Toggaherer’s Weblog

TODOBA RUUX OO KU GEERIYOOTAY WEERAR KA DHACAY DALKA PAKISTAN.

Posted on: March 7, 2009

TODOBA RUUX OO KU GEERIYOOTAY WEERAR KA DHACAY DALKA PAKISTAN.

Pakistan 07 March 2009 (THN)

Ugu yaraan 7 ruux oo u badan boolis ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday baabuur oo ka dhacay waqooyi-galbeed ee dalka Pakistan.

Boolisku wuxuu sheegay in ciidamada booliska lagula beegsaday weerarkaasi ismiidaaminta duleedka magaalada Peshawar ee caasimada gobolka waqooyi-galbeed ee xuduuda Pakistan.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay rabshadaha ka dhaca dalka Pakistan aad ayay u kordheen, weeraradaasoo lagu eedeeyay inay geysanayaan Mintidiinta Islaamiga ah.

Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Pakistan waxaa ka mid ahaa koox dabley ah oo rasaas ku furtay bas ay saarnaayeen ciyaartooyda Cricket-ka ee dalka Sri Lanka.

Waxaana weerarkaasi oo ka dhacay magaalada Lahore ee Bariga dalkaasi lagu dilay 6 rayid Pakistaniyiin ah iyo 7 booliska Pakistan ka tirsan.

Rabshaduhu waxay sidoo kale ka dhacaan deegaanada Bajour iyo Dooxada Swat ee waqooyi galbeed Pakistan.

Warqabdka Toga herer
Islama bad
Pakistan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: