Toggaherer’s Weblog

SARKAAL KA TIRSAN POLICE KA ETHIOPIA OO U BAXDAY DHANKA ERRTERIYA

Posted on: March 8, 2009

SARKAAL KA TIRSAN POLICE KA ETHIOPIA OO U BAXDAY DHANKA ERRTERIYA

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee Itoobiya ayaa baxsaday Maalinimadii ku beegnayd Taariikhdu bisha 2/28/2009, Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xusen Osman kana Mid ahaa Saraakiisha Booliska ee Magaalada Jimma ayaa u baxsaday Dhanka Dowlada Erteriya.

Sarkaalkan ayaa ku sheegay sababa oogu mahiimsan ee uu u soo baxsaday inay tahay Xukumada Melez Zenawi oo wada qorshayaal aan loo adkaysan karin oo ah in Qoomiyadaha Dagan Itoobiya la isku wada diro.

Isagoo hadalka sii wata ayuu sheegay in Tiro badan oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Itoobiya la yihiin fursado ay ku soo baxsadan sidoo kale in badan oo kale ay ku jiraan Xabisyada qarsoon kadib markii amar diido badan sameeyan iyagoo wax aayna samayn karin lagu qasbay inay Fuliyaan.

Sarkaalkan ayaa Qoomiyad ahaan ka soo Jeedaa Qoomiyada Tigreega balse ah Nin Muslim ah wuxuuna ku biiray Jabhada Tigreega 1979 , Ninkan oo ah shaqsi aad oogu soo halgamay inuu Mengist dalka ka saaro ayaa isagu maanta dalka iskaga tagay kadib markuu u adkaysan waayay Waxyaabaha foosha xun ee Melez Samaynayo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: