Toggaherer’s Weblog

XISBIGA KULMIYE OO MAR LABAAD KU CELIYEY IN MUDADII KA DHAMATAY XUKUUMDA RIYAALE

Posted on: March 9, 2009

XISBIGA KULMIYE OO MAR LABAAD KU CELIYEY IN MUDADII KA DHAMATAY XUKUUMDA RIYAALE

Hargaysa 08 March 2009 (THN)

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee xisbiga kulmiye Cabdi Raxmaan cabid qaadir Faarax ayaa shir jaraadi oo uu maanta ku qabtay xafiiska kulmiye ku sheegay mawqifkiisa kulmiye uu iska taagay waxa ka dambeeya 6 april oo sharciyada Madaxweyne Riyaale ku eegtahay in goaankaasi ay tagan yihiin oo ay ka sugayaa golaayaasha baarlmaanka in wixi ka dambeeya 6 apri cidii umada doorasho gaadhsiin lahayd ay soo cayimaan.

Mudane Abdi Rahman Abdi Qadir Farax waxa uu shirkaasi jaraid kaga hadlay in waqtigii madaxweynaha la doortay ay ahayd 5 sano kuna dhamaatay 6 Apri ee sanakii hore markii ay golaha guurtidu u kordhiyeen uu madaxeyne Riyaale balan qaday in uu mudadaa sanadka ah ku soo diyaarinaayo doorashada .Hase ahaatee isagoon waxba ka qaban uu waqtigii dambena ka dhacay hase ahaatee anigu ka xisbi ahaan golayaasha qaranka ayaanu ka sugaynaa in 6 April wixi ka dambeeya cidi gaadhsiin lahay umada doorasho.

Mudane Abdi Rahman oo ka hadlay dhinaca nabad gelayda waxa uu sheegay in ay xukuumada wado dacaayado lagu khal khal galinaayo nabad galyada si doorashada dib loogu dhigo iyo aflagaadooyin baryahan dambe warbaahinta xukuumad ay wado oo ku wado mujaahidiintii SNM oo kuwa wadaa aflagaadadan ay yihiin kuwii ka damqan waayey markii dadka la xasuuqayey ee mujaahidiinta SNM ay nafta u hureen

Ugu dambayntiina waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka labaad in aanay wadin ka xisbi kulmiye ahaan wax nabad galyo daro ah ee kaliya ay wax ku doonayan door ay ku kalsooyihiin oo ay dadka Somaliland ay dooranayaan xisbiga kulmiye kadib markii ay xisbiga Udub ay ku guuldaraystay hogaamintii iyo wax qabadkii umada.

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: