Toggaherer’s Weblog

KHASNADII TALISKA GUUD EE POLICE KA S/L OO LA SHEGAY IN TUUGI JABSATAY

Posted on: March 8, 2009

KHASNADII TALISKA GUUD EE POLICE KA S/L OO LA SHEGAY IN TUUGI JABSATAY

Hargaysa 08 March 2009 (THN)

Qasnadii lacagta ee Taliska Guud ee Ciidanka B ooliiska Somaliland ayaa la sheegay habeen hore inay jabsadeen niman tuug ah oo aan la garanayn, waxaanay sida la sheegay ka qaateen lacag dhan 5 milyan oo sl shilling

Wararka aanu ka helay ilo ku dhawdhaw taliska guud ee booliiska ayaa sheegaya falkaasi tuugada ah in loo xidhxidhay sided askari oo ah kuwii gaadhka xarunta taliska habeenkaasi u lahaa ka dib markii shalay subaxnimadii la arkay qasnadii lacagta oo inta la garaacay la furi kari waayay

Siada wararku sheegayaan tuugtaasi waxay ku sii faralaabeen lacag lagu qiyaasay shan milyan oo lacagta Somaliland ah oo dultaalay qasanada oo la sheegay in loo qaadayaya ciidamada booliiska ee degan tuulada caada

Tuugtaasi ayaa la sheegay inaanay ilaa hada ciidamadda booliisku aanay ku guulaysan inay qabtaan, balse tuhunada lagu xidhiidhinayo arintan ayaa la hadal hayaa inay ka danbaysay dareen ah inay doonayeen tuugtaasi inay ku jabsadaan qasnada ciidanka oo la sheegay inay ku jirto lacag badan oo ay sahamiyeen

Ilaa hada wax war ah oo ay saraakiisha ciidamadu ka soo saareen dhacdadan lagu jabsaday xaruntoodu ma jirto waxaanay arinatani tusaale fiican u tahay cabashada dadweynaha reer Somaliland ay ka soo jeediyaan tuugada xadhiga goosatay ee ay siyaabo kala duwan tuugtu ugula kacdo shacabka.Waheen

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: