Toggaherer’s Weblog

WIIL SOMALI AH OO 25 SANO LAGU XUKUMAY DALKAASI MARAYKANKA DAMBI LAGU HALAY AWGEED.

Posted on: March 7, 2009

Washinton 07 March 2009 (THN)

Sida ay qortay journal ka soo baxa wisconsin ee cariga mareykanka wiil soomaali ah oo lagu magaacabo cabdi wahaab Xuseen ayaa lagu xukumay xabsi gaaraya 25 sanadood k dib markii maxkmada ay ku heshay danbi ah inuu afduubtay kufsadayna gabar 17 jir ah xilli ay ku jirtay Libraray sanadkii tagay.

Cabdi wahaab Xuseen ayaa la xiray 3dii march ee sanadkii hore ka dib markii isaga iyo wiil kale oo la eedeysan lagu soo eedeyay inay afduubteen islamarkaana kufsadeen gabar 17 jir ah oo ku jirtay Milwaukee libraray, gabadhan ayaa journalku waxa uu leeyahay waxa ay dooneysan inay buugaag ka soo amahato librarygaasi.

Waxaana halkaasi ay isku arkeen cabdi wahaab iyo Ali Mursal oo wiilka kale ee isagana la eedeysan, waxaana ay ka dhaadhiciyeen inay soo wada dukaameystaan, taasina ay keentay inay gaari ku kaxeystaan oo ay kufsadaan sida uu sheegay garsooraha maxkmada Carl Ashley.

Wuxu sidoo kale ku tilmaamay gabadhaasi inuu fudeyd qaaday markii ay ka oglaatay inay gaari wada raacaan, isagoo yiri gabar caaqilad ma aysan aheyn.

Ali mursal oo isagu la eedeysan wiilkaasi xukunkiisa uu shalay dhacay ayaa isna maxkmada wisconsin waxa ay sheegtay in la xukumi doono toodbaadka soo socda.

Abdi wahaab oo la weydiiyay waxa uu ka qabo go’aanka maxkmada ayaa u sheegay garsooraha inuusan fahamsaneyn waxa ka socday maxkmada beryihii la soo dhaafay, islamarkaana uusan fahmin sida ay wax u socdeen.

Sidoo kale waxa aay maxkmadu sheegtay in marka uu xabisga dhameysto cabdi wahaab xuseen dib loogu celin doono wadankiisa, taasoo uu ka biyo diiday qareenkiisa oo la yiraahdo Jeffrey gaines isagoo ku andoocooday inuusan Abdi wahaab laheyn wadan loo celiyo.

” Halkee loo masaafurinayaa, ma aqaani” ayuu yiri Gaines ” dowlad kama jirto ama sharci kala danbeyn dalkiisa hooyo ee Soomaaliya”

Ali Xandule Basaar
South Africa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: