Toggaherer’s Weblog

ONLF OO GACANTA KU DHIGTAY SALDHIG AY AMXAARADU LAHAYD

Posted on: March 7, 2009

ONLF OO GACANTA KU DHIGTAY SALDHIG AY AMXAARADU LAHAYD

dagaalo aad u culus aya weli ka soconaya deegaanka dhagax buur ee ismaamulka soomalida itoobiya halkaasoo ay isaga soo horjeedaan ciidamada dowlada Itoobiya iyo jabhada ONLF ee xoreynta dhulka ogadenia

Wararkaasi ka imaanaya aya sheegay in ONLF ay gacanta ku dhigtay xarun ciidan oo lahaayeen oo keydka hubka ah oo ay leedahay Itoobiya ka dib markii halkaasi laga saaray ciidamada Itoobiya, Waxaana gacanta ku dhigtay unug ka tirsan ONLF oo la yiraahdo duufaan.

dagaalada beryahan socday ayaa ciidamada Itoobiya waxaa looga dilay ilaa iyo 24 askari , waxaa dagaalada qey ka ah ciidamada laga soo bixiyay koonfurta Soomaliya, iyadoo dowlada Itoobiya ay haatan dooneyso in guud ahaanba ay wiiqdo awooda jabhada xoreynta Somali galbeed ee ONLF.

Ciidamada Itoobiya aya la sheegayaa inay dileen lix nin oo xoolo dhaqato deegaakaasi ah , labo ka mid ah ragaasi ayaa la dilay ka dib markii ay gacanta ku dhegeen ciidamada xabashida ee itoobiya.

ONLF ayaa waxa ay xaqiijisay inay gacanta ku dhigeen xarun muhim ah oo keyd hubka ah omeel u dhow deegaanka dhagaxbuur ka dib dagaal aad u kulul oo halkaasi ak socday, waxa ay gacanta ku dhigeen kumaanan hubka noocyadiisa kala duwan ah oo ay ku jiran garneylo iyo hubab waa weyne e daran dooriga u dhaca.

dagaaladan ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa soo bilowday tobadaayadii u danbeeyay.iaydoo qasaare baaxad weyn uu u geystay soomalida ku dhaqan soomali galbeed, waxaana dowlada Itoobiya lagu eedeynayay inay gabood halkaasi ka geysanayaan inkastoo iyagana iska fogeynayaan eedeymahaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: