Toggaherer’s Weblog

Posted on: March 8, 2009

G/GUURTIDA SL AYAA MAANTA KA DOODAY 6 GOBOD OO KU YALA WAQOYIGA HARGAYSA

Hargaysa 07 March 2009 (THN)

Golah Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii maanta kaga dooday lix goobood oo ku yaala waqooyiga Hargaysa oo aan diiwaan galintii laga qaban .

Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadam ayaa furitaankaa fadhigaasi ayaa sheegay in goluhu ka doodo fikiro ay soo jeediyeen xildhibano ka mid ah golaha oo ahayd goobaha xaniban ee waqooyiga Hargaysa taas oo uu sheegay gudoomiyuhu in ay dakaa degaanka degani ay xaq u leeyihiin in ay is diiwaan galiyaan taas oo ay umada kale ee Somaliland ay wada heshay iyana ay tahay in ay helaan xaqooda muwaadininimo ee diiwaan galineed hase ahaatee aanay golaha guurtida u oolin maamul ahaan halka ay raacayaan oo laga sugaayo wasaarada arimaha guduhu in ay soo saarto oo ay soo gudbiso.

Furitaankii doodaasi ayaa xubnaha goluhu ku kala qayb sameen si xuna uga wada doodeen xidhibaano badan oo hadaladoodo is khilaafsanaayeen ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Xaaji Cabdi kariin Xussen (Abdi Warabe) oo isaga sheegay in aanay haboobayn in lagaga dooda golaha dhexdiisa arintan maadama ay khusayso dawlada ay tahayna wax aynaan filanayn in maanta golaha la hor keeno arintan .

Waxaa isna arintaa ka hadlay Siciid Cabdillaahi Yasir, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Qowdhan, Maxamed Cabdi Dhoore, Xil. Sheekh Maxamuud kuli ragas oo midba fikir ka dhiibtay qaar ayaa lahaa waa arin muhiim ah ee ha laga doodo oo lid ku noqonaysa soo jidita Xaajiga Abdi waraabe , halka qaar kale ay soo jeediyeen in ay arintina u eekayd mar hore in ay guurtida faraha la gasho ,halka qaar ay u fikir dhawaayeen xaajiga oo ay yidhaahdeen waxaa haboon in aynaan isku daalin ee loo daayo maamulka jira oo ay khusayso sida wasaarada arimaha gudaha oo magacawda, xaga qaar kale ay iyana soo jeediyeen diiwaangalin dambe soo noqon mayso oo way ina dhaaftee yaan golaha khilaaf lagu galin arinta isku soo wada duuboo waxaa fadhigaas Gudoomiyaha u mooqatay in soo jeedinta uu soo jeediyey ay ku noqotay golaha mid khilaaf wayn abuurta iyada oo ay maanta jiraan arimo badan oo soo wajahay umada Somaliland.

Isku soo wada duuboo doodaasi ku dhamaatay iyada oo aan geena la isku raacay gudoomiayaha golaha Saleen Maxamuud Aadan ayaana xidha doodii sheegayna in qodobkaasi wada tashi loogu noqonaayo xaqana ay u leeyihiin dadkaasi in diiwaan galiyaan aanay u baahnayn in dood iyo sawaxan laga keeno ee ay waajib ku tahay in la keeno golaha .

Warqabdka toga herer
Ceelki Hargaysaad

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: