Toggaherer’s Weblog

DHAWR MIWAADINIIN SOMALI AH OO LAGU DILAY SOUTH AFRICA SAACADIHII LA SOO DHAFAY

Posted on: March 9, 2009

DHAWR MIWAADINIIN SOMALI AH OO LAGU DILAY SOUTH AFRICA SAACADIHII LA SOO DHAFAY

CapeTown 08 March 2009 (THN)
Kooxo burcad S/Afrika madow ayaa shaley galinkii dambe dil toogasho ah ugu geysteen Muwaadin Soomaaliyeed dukaankiisa ku yaaley Tuulada Dilft oo ka mid ah Tuulloyinka ku hareersan magaalada Cape Town ee dalka K/Afrika kadib markii weerar ay ku qaadeen iyagoo dhac u geystey.

Kooxaha dilka geystey oo ku hubeysnaa boostoolado ayaa ka baxsadey halkaasi iyadoo booliiska goor dambe gaarey goobta uu falka dilka ka dhacay ay sheegey in ay baaritaano wadaan iyadoo dukaankaasi bishii la soo dhaafey lagu diley milkiilihii hore oo isagana ahaa Soomaali.

Marxuumkaasi ayaa lagu magaabi jirey Maxmed Maclin Colow iyadoo burcada la sheegay in ay ka qaateen lacago iyo alaabo kale ee dukaanka lagu iibinaayey.

Sidoo kale waxaa xaley iyana lagu diley Tuulada Mother Well oo ka mid ah Tuulooyinka ugu qatarta badan ee hoos taga magaalada PE lagu diley ganacsade kale lagu magaabi jirey Maxmed Cabdi (Maxmed Deeq) iyadoo midka la dhaawacey lagu magaabo Muqtaar Lowdar .

Mid ka mid ah ehelada ninka la diley oo u waramayey warbaahinta qaar ka mid ah ayaa sheegey in si naxriis darro ah loo diley isla markaana shan xabadood lagu dhuftey marxuumka.

Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafey wadanka K/Afrika loogu diley ganacsato Soomaaliyeed xilli ay ku sugnaayeen goobohooda ganacsi ma jiraan cid loo qabtey falalkaasi iyadoo todobaad waliba lagu dilo wadanka K/Afrika ganacsato Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Xasan Axmed Weheliye
Togaherer Capetown
South Africa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: