Toggaherer’s Weblog

NIN LUGTIISII DOROOGO UU GUDBINAAYO AWGEED U JABIEY !!!!!!!!!!!!!!!!

Posted on: March 7, 2009

NIN LUGTIISII DOROOGO UU GUDBINAAYO AWGEED U JABIEY !!!!!!!!!!!!!!!!

Ninkan la qabtay oo an magaciisa la shaacin waxaa da’diisa lagu sheegay 66 jir kaasoo lagu qabtay dhowr Kg oo daroogada Coccain-ta ah.

Boolisku waxay sheegeen in ninkan uu daroogada u adeegsaday soo gudbinteeda lugtiisa jaban.

Ninkan wuxuu ka soo safray magaalada Santiago ee dalka Chile halkaasoo uu faashada ku duuban lugtiisa kusoo qariyay ilaa lix kg oo daroogadaasi Cocainta ah.

Sarkaal booliska ka tirsan ayaa waxay sheegeen in ay ogaadeen daroogadaasi ka dib markii ay kiimiko ku buufiyeen faashada lugta ku duuban lugta jaban ee ninka la qabtay.

Kiimikadaasi ayaa marka ay gaarto daroogada Coainta ay isku bedesho midab buluug ah, sidaasina lagu gartay in lugta jaban ee ninka la qabtay ay ahayd mid daroogeysan.

Raajiistayaasha dalka Spain ee baaritaanka ku sameeyay jabniinka lugta ninka daroogada lagu qabtay ayaa waxay sheegeen in lugtaasi si ula kac ah loo jebiyay si ay u gudbiso daroogada.

Dalka Spain wuxuu marin muhiim ah u yahay gudbinta daroogada laga soo qaado koonfurta America ee loo gudbinayo dalalka Yurub.

Booliska ayaa baaris ku sameynaya in dhaawacyada noocan oo kale ah si tabarucaad ah daaweyn loogu keeno iyo inkale dalka Spain.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: