Toggaherer’s Weblog

INDHA BUUR OO AHAA XILDHIBAAN KA TIRSAN DAWLADA SOMALIA OO LAGA MUSTAAFUYEY DALKA

Posted on: March 10, 2009

INDHA BUUR OO AHAA XILDHIBAAN KA TIRSAN DAWLADA SOMALIA OO LAGA MUSTAAFUYEY DALKA

Hargaysa 10 March 2009 (THN)

Xukuumadda Somaliland ayaa magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya u
masaafurisay muwaadin reer Somaliland ah oo dhawaan xabsiga loo
taxaabay, ka dib markii uu isagoo ka mid ah baarlamaanka dalka
Somaliya, ka soo degay madaarka Hargeysa.

Mr. Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur), oo ahaan jiray badhasaab ku
xigeenka gobalka Sool, ayaa isagoo huwan xilkii uu Somaliland u hayay
ku biiray baarlamaanka dawladda Sheekh Shariif, markaas oo uu fasax ka
qaatay dawladda Somaliland oo uu xil u hayay.

26-kii Bishii Febarwari ee la soo dhaafay ayay ciidamada ammaanka
Somaliland ka qabteen madaarka Hargeysa oo ay diyaaradi keentay,
waxaana loo taxaabay xabsiga, iyadoo xukuumadda Somaliland ku eedaysay
inuu galay khiyaamo qaran iyo lunsi hantiyeed. Hase yeeshe iyadoon la
horgayn wax maxkamad ah, ayay haddana xukuumadda Somaliland Axadii
toddobaadkan u masaafurisay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya,
iyadoo madaarka Hargeysa laga saaray diyaarad rakaab siday.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay
mastaafurinta muwaadinkan galay khiyaamada qaran, laakiin dad xogogaala
ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in mastaafurintiisa ay ka qayb
qaateen odayaal ka soo jeeda gobalka Sool, oo xukuumadda ku qanciyay in
loo masaafuriyo wadanka uu sheeganayo inuu xildhibaan u yahay.

Baarlamaanka Somaliland ayaa hore u ansixiyay shuruuc lagu ciqaabayo
muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo ka qayb gala shirarka dib u
heshiisiinta ah ee loo qabto kooxaha Somalida, amaba sidoo kale ka qayb
gala shir kasta oo lagaga soo horjeedo qaddiyadda madaxbanaanida
Somaliland. Hase yeeshe Mr. Indhabuur, iyadoon wax maxkamad ah lagu
horgayn dambiga khiyaamada ah ee uu qaranka ka galay ayaa loo
masaafuriyay Somaliya.geeska

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: