Toggaherer’s Weblog

DEEQ RAASHIN OO LA GUDOONSIIYEY XARUNTA DHIMIRKA EE SAHAN

Posted on: March 10, 2009

DEEQ RAASHIN OO LA GUDOONSIIYEY XARUNTA DHIMIRKA EE SAHAN

Hargaysa 09 March 2009 (THN)

Deeq iskugu jirta Sonkor iyo bariis iyo daqiiq ayaa maanta lagu
caawiyey dadka naafada ka ah dhinaca maskaxda oo oo lagu xanaaneeyo
xarunta lagu xanaaneeyo dadka dhimirka qaba ee Sahan, deeqadan oo lagu
qiimaheeda qiyaasay $2000(Labakun oo doolar) oo xarunta uu ku soo
caawiyey muwaadin u dhashay dalka Somaliland oo lagu magacaabo Rashiid
Muxumd Xasan oo degan Dalkaasi Maraykanka deeqan ayaa lagu soo
hagaajiyey Sheekh Aadam Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) ayaa maanta ku
wareeyey gudoomiyaha xarunta dadka maskaxda wax ka qaba ee Sahan mudane
Bashiir Maxamed Jamac .
Xafladii lacag wareejinta ee uu qabtay Sheekh Aadan Siiro ayaa waxaa ka
soo qayb galay Wasiiirka Wasaarada Arimaha Gudadaha Somaliland Mudane
Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro) ayaa xaflaada dabeed ayaa shir jaraaid
oo ay qaar ka mid ah media aha dalku ay ka soo qayb galeen waxa ay kaga
warameen deeqdan iyo siday wax u dhaceen ugu horayn waxaa halkaasi ka
hadlay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Aadan siiro oo ahaa ninkii lagu soo
hagajiey lacagta ayaa sheegay in dalkeena oo dhibato soo maray hadana
ay dad khayr qabaa ay caawiyaan dadkooda taas oo aanu leenahay
dadwaynaha kale ee khayra falana in ay sameeyaan hawlan oo kale isaga
oo sheegay in sabata waalida dadka ugu wacan dalkeena in ay tahay 90%
qaadka oo ay cunaan dabeedna ruuxii uu walanayo kadibn la xidhaayo
sheeka ayaa baaq waxa uu u soo jeediyey dawlda oo uu kaga dalbaday in
ay sameeyaan meelo dadka lagu xaanaaneeyo dhimirka qaba waxa kale oo
iyana baaq uu u jeediyey dhakhatiirta dalka oo uu yidhi u soo gurmada
dadka dhimirka qaba oo waqtigiina u hura haba yaraado waqtigaad u
huraysaane.

Waxa isna kalamado mahad naqa usoo jeediyey muwaadiniintii lacagtan soo
tabarucday iyo ururkan gacanta ku haya dadka waalan Wasiirka Arimaha
gudaha Somalilan mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cali oo sheegay in in uu
isagu qayb laxad leh ka qadan doono caawinta dadka maskaxda wax ka qaba
taas oo uu sheegay in mayerka iyo dawlada hoose uu l akaasan doono
hadii ay noqoto dul lagu xaananeeyo taas oo wasiirku uu yaboohay isla
markiiba in uu ka wasaarad ahaan ay ka bixin doonaan biyaha ay
istimaalayaan waxaanu dadka ku buuriyey in ay is xilqaamaan maadama
masuuliyad ka saran tahay dadkaa maskaxdoodii wayey.

Waxa isna hadalo ka jeediyey Gudoomiyaha Sahan oo sheegay in ay wax u
tarayso wax wal oo lagu caawiyo dadka xanuunsanaaya haday biyaaha
wasiirku balan qaday tahay hadii ay dawo tahay iyo haday raashin
tahayba waxaa halkas iyana ka hadlay xubno kale oo ka soo qayb galay
xafladan loo dhigay ku wareejina lacagta deeqada ah xarunta Sahan.

Xamse Ahmed Cigaal
THN Togaherer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: