Toggaherer’s Weblog

COMMISSIONKA DOORASHOOYINKA IYO AXAABTA QARANKA OO KULAN XASAASI AH YEESHA MAANTA

Posted on: March 8, 2009

COMMISSIONKA DOORASHOOYINKA IYO AXAABTA QARANKA OO KULAN XASAASI AH YEESHA MAANTA

Hargaysa 07 March 2009 (THN)

Fadhigii maant ee Commission ka doorashooyinka iyo Axsaabta qaranka, hayada inter peace , oo ay goobjoog ka ahayd saxaafadu ayaa commission ku wax lagu qanco soo ban dhigi waayey kadib markii tirooyinkii is diiwan galiyayaasha oo habeen hore commsionku baahiyeen tirooyinkaasi oo gobolada Hargaysas, Togdheer , Sool iyo Sanaag intii ay hore u bahiyen ay tiro badani ka dhimantahay halka gobolka Awdal ay ugu korodhay tiro ka badan 68000 oo qof.

Ugu horay waxaa kulankaasi ka hadalay Mr Samora oo ka socda hayada Interpeace una qaabilsan xaga diiwaan galinta waxaanuu xog waran ka bixiyey sida ay u hawl galiyeen Server ka iyo tirooyinka ay soo saareen taas oo uu sheegay in tirooyinka gobolada qaar maqan yihiin oo aanay ku jirin kuwa lagu shubay Serverka .

Arintan maanta halkaasi ka dhacaday ayaa Xisbiyda Mucaaradaka ahi ay ka biyo diideen siday wax u dhaqacayeen iyaga walaacna ka muujiyey arinta sidii la isku ogaa ay hareer mariyeen gudida commission ku taas oo mad madaw keenaysa maadama ay iyagu iskood ay iskaga maamusheen .
Cabdilaahi Siciid dheere oo ka socday xisbiga Ucid kana mid ah xunaha gudida diiwaan galinta codbixiyayaasha oo ugu horayn ka hadlay madashaasi ayaan shegay waxaanuu yidhi
“ Waa in ay ina siiyaan jawaab commisionku wax qancisa si ay nu u qanacno , hadii aynaan gobol walba iyo degmo walba siday wax u dheceen aynaan helin wax lagu qanco noqon mayso , laba gobol oo kaliya yaaanu ka haynaa Data labadii gobo lee u horeyey waanu haynay waa Saaxil iyo Awdal lakiin intii dambe waa lanaga joojiyey oo waa lanaga freez gareeyey in wax nala tuso oo waa langa qariyey markaa lixda gobolba dadkii iska diiwaan galiyey oo goobaysan oo degmaysan iyo supplementary gii ka dambeeyey wixii ku kordhay oo isna qeexan wixii la reebayo iyo wixii badha iyo wixi waa in marka hore helnaa gobol walba waxa ka soo baxay oo cad kasi waa codsi waanaynu ku heshiinay mudane gudoomiye Jaamac in dabadna waan idinka codsanay”

Abdilaahi siciid oo ka wabiyey balan laanta iyo walina iska maamulashada serverka waxa uu yidhi“Dee waxa ay mar ku wada hadalno oo mar labad ku wada hadalnaa ma haboona oo waad ogtihiin oo arintani waa arin xasaasi ah intaynu u dabraynay waad ogtihiin arintan diiwaan galinta ee doorashooyinku u dabranaayeen oo ee umadu ay sugaysay dee hadii wax yar oo Dato ah oo aynu hayno aynu sixi kari wayno waa nasiib daro .”

“Hawl galka Server ka :- Hal galka server ka balan keenu waxa uu ahaaa marka la bilabayo in sadexda wakiil ee xisbiyadu ay goobjoog ahaadaan oo ay la bilaabaan inamada dee halkan waxaa ka cad in bahalkii aad iska hawl gali iyada oo cidna loo sheegin sadex xisbi iyo cidkale toona taasina waxay keenaysaa shaki iyo mad madaw iyo inagii oo kala shakina , dee waxii aynu wad wadnay Data dan yaan leh dee qaran ka ayaa leh, kow waa marka ugu horaysee axsaab ahan anaga ayaa tartamayna cida ugu horaysa ee ogaysa meeshan waxa ka jira ee qalad iyo saxba ahi waa Political parties ka iyo wasaarada arimaha gudaha oo iyaduna roolkeeda leh iyo waliba qaranka oo dhan lakiin taasi waxay dhacaysaa markay anaga nagu soo horeeyaan si hadii waxiiba ay suuqa galaan goordhaw wixii qaldanaa in la saxaa way adkaanaysaa oo wax badan ayaa jiraya khaladaad badan ayaa jira waxaad noo sheegteen in qalab iyo cajalado badan oo gobolo badan isu soo maray oo 3 ama 4 gobol ay ku wada duuban yihiin markii horena noomaydaan sheegin waxaanu kaloo isku ogay oo xeerku idin siinaya in xogtan qaranka in aad u samaysaan cid gaara sida agaasime guud oo dhex ah yaanu kala xisaab tanaa sirti qaranka yaanu ku aaminaa security giisa” kaasi waxa uu ahaa Cabdilaahi Siciid dhere oo ka mid ahaa gudida diiwan galinta kana tirsan Xisbiga Ucid.

Cabdi kariin Maxamed Xinif oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga kulmiye u qaabilsan commission ka oo halkasi ka hadlay ayaa cadeeyey sida aanuu xisbiga kulmiye ugu qanacsanayn qaabka loo maamulay hawl galka Serverka iyo tirooyinka is khilafsan ee uu soo saaray waxanaana hadaladiisi ka mid aha “ waraaqahan uu commission ku qaybiyey saxaafada waxaa ku cad in hawlgalka Serverku bilaabmay Khamiistii waxa kale oo iyana jirta in aanu khamiistii bilaabmin xili ka horeyey uu bilaabmay waraaqdii xafiisyada xibiyada la geeyeyna waxaa ku qornayd xafladii furitaanka sever ka oo maanta sabtida ah ee bisha 7 deeda bilaamaysa ka soo qayb gala hadaanu tilmaam tani xafladii furitaanka maahee anigu ma fahansani macneheeda iyada oo aan xisbiyana loo baahan wasaarad arimo gudeedna loo baahan cidnana loo bahan , commisionkana waxaanu 3 bilood ee ugu dambeeyey ka wada hadlaynay in inta aanuu shaqayni in aanu helno serverka wixii lagu shubay , data base kii gobolada laga keenay oo iyada oo gobol gobol ah oo goob goob ah aanu helano se aanta waa nasiib daro in manta isaga oo duu duuban oo aanay cadaaladi ku jirin in maanta lana soo hor dhigo waxaa jiray natiijo walba in uu iskaga dhawaaqo natiijooyin hor dhaca ah taasina aanay haboonayn”

Waxaa iyana kulankaasi ka hadlay masuuliyiin kale oo ay ka mid ahayeen Axmed Caydiid oo ka mid aha masuuliyiinta gudida diiwaang galinta kana socoday xisbiga kulmiye.

Xisbiga talada haya ee Udub ayaa isagu gabi ahaanba si toos ah u taageray waxaa halkaasi ka hadlay Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ka mid ahaa xibin commissionka u qaablsan xibiga Udub ayaa isna ku sheegay hadaladiisa in ay iyagu cabasho badan aanay halkaasi u iman kalsoonina ay ku qabaan commissionka una hambalyeynayaan Serverkaa ay maanta fureen.

Waxa kale oo isna ka madlay mudane Saakin oo ka mid ahaa gudida diiwaangalinta commissionka doorashooyinka u qaabilsanaa xisal xukuumiga Udub.

Fadhigaas u dhexeeyey Commission doorashooyinka iyo Axsaabta oo ahaa mid aad u xasaasiya taas oo ay ka jawabi kari waayeen amaba ay keeni kari waayeen jawaab lagu qanco oo ku saabsan sababta xiligan keentay tirooyinka gobolona iska dhimay xaga gobolo kalena tiro u korodhay.

Gudoomiyahay Commission ka doorashooyinka qaranka Jaamca Maxamuud Cumar ayaa sheegay tirooyinkan qalabkii lagu ururiyey oo ah Serverka in ay tahay tirade haatan lahayo hadii uu khalada jirona ay tahay sababta ay u soo bandhigeen tiradan kordhisay Gobolka Awdalna ay tahay in ay ka gobol ahaan badisay tiradii dadka is diiwaan galiyey 15 casho ee lagu kordhiyey is diiwaan galinta hase ahatee waxa uu gudoomiyuhu jawaabteedii uu sheegi kari waayey sababta ay gobolada kale isu dhimeen tirooyinkoodii hore .

Xisbiyada Mucaaradka ah ee Ucid iyo Kulmiye ayaa ku tilmaamay arintan maanta uu commission ku la yimid in ay tahay arin dhaawaci karta aaminadii la aaminsana Commission ka isla markaan iyada oo loo balan san yahay maanta in goob joog ka ahaadaan Axsaabta qaranku tirinta Serverka ay commission ku shaciyeen tiradan habeen hore oo aanay u war hayn axsaabtu.

Gudoomiyaha Commisionka doorashooyinka qaranka Mudane Jaamca Sweden ayaa hadalada iska fogeeyey kuta jawabay hadalo aan qancin xisbiyadii mucaaradka taas oo kulankii maanta uu ku dhamaaday iyada oon waxna la isku af garan waxna meel la wada dhigin.

Xafiiska warararka toga herer
Ceelkii Togaherer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: