Toggaherer’s Weblog

MAALINTA HAWEENKA ADUUNKA EE 8 MARCH OO SI WAYN LOOGA XUSAY MAGALADA HARGAYSA

Posted on: March 9, 2009

MAALINTA HAWEENKA ADUUNKA EE 8 MARCH OO SI WAYN LOOGA XUSAY MAGALADA HARGAYSA

Hargaysa 08 March 2009 (THN
Xaflad balaadhan oo lagu xusaayey maalinta Haweenka ee ku beegan 8 march ee sanad walba ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha wayn ee beerta xoriyada ee magaalda Hargaysa
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen madax aad u badan oo isugu jiray wasiiro iyo agaasimayaal iyo dad wayne aad u tiro badan oo boqolaal ah waxa kale oo iyana meesha ka madhnayn oo wacdaro ka soo jeediyey madashaasi ciidamada Baamboyda taa oo maaanta aad looga dareemaayey magaalda Hargaysa.

Xafladan balaadhan ee lagu xusaayey maalintan Haweenka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirada wasaarada Qayska marwo Faadumo suudi , wasiirka cadaalada mudane Axamed Xasan Cali (Casoowe), agaasimaha guud ee wasaarada qoyska mudane Cabdi Raxmaan maxamed Maal iyo dadweyne aad u tiro badan iyo hayadaha caalamgia ah.

Ugu horaynti waxaa ka hadlay xaflaadaasi agaasimaha guude ee wasaarada qoyska mudane Maal taasoo uu kaga hadlay muhimada maalinta iyo waliba haweeku halka ay kaga jiraan heerka nololasha taas oo uu ka hadlay in ay iminka dumarku xuquuqdiida helaan halka ay waayadii hore la doodsiyi jiray xaqooda waxa kale uu agaasimuhu ku booriyey dadwaynaha Somaliland in ayn ilaliyaan xuquuqda dumar gaar ahaan xuquuqda dayarta haweenka ay ee ku nool dalka ‘Somaliland taas oo uu ku tilmaamay haweenka dhaliyarada ahi in ay yihiin ubaxii umada loona bahan yahay in laga ilaaliyo wax alla waxii dilaaya ama wax u dhimaaya sharaftooda dadnimadooda iyo magacoodaba.

Waxaa isna halkaas ka hadalay wasiirka cadaalada iyo diina mudane Axmed Xasan Casoowe taas oo ugu horayn uu hambalyo u diray dhamaan umada ku nool Somaliland gaar ahaan Haweenka reer Somaliland waxaanu aad ugu mahad naqay dadwaynihii wayneeyey maalina ee sida sharafta badan u soo abaabulay maalintan oo aan maalin u muhiim ah aduunka oo dhan gaar ahaam dadweynaha Somaliland iyo haweenkeenaba.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi iyadan ka hadashay wasiirka wasaarada Qoyska Marwo Faadumo Suudi Xasan taas oo ay hambalyo u dirtay dhamaan haweenka reer aduunka gaar ahaan haweenka Somaliland waxaanu tu tilmaantay in ay tahay maalintani maalin xageena qiimo badan ku leh taas oo ay ku tilmaamtay in haweenka reer Somaliland ay door wayn ku leeyihiin xaga tacliimeed xag dhaqaale iyo gees kasta oo la jaleeco.

Ugu dambayntii waxay ku boorisay haweenka Somaliland in ay laban labaan dedaalkooda waxaanu ugu baaqday shacbi waynaha in la joojiyo tacadiga lagu hayo haweenka

Maxamed Muuse
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: