHA WAKILADA OO SOO HORDHIGAY GOLAHA SAADALINTA MISANIYADA 2009

Posted on: March 11, 2009

GUDI HOOSAADKA DHAQAALAHA GOLAHA WAKILADA OO SOO HORDHIGAY GOLAHA SAADALINTA MISANIYADA 2009

Hargaysa 10 March 2009 (THN)

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somalilnad ayaa fadhigoodii maanta warbixin dheer oo ka hadlaysa odoroska Miisaaniyada ee 2009-ka kaga dhageystay guddi hoosaadka dhaqaalaha.

Fadhigaas oo uu guddoominayey ku simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Md. C/casiis maxamed Samaale, waxa guddigu golaha soo hor-dhigay warbixin dheer oo ka hadlaysa qaab-dhismeed iyo khaladaadka ku jira miisaaniyadda.

Warbixintaas oo uu fadhiga ka hor akhriyey Xildhibaan Md. Cali Xasan Maxamed [Cali Mareexaan] oo ka mid ah Golaha waxa ay qornayd sidan:

Gudoomiye iyo mudanayaal, intii uu shaqaynayey golahan lasoo doortay waxaa hore golaha u soo martay sadex miisaaaniyadood oo kala ah 2006‐ 2007‐2008. Goluhu isagoo gudanaya wajibaadkiisa dastuuriga ee qodobka 55‐aad ee dastuurka qaranka Dhamaan sadexdaa miisaaniyadood wuxuu ka soo saaray Go’aamo iyo talooyin uu raaciyey. Miisaniyadii 2006 wuxu goluhu u kordhiyey mushahar 30% dhammaan shaqaalaha dawlada iyo ciidamada waxan uu raaciyey talooyin.

MiIsaaniyadii 2007 goluhu wuxuu waxka bedel ku sameeyey miisaaniyada mushaharka madaxweynaha isagoo ka jaray qadar lacag ah kuna kabay cusbitaalada iyo jaamacadaha dalka, isaga oo goluhu miisaaaniyadii 2008 ‐dii go’aamiyey wasaarada maaliyadana lifaaq ka qoray lacagta bedelka giinbaarka gobolada bari iyo 2% gii horumarinta gobolada bari. hadaba waxaa xusid iyo xusuus mudan in dhammaan go’aamadaas waxba aanay xukuumadu ka fulin haba yaraatee.

Iyadoo ay sidaasi jirto ayaa waxaa golaha la horkeenay 01/03/2009 odoraska miisaaniyada 2009, waxaana gudiga dhaqaalaha loo soo gudbiyey 02/03/2009, si gudiddu warbixin faahfaahsan uga diyaariso, ka dibna u gudbiso golaha wakiilada.

Hadaba gudiga dhaqaaluhu si ay u hesho macluumaad dhab ah oo ku saabsan miisaaniyadda iyo dhakhliga dalka wuxay kulamo isdaba joog ah la yeeshay wasaarada iyo hay’adaha ay khusayso oo kala ah: ‐

1 ‐ Wasaaradda Maaliyadda.

2 ‐ Komishinka Doorashooyinka Qaranka.

3 ‐ Maamulka Dekeda Berbera.

Komishinka Doorashooyinka Qaranka iyadoo aynu wada ogsoonnahay muhiimada ay doorashooyinku qaranka ugu fadhiyaan isla markaana aynu ku jirno sanad doorasho ayaa gudida dhaqaaluhu si ay u hubiyaan in miisaniyada xukuumadu u qoondaysay doorashooyinka in ay tahay mid ku filan ayaa, waxay gudidu xafiiskooda ku booqdeen komishinka doorashooyinka 02/03/2009.

kulankaa komishinka iyo guddida dhaqaalaha waxaa ka caddaatay in miisaaniyda ay wasaaaradda maaliyaddu u qoondaysay doorashooyinku aanu komishinka waxba lagala socodsiin isla markaana aanay ku filnayn in lagu qabto doorasho, komishinkuna aaney ku qanacsanayn. Hadaba si loo helo miisaaniyad ku filan doorashada waxaa gudidu isugu yeedhay wasaaradda maaliyadda iyo komishinka doorashooyinka waxaana kulankaasi ku qabsoomay qolka shirarka ee golaha wakiialda 04/03/2009 iyadoo gudiduna goobjoog ahayd.

waxaa komishinku soo gudbiyeen miisaaniyaddii ay u arkayeen in ay ku qaban karaaan doorashada taas oo ka badnayd tii wasaaradu u qoondaysay oo dhammayd 8,598,461,800.

kulan fool ka fool ah oo ay labada dhinac iskula gorfeeyeen waxay isla garteen in miisaaniyadda doorashooyinka laga dhigo 11,339,461,800 iyada oo aanay noqonayn lifaaq balse lacagta dheeraadka laga soo wareejinayo madax ‐xigeenada (1.5.34 Deeqaha kala duwan ee Wasaarada Maaliyadda iyo Madax xigaha 1.5.19 ee Gurmadka Hawlaha Lamafilanka ah ee wasaarada mataxtooyada), taas oo ah 25% looga baahnaa xukuumada oo weliba ay tahay in ay ka horayso ta deeqbixiyayaasha (in advance) sidaas ayaa wasaaradda maaliyaddu noogu soo gudbisay qoraal rasmiya oo ay ku cadahay miisayaniyadda rasmiga ah toos oo aanu u qaybinayno golaha.

Kulanka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Gudida waxaa gudidu la yeelalatay kulan qaatay sadex saacadood 03/03/2009 wasaaradda maaliyada, kulankaas oo gudida dhaqaalahu si qoto dheer uga waraysteen wasaarada arimaha miisaaniyadda. waxyaabihii kulankaa lagaga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:

1. waxaa keenay hoos u dhaca ku yimi miisaaniyada 2009 marka loo eego 2008

2. sarifka lacaga adag oo is khilaafsan dakhli badanina uu umadda kaga maqan yahay.

3. xisaab xidhadii miisaaniyadaha oo aan golaha la horkeenin si sharciga waafaqsan.

4. iibinta hantida maguurtada ah ee dawlada oo aan miisaniyada ku jirin

5. halka ay martay 2% loo qoondeeyey gobolada Sool iyo Sanaag‐bari

6. bedelka lacagtii giinbaarta gobolada bari oo ugu yaraan labadii miisaaniyadood ee hore ku jirtay laakiiin aan la fulin.

7. Shirkada kootada shidaalka ee Total iyo madmadawga ku jira shaqadooda, qodobadaas iyo arimo kale oo muhiim ah ayaa kulankaas lagu lafa guray. hadii aynu amuurahaas mid mid u soo qaadano:

a) Sarifka Lacagta Adag:

Waxaa jira dakhli dalka ku soo gala lacag adag, kasoo ‐xarooda xoolaha nool, madaarada, shidaalada iyo meelo kaleba. Dakhligaas oo ugu yaraan lagu qiyaasay ilaa 11 milyan oo dollar, waxaa miisaaniyada qaranka ay ugu jirtaa qiimaha 3500 sl sh. waxaa sarifkaa ku baaqsada in ku dhaw kala badh oo ah dakhligii lacagta adag, wasaaradda maaliyadu waxay ku doodaysaa in lacagtaa adag ay ku kabaan raashinka ciidamada, wax baaqsadaana aanay jirin, laakiin waxaa lagama maarmaan ah in goluhu arrintaa ku sameeyo baadhitaan qoto dheer si uu xaqiiqada u ogaado.

b) Xisaab Xidhadii Miisaaniyadda:

Sida laga wada war qabo mudadii lixda sanadood ahayd ee u dambeysey ma jiro wax xisaab ‐xidh ah oo golaha la horkeenay, marka laga reebo 2005 oo xisaab ‐xidh aan sax ahayn golaha loo keenay kaas oo uu goluhu ku celiyey cod aqlabiyad ah kuna amray in ay ku soo saxaan laba bilood gudahood, wax la soo saxayna aany jirin, ilaa hadana aan Hanti ‐dhawraha wax jawaab ah laga hayn.

Iyadoo aan xisaab ‐xidhadii hore ay ku maqanyihiin xisab‐xidhkii 2005 ee Goluhu ku celiyeyna aanu kasoo jawabin ayuu wuxu hanta dhawruhu Golaha keenay xisaab‐xidh qoraal ka kooban 30 page oo uu ku tilmaamay xiaab ‐xidhkii 2006.

Wasaarada maaliyadu waxay eeda baaqashada xisaabxidhada isaga riixday Hanti ‐dhawraha Guud ee Qaranka. hadaba sida uu dhigayo dastuurka qaranka Q.55 f.6‐7 oo leh sidan “waa waajib u soo bandhigida xisaabxidhka sanad maaliyadeedkii dhamaaday muddo aan ka badnayn lixbilood oo ka bilaabmaysa taariikhda dhamaadka sanad maaliyadeedkii hore, iyada oo golaha wakiildu ka doodayo, go’aana ka gaadhayo. usoo bandhigida xisaab xidhka miisaaniyadda waxaa u xil saran hanti dhawraha guud” sida ku cad qodobka dastuurka ee kor ku xusan hanta‐dhawraha guud ee qaranka ayey waajib dastuuriya ku ahayd in uu golaha horkeeno xisaab xidhadaa. Waxa kaloo hantidhawruhu waligii Golaha aanu horkeeenin xisaab‐xidhada hay’adaha madaxa banana ee Qaranka sida (Dekeda, Hamaha shidaalka iyo Total, Madbacada ‐Qaranka, Wakaaladaha kale). Maamulka Dekadu waxay sidoo kale sheegen in sannad kasta ay u gudbiyaan xisaab xidhkooda Hanti ‐dhawraha guud oo aan iyaga waxba ku baaqan. hadaba waxaa cad in hanti dhawruhu uu gabay xilkii uu qaranka u hayey kana soo bixi waayey xilkiisii, isagoo ku milmay wasaaradda maaliyadda, halkii ay ka ahayd in uu hubin iyo daba gal ku sameeyo.

c) Iibinta Hantida Maguurtada Dawlada:

xukuumadu kumay soo darin miisaaniyadda wax dakhliya oo ah iibinta hantida ma guurtadda ee qaranka, sida ku cad boga soo koobida dakhliga madax ‐xigaha (3.1.0). arintaas markii aanu waydiinay

Wasaarada Maaliyada sababta ay misaaniyada ugu soo dari waayeen, waxay sheegeen in aanay jirinba hanti ma guurto ah oo ay iibiyeenba. hadaba waxaa golaha ku waajib ah in ay soo baadhaan soona xajiijiyaan arintaas .

d) 2% Loo Qoondeeyey Sool Iyo Sanaag‐Bari: waxaa golaha wakiiladu ansixiyey sanadkii hore 2% loo qoondeeyey horumarinta sool iyo sanaag bari. ansixintaa waxaa goluhu ku qayday muddo sanad ah oo ahayd 2008 ‐dii ka dibna goluhu dib u qiimeeyo.

Dhamaan dhakhligaa ka soo xarooday 2% laguma soo darin miisaaniyadda, isla markaana xukuumadu golaha kamay soo dalban in loo sharciyeeyo isticmaalka lacagtaas, sida uu dhigayo qodobka dastuurka 55 f 3 “ golaha wakiilada ayaa ogolaanaya kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin” wasaarda maaliyadu waxay noo sheegeen in ay lacagtaasi kujirto account gaar ah.

e) Bedelka Lacagtii Giinbaarta G/ Bari: sida laga warqabo waxaa goluhu ka hawlgalay, islamarkii lasoo doortayba, sidii gobolada bariga dalka looga bedeli lahaa lacagta loo yaqaan giinbaarta oo dhibaato dhaqaale oo aad u foolxun ku haysa umadaas.

Waxaa lagu guulaystay in lagu soo daro miisaaniyadii 2007 lacag ka badan 5 bilyan sl sh. lacagtaas oo wasaarada maaliyadu ku sheegtay in ay tahay lacagtii lagu soo daabacayey, isla sanadkii xigay 2008 waxaa golaha la horkeenay miisaaniyadii sanadkaa taas oo lifaaq ay wasaarada maaliyadu ku balanqaadayso in laga bedeli doono lacagta giinbaaarka goboladaa bisha lixaad 2008. hadaba iyadoo 2008 ‐dii la soo daabacay lacag cusub oo iminka suuqyada wareegaysa ayaaney jirin haba yaraatee wax laga bedelay goboladaas.

waxaa iyana xusid mudan in dhamaan lacagaha uu bangigu soo daabacday aan laga ansixin golaha wakiilada sida uu dhigayo qodobka dastuurka 54 farqaiisa 3 oo ka hadlaya awoodaha golaha dhinaca maaliyada wuxuu leeyay sidan “in la daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwo kale oo leh qiimo dammaanadeed” arintani waxa ay u baahantay in goluhu go’aan sharciya ka gaaadho.

F) Shirkada Shidaalka Ee Total:

Heshiiska shirkadaa xukuumadu la gashay waxaa laalay baarlamankii kan ka horreeyey laakiin weli waxay dalka kaga sii shaqaysaa sifo aan shariga waafaqsanayn, sidaas oo ay tahay ayaa hadana waxay tahay meelaha dalka ugu musuqmaasuqa madan. warbixintii gudida dhaqaalaha ee 2006 ‐dii waxay gudidu ku soo bandhigtay in lacagta shiidaalka dulsaarka ku ah ee ay qabato shirkada TOTAL oo ah $6.7 foosto kasta ay aad uga badan tahay kharashkii ku baxay dayactirka haamaha shidaalka. mudadaas oo ay iminka ka soo wareegtay adex sanadood weli sidii ayaa ummadda looga qaadaa, mana jirto cid la og marka laga reebo dhawrka masuul ee dalka ugu sareeya, dakhliga qarankana meelna lagagama soo daro.

Kulankii Dekeda Iyo Gudida

waxaa gudida dhaqaluhu 05/03/2009 la yeesheen kulan shaqo maamulka dekeda Berbera, iyadoo kulankaa si qoto dheer loogaga hadlay hawlaha dekeda iyo dakhli soo saarka. Miisaaniyada dekeda ee sanadkan 2009 waxay tii sanadkii hore ka badan tahay 20% taas ay

keentay odoroska badeecaha iyo maraakiibta oo in tii hore ka badan, sida ay noo sheegeen maamulka dekedu, halka ay wasaarada maaliyadu soo bandhigtay hoos u dhac maaliyeed sida ka muuqata miisaaniyadaa 2009. hadaba iyadoo ay 80% soo maraan badeecadaha la cashuuraa dekeda berbera ayaa is qardhaafka kor u kaca miisaaniyada dekeda iyo hoos u dhaca miisaaniyada qarabku waxay muujinaysaa tuhun, taas oo u baahan xog dheeraad ah.

kulankii gudida iyo maamulka dekeda waxaa nooga soo baxay laba arimood oo u baahan in si dhakhso ah wax looga qabto.

Waxa iyana hoos u dhac kuyimi xoolaha dekada ka dhoofa o sannadihii 2006 iyo 2007 ay hoos uga dhaceen 60%. Xoolahas waxay u wareegeen dekedaha jabuuti iyo boosaaso taasoo ay ugu wacantahay kootada ay xukuumadu ugu xidhay dhoofka xoolaha sharkada Al ‐JABIRI.

Kootadan dhoofka xooluhu wuxu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqi ganacsi ee magaalada berbera iyo guud ahaan dalka oo dhan, waxan uu xayiray ganacsato badn oo xoolo ka dhoofsan lahaa dekeda berbera.

Waxay ganacsatadaasi u qaybsameen kuow gebi ahanba joojiyey dhofintii xoolaha iyo kuwo u kala yacay dekadaha jaarka.

Hadaba sida udhigayo qodobka dastuurka ee 11 ‐aad kaaso adkeynaya in ganacsigu xor

ahado muwaadinkuna ka mudan yahay cid kasta, waa in xukuumadu xayiraada ka qaado ganacsatada xoolaha madama xooluhu yihiin laf ‐dhabarta dahqaale ee dalka.

1. ciid ku soo badanaysa dekeda halka maraakiibtu ku xidhato oo hadii aan deg ‐deg wax looga qaban ka dhigaysa dekeda meel aan maraakiibtu ku xidhan Karin.

2. intii ka danbaysay qaraxyadii Hargaysa waxaa maamulka dekedu qaaday talaabooyin lagu adkaynayo amaanka dekeda oo ay ka mid yihiin in dadka ganacsatada ay ka soo lugeeyaan ama baabuur lagaga soo daadgureeyo meel dekeda aad uga fog. taasi waxay dhibaato ku keentay ganacsadii dekeda wax kala soo degaysay oo markii horeba ka cabanayey adeeqa oo hooseeeya iyo xafiisyada cashuuraha oo tiro badan. Arrintaasi waxay niyad jab ku keeni kartaa ganacsatada, waxaana ay wax u dhimi kartaa tartanka ay dekedu kula jirto dekedaha kale.

Gebogebo

ka dib falanqayn dheer oo gudidu ay ku sameeyeen miisaaniyadda waxaa gudida u soo baxday in miisaanayadan 2009 aanay sidii kuwii horeba aanay isu dheeli tirnayn kharshiyaadka loo qoondeeyey wasaaradaha sida ay u kala muhuumsan yihiin, hadii ay tahay arimaha bulshada, sida caafimaadka iyo waxbarashada iyo hadii tahay wax soo saarka iyo horumarinta. horumarinta waxaa loo qoondeeyey 1.64% halka wasaarada madaxtooyada iyo mushaharka madaxtooyada loo qoondeeyey 7.8%, oo shaqaalaheedu yahay 73 qof.

Waxaa kale oo jira maadaama oo aynu ku jirno sanad doorasho miisaaniyadana ay ugu jirto doorashada 11,339,461,800/= waxaa golaha loga baahanyahay in uu si mug leh u eego muhiimada ay qaranka u leedahay qabsoomida doorashooyinka oo ku xidhan kharashka dawladu bixinayso oo dhan 25%.

Soo Jeedinta Gudida Dhaqaalaha

1. Maadaama oo goluhu ku qayday qabashada 2% Sool iyo Sanaag bari sanadkiina uu dhammaaday, in xukuumadu joojiso qabashada 2% iyadoo la dhawrayo sharciga.

2. In 2% wixii baxay iyo wixii hadhayba ay wasaaradu ku soo bandhigto kulanka ay golaha la yeelan doonto.

3. In hanti‐dhawraha guud loogu yeedho golaha hortiisa, si loogala xisaabtamo sababta uu ula maqan yahay xissab xidhadii qaranka.

4. In goluhu isku raaco in la joojiyo lacagta dulsaarka ah ee laga qaado shidhaalka ee ay qabato shirkada TOTAL inta la isla meel dhigayo muhmalka iyo mad ‐madawga ku jira lacagtaas.

Ugu danbaytii Mudanayaal, waxay talada miisaaniyada iyo waxa laga yeelayo u taal Golahan Wakiilada, balse waxa cad in dhamaan dustuurka iyo xeerarkii kale ee miisaaniydda ay xukuumadu jebisay, sidaa daraadeed talda u taal Golahan way ka balaadhantahay waxa laga yeelayo Miisaniyada.

Wabilaahi Tawfiiq.

ALLA MAHAD LEH.

Guddida Dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga.

1. Maxamamuud X. Maxamed Cumar-xaashi Gudoomiye

2. Maxamed Nuur Caraale Ku-simaha Gudoomiyaha

3. Cali Xasan Maxamed Jaamac Xubin

4. Saleeban Cawad Cali Xubin

5. Naasir Xaaji Cali shire Xubin

6. Maxamed jaamac Cali Xubin

7. Maxamed Cismaan Bulqaas Xubin

8. Saleeban Yuusuf cali koore Xubin

9. Cali Obsiiye Diiriye Xubin

• Axmed Saleeban Nuur xoghaynta gaarka ah ee Gudida

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: