Toggaherer’s Weblog

MAXAKAMAD KU TAAL DEUTSCHLAND OO KA SOO SARTAY WAARAN BURDHAC BADEED AY QABTEEN WIIGII HORE.

Posted on: March 8, 2009

MAXAKAMAD KU TAAL DEUTSCHLAND OO KA SOO SARTAY WAARAN BURDHAC BADEED AY QABTEEN WIIGII HORE.
Hamburg-Deutschland 07 March 2009 (THN)

MAXAKAMAD KU TAAL DEUTSCHLAND OO KA SOO SARTAY WAARAN BURDHAC BADEED AY QABTEEN WIIGII HORE.

Hamburg-Deutschland 07 March 2009 (THN))

Maxkamad ku taal Hamburg aya gelinkii danbe jimcihii shalay ahaa soo saartay waaran lagu xirayo sagaal burcad badeed kuwaaso xili hore asbuucan ay qabteen ciidanka bada ee Deutschland.

Afhayeenka wasaarada garsoorka Mr. Wilhelm ayaa waxa uu sheegay in codsiga maxkamaynta nimanakan uu yimi ka dib markii lagu tuhmay weeraro ka dhan ah gaadiidka bada. Xukuumada Germany ayaa u ololeenaysa in loo tarxiilo ragan dalka Kenya, taaso ka danbaysay heshiis maalinimadi jimcihii ay kala saxiixdeen midowga rer Yurub iyo dalka Kenya.

Wasaarada difaaca aya waxay sheegtay in markabka lagu hayo burcad badeedan uu iminka u dhaqaaqay dhanka dekeda bombasa ee kenya, burcad badeedan ayaa la qabtay ka dib markii ay weerar ay u adeegsadeen gantaalaha lagu rido taangiyada iyo rasaas kusoo qaadeen doon ganacsi oo laga leeyahay dalka Jarmalka.

Ciidankan bada ee Deutschland ayaa waxay qayb ka yihiin hawlgalka midowga reer Europe “Atlante” ee ka hor taga qafaalaysatada biyaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.
Mr Muelers ayaa waxa uu sheegay in waarankani uusan si go’an u dalbanayn in maxkamad denbi ragaas lagu saari karo dalka Deutschland gudihiisa.

Mas’uuliyiin garyaqaano ah ayaa waxay sheegeen in ragaas lagu maxkamadayn karo dalka Deutschland gudihiisa sida uu sheegay Telefeshinka dalkaasi isagoo soo xiganaya ilo ciidan.

Waxay sii sheegan masuuliyiin kale kuwaaso ka tirsan wasaarada garsoorka hadii kiiska burcad badeedan looso wareejiyo gudaha Deutschland in markaas ay suura gal tahay in booliska Deutschland uu kula soo wareegi doono ragaas dalka jabuuti oo ah xarunta ay hada adeegsadaan ciidamadan.

Warqabadka Togaherer ¨
Hambrug
Deutschland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: