Toggaherer’s Weblog

XILDIBAAN WAABEEYO OO KA HADLAY AFLAGAADADII AY U GAYSTEEN XUKUUMADU MUJ SNM

Posted on: March 10, 2009

XILDIBAAN WAABEEYO OO KA HADLAY AFLAGAADADII AY U GAYSTEEN XUKUUMADU MUJ SNM

Hargaysa 09 March 2009 (THN)
Xildhibaan Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeyo oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta shir jaraaid oo uu qabtay kaga hadlay arimahan nabad gelyada ee doorashooyinka soo socda ,xildhibaan Waabeeyo waxa uu sheegay in ay xukuumadu cadaysatayin ay ku sheegto in xisbiga kulmiye ay yidhahdaan nabad gelyo daro ayuu wadaa hase yeeshee xisbiga kulmiye iyo taageerayaashiisuba ay ka reeban tahay in ay ku kacan arimo khal khal galinaaya nabad galayda dalka.

Xisbiga kulmiye waxa uu doonayaa in uu tartan doorasho u galo hogaaminta dalka oo u xukumo dalka nabad ah oo ay xilkiisa la wareegaan hase ahaatee aanay doonayn amaba aanay samaynayen talaabo ay ku doonayaan in ay ku khal khal galiyaan nabadgelayda dalka hadaladaa ka soo yeedhaya xukumadana ay yihiin hadalo la doonayo in dadka lagaga hor keeno iyo xisbiga kulmiye kadib markii ay gudan waayeen xilkii ay umadu u igmatay.

Waxa uu xilidhaab Waabeeyo sheegay in aflagaadooyin kale ay u geesato xukuumada mujaajidintii u soo halgantay xornimada dalka ee SNM kuwaas oo dadka Somaliland ka mudan qarin iyo ixtiraam kuwa wax ka sheegayaana ay cunayaan midhihii ay SNM ay keentay oo iyagu aanay waxba ku lahayn “Dagaalkii SNM mid rajiim lagula dagaalamayey ayuu ahaa cid gaar ahna uma haysano ee cid waliba way ku jirtay, taariikhdiisuna way is qortay oo la ilaawimaayo, waxay doonayaan in wixii 1988 ilaa 1991 dhacay dadku ilaabaan oo ay tidhaa dadkii diyaaradaha lagu rusheeyey ee la gawracay iyagaaba gardarnaa, kii sokeeyana xasuusnaadaan,waxaannu leenahay dagaaladii sokeeye waanu ilownay, laakiin ka dalka lagu xorreeyey iloobimayno, cidse uma haysano, waana in aan mujaahidiintii SNM-na loogu abaalgudin aflagaado, xukuumaddan waynu garanaynaa oo halgalkaa waxba kumay lahayn, bal u fiirsada Golaha Wasiirada, markaa wixii aanay waxba ku lahayn inay caayaan ayey ku kelifaysaa, waxa la yidhaa ballaayada iyo geesigu way isdoon doontaan, laakiin fuligay wuu ka yar gabadaa, way gabadeen iyagu berrigaa oo ballaayadii raggii fiicnaa ayey is heleen, kamaba xumin oo nasiibkooda ayaa siiyey, laakiin inay mujaahidiintii ku digtaan oo ay maagaan waa arrin aan loo baahnayn.
Waxay doonayaan waxa ay ku fadhiyaan ee dhiigga ah ee maskaxda ah ee maalka ah inay maagaan, waana khalad.” Sidaa waxaa yidhi Xildhibaan waabeyo

“Xisbiga KULMIYE waxa uu leeyahay doorashadu waa in ay dhacdaa 29 March 2009 , dadka ku nool Africana waxay isku murmaan natiijada, laakiin lama maqal taariikhda had dhacdo iyada oo laguma murmaayo, iminka taariikhdii baynu isku haysanaa,mowqifka xisbigu waxa weeye maxaa damaanad ah ee caddaynaya in aanay doorashadu dib ugu dhicin mar kale sidii ay horeba ugu dhacday, waanuna ku raacsanahay, xukuumaddu had iyo jeer waxay sheegeen oo ay ku faanaan saddex doorasho ayaanu qabanay, tolow intay kuwii hore sheeganayaan maxay tan iminka u qabanwaayeen ee ka hortaagan, waanu garanaynaa oo waxaannu u malaynaynaa tani inay dhacdo dan baan ugu jirin.” Kuwaasi waxay ahaayeen Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf waabeeyo oo ka hadlay doorashada ayaa sheegay in xisbiga kulmiye diyaar u yahay in ay doorasho galaan ayna muhim wax la iska waydiinayo xiliga ay mudadu ka dhamaayaso madaxweyne Riyaale waxa la yeelaayo oo ay tahay in qaran ahaan laga tashado.

Xamse Ahmed Cigaal
THN Togaherer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: