Toggaherer’s Weblog

M/WEYNE RAYAALE OO MAANTA LA KULMAY QAYBAHA KALA DUWAN EE JAALIYADA S/LAND UK IYO SIYAASIYIIN

Posted on: March 9, 2009

M/WEYNE RAYAALE OO MAANTA LA KULMAY QAYBAHA KALA DUWAN EE JAALIYADA S/LAND UK IYO SIYAASIYIIN

Uk 08 Mar 2009 (THN)

Madaxweyne Rayaale oo Maanta Huteelka uu Deggan yahay kula kulmay qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Somaliland ee UK iyo Siyaasiyiin kala duwan

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo maalmahanba booqasho rasmi ah ku joogay dalkan Britain ayaa waxa uu maanta Huteelka uu deggan yahay ku qaabilay dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimi gobolada kala duwan ee dalkan UK kuwaasoo isugu jiray aqoonyahano, siyaasiyiin, waayeel, dhalin yaro oo ka koobnaa rag iyo haweenba kuwaasoo booqasho sharafeed ugu yimi Madaxweynahooda.

Madaxweynaha oo ilaa Sagaalkii Subaxnimo ilaa gabal dhicii maanta kolba kooxo kala duwan oo iska soo daba dhacayay ku qaabilayay xafiis weyn oo ku dhex yaalay Huteelka uu Madaxweynuhu deggan yahay ayaa waxa uu warbixin balaadhan ka bixinaayay xaalada guud ee uu dalka hooyo imika ku sugan yahay iyo hawlaha ay xukuumad ahaan qabteen iyo waliba hawlaha u qorshaysan mustaqbalka.

“ Waxay go’aansadeen inay dadweynaha Somaliland dalkooda dib u dhisaan, oo ay ka dhigaan dal Nabadgelyo oo Sharcigu hogaamiyo, waxaana habeen iyo maalinba ay dadka reer Somaliland ee geesiyiinta ahi u shaqaynayaan sidii ay ugu noolaan lahaayeen cisi iyo sharaf dalkooda iyaga oo aan cidna isku halaynayn oo isku tashanaya, waana taas ta aan Madaxweyne ahaan dalkayga ugu dhaartay inaan ugu shaqeeyo si daacad ah aniga oo dhawraya sharciga iyo dastuurka dalkayaga u degan oo aan ahay ilaaliyihiisa” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale mar uu la hadlayay masuuliyiin ka tirsan jaaliyada Somaliland oo ka kala socday Cardiff, Bristol, Sheffield, Birmingham iyo London.

“ Dawlad ahaan waxaanu dalkayaga ka hir galinay saddex doorasho oo kala duwan oo u dhacay si heer sare ah iyada oo aanu nahay dal aan aqoonsi haysan, doorashooyinkaasi waxay dalkayaga u soo hooyeen sumcad balaadhan oo nalagu tix galiyo, waxaana naga go’an xukuumad ahaan inaanu doorashooyinka soo socdana ay dalkayaga uga dhici doonaan si Nabadgelyo ah iyada oo aanu ku kalsoonahay inaanu haysano taageerada dadweynahayaga oo aanu ku guulayasan doono, maadaama ay dadweynahayagu ogsoon yihiin waxaanu ka qabanay Gudo iyo Dibadba mudada aanu masuuliyada dalka haynay” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale oo ay kalsooni badani ka muuqatay mar uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka.

Isla maanta waxa uu Madaxweyne Rayaale Huteelka uu degan yahay kula kulmay Mujaahid Axmed Mire oo ka mid ahaa aasaasayaashii iyo halgamayaashii ururka SNM iyaga oo si qoto dheer isaga waraystay xaalada dalka hooyo uu ku sugan yahay iyo sidii muwaadin kasta oo u dhashay Somaliland oo qurbaha ku nooli uu gacan uga geysan lahaa horumarinta dalkiisa.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Rayaale uu maanta la kulmay Masuuliyiin ka socday Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID UK oo ay si balaadhan uga wada hadleen xaalada guud ee dalka iyo sidii doorashooyinka soo socdaa ay dalka ugu dhici lahaayeen si nabadgelyo ah.

Kulamada kala duwan ee uu Madaxweynaha Somaliland uu maanta la yeeshay xubnaha Jaaliyada iyo muwadiniinta Somaliland eek u dhaqan waxa uu si weyn ugu boorriyay inay u hawl galaan sidii ay dalkooda hooyo horumarkiisa uga qayb qaadan lahaayeen gacana ugu geysan lahaayeen sidii ay Somaliland u heli lahayd Aqoonsi buuxa.

Dhinaca kale kooxo fara ku tiris ah oo ay dabada ka riixayeen qaar ay wadaniyadu ku yar tahay oo ku talo jiray inay Mudaharaad ka hor dhigaan Huteelka uu Madaxweynuhu deggan yahay ayaa fashilmay oo baqe darteed u samayn waayay mudaaharaadkaas xaaraanta ah ee ay ku talo jireen iyaga oo ka baqay inay cagta mariyaan muwaadiniinta Jaaliyada Somaliland oo aan marnaba ogaalaadeen in Madaxweynahooda oo hawl qaran ku jira in lagu mudaharaado, waxaana warar xogogaal ahi ay sheegayaan in kooxda mudaharaadka qorshaynaysay ay dib uga noqdeen fikirkooda ka dib markii ay u cadaatay in muwaadiniinta Somaliland ee ku nool dalkan UK ay yihiin qaar ilaashada oo gaadh ka haya maslaxada guud ee qarankooda iyaga oo ogsoon inay tahay wax caqliga ka baxsan in Madaxweynahooda oo hawlo qaran ku gudo jira in lagu mudaharaado.

Kaysar Cabdilaahi

Tafatirka Somali Voice

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: