Toggaherer’s Weblog

URURKA ALQACIDA OO FARIIN AY SOO SAAREEN KU AMAAN AY XASAN TURKI

Posted on: March 8, 2009

URURKA ALQACIDA OO FARIIN AY SOO SAAREEN KU AMAAN AY XASAN TURKI

Urur weynaha Alqaacidda oo dagaal culus kula jira Wadamada Reer Galbeedka ayaa soo saaray Fariin ay ku Amaanayaan Wadaadka Keyma jooga ah Shiikh Xasan C/laahi Xirsi Xasan Turki.

Cajalada Maqal iyo Muuqaal ah oo uu soo saaray Ururuka Alqaacidda islamarkaana looga hadlayay arrimaha Somalia waxay siweyn ugu Amaaneen Shiikh Xasan C/laahi (Turki) oo kamid ah Shaqsiyaadka Somalida ee Maraykanka ugu jiro Liiska waxa Argagaxisada loogu yeero.

Sarkaal katirsan Ururka Alqaacida oo ka dhax muuqday Cajalada wuxuu ku Tilmaamay Shiikh Xasan Turki Wadaad Aaba u ah Mujaahidiinta Geeska Africa laguna yaqaan la dagaalanka Gaalada sida hadalka loo dhigay.

” Shiikh Xasan waa Hoggaamiye ay dhegahooda u raariciyaan dhamaan Mujaahidiinta Somalida iyo kuwa Geeska Africa, Allaha Barakeeyo Camalkiisa Jihaadiga” ayuu Cajalada ku sheegay Sarkaal Al-qaacidda ka tirsan.

Wadaadkan ku caan baxay kasoo muuqashada Buuralayda Raaskambooni waxay Xoogagiisu Maamulaan Magaalada Xeebta leh ee Kismaayo islamarkaana waxay kamid yihiin Ururka xisbiga Islaamka lamagac baxay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: