Toggaherer’s Weblog

MADAXWEYNAH JAMHURIYADA S/L DAHIR RIYAALE OO LA KULMAY WASIIRKA ARIMDA DIBADA UK MR DAVID

Posted on: March 7, 2009

MADAXWEYNAH JAMHURIYADA S/L DAHIR RIYAALE OO LA KULMAY WASIIRKA ARIMDA DIBADA UK MR DAVID

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Maanta la Kulmay Wasiirka Arrimaha
Debada UK
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo
booqasho rasmi ah ku joogay dalkan Britain ayaa Maanta Kulan Balaadhan la
yeeshay Wasiirka Arrimaha Debada Mudane David Miliband iyo Madax sar-sare
oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Debada ee UK.
Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Arrimaha Debada ee ku yaala
Magaalada London ayaa waxa uu ka danbeeyay Martiqaad Rasmi ah oo Dawlada
Britain ay u fidisay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo dhawrkii
cisho ee u danbeeyayba ku sugnaa magaalada London.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa
kulanka uu maanta la yeeshay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada Mudane
David Miliband waxay si qoto dheer ugu lafo gureen xidhiidhka taariikhiga
ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab iyo sidii loo sii xoojin
lahaa xidhiidhkaasi, waxaa kale oo kulankan uu Madaxweynuhu kaga hadlay
marxalada guud ee uu dalka Somaliland ku sugan yahay imika iyo heerka
qiimaha badan ee shacbiga Somaliland ay dalkooda gaadhsiiyeen iyaga oo aan
wax gacan ah ka helin dunida.
Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu si balaadhan uga hadlay horumarka
dhinaca Nabadgelyada iyo h geedi socodka dhinaca dimuqraadiyada ee ka
hir galay Somaliland, waxaana uu ka codsaday Dawlada Britain inay sii
laban-laabaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhinaca horumarinta iyo
waliba sidii Somaliland ay aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka.
Wasiirka Arrimaha Debada Mudane David Miliband ayaa dhiniciisa waxa uu
amaan balaadhan u soo jeediyay shacbiga iyo xukuumada Somaliland oo uu ku
tilmaamay dad qiimo badan oo dalkooda horumar dhinac kasta ah gaadhsiiyay,
waxaana uu sheegay in dawlada Britain ay ka war hayso dedaalka iyo
rabitaanka Shacbiga Somaliland, waxaa kale oo uu Wasiirku Madaxweynaha iyo
Shacbiga reer Somalilandba uu uga tacsiyadeeyay weerarkii fulaynimo ee ay
argagixisada caalamiga ahi ku soo qaaday Somaliland 29kii bishii Oktoobar
ee sanadkii lasoo dhaafay, iyada oo uu Wasiirku caddeeyay in dawlada UK
ay is barbar taagi doonto shacbiga reer Somaliland isla markaasna aanay
marnaba ogolaan doonin in wax yeello loo geysto Horumarka iyo Amaanka
Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid taariikhi ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyay
Wasiirka Arrimaha Debada Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Safiirka
Wareega Mudane Dr. Maxamed Aar iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha
Mudane Axmed Maxamed Ciise, iyada oo dhinaca kalena ay Wasiirka Arrimaha
Debada Mudane Miliband ay ku wehelinayeen saraakiil kala duwan ka socday
laamaha kala duwan ee wasaaradiisa.
Dhinaca kale galabnimadii maanta ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu qudbad dheer ka jeeday xarunta caanka
ah ee loo yaqaano Chatam House halkaas oo ay ka soo qayb galeen
aqoonyahano, diplomaasiyiin iyo dadweyne kala gedisan oo ka kala yimi
meelo kala duwan oo aad u danaynayay arrimaha Somaliland.
Madaxweynaha oo halkaas ka jeediyay qudbad aad u dheer waxa uu ka warramay
horumarka balaadhan ee ay shacbiga Somaliland iyo Xukuumadoodu ay
gaadhsiiyeen Dalkooda iyaga oo aan haysanin wax aqoonsi ah iyo mucaawino
muuqata, balse ay iyagu isku tashadeen, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay
in dadka reer Somaliland ay u soo mareen xorriyada ay haystaan dariiq aad
u dheer oo dhib badan,taasoo ay ku guuleysteen inay dalkooda ka dhigaan ka
ugu nabadgelyada badan uguna horreeya dhinaca dimuqraadiyada dalalka
Afrika.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in dadka reer Somaliland ay soo
mareen marxalado kala duwan 18kii sanadood ee la soo dhaafay, waxaana uu
sheegay in lasoo gaadhay xiligii ay dunidu garawsan lahayd xaqa ay reer
Somaliland u leeyhiin inay ka mid noqdaan beesha caalamka. Waxaana uu
Madaxweynuhu sheegay in ay dadweynaha reer Somaliland go’aankooda
madaxbanaanida ku ansixiyeen aftidii dalka Somaliland ka dhacday sanadkii
2001, waxaana uu sheegay inaanay ahayn wax cidina dafiri karto xaqa ay
reer Somaliland u leeyihiin in la aqoonsado isaga oo tilmaamay in lasoo
gaadhay Xiligii Aqoonsi buuxa ay dunidu u fidan lahayd Somaliland.
Khudbadda Madaxweynuhu halkaasi ka jeediyey waxay ahayd mid taabanaysay
dhinac walba, iyadoo uu Madaxweynuhu halkaasi ka sheegay inay dalka ka
dhici doonto doorasho xor ah oo xalaal ah, oo ka maqaam sarraysa tii hore
uga dhacday dalka.
Kadid, Markuu Madaxweynuhu dhammeeyay khudbadiisii, waxa halkaasi lagu
waydiiyay su’aalo farabadan kuwaasi oo uu dhammaantood si faah-faahsan uga
wada jawaabay.
Waxa Shalay weftiga Madaxweynuhu la kulmay, Xubno ka tirsan Barlamaanka
Dalka Ingiriiska, kuwaasi oo u ololeeya qaddiyadda Madaxbanaanida
Somaliland oo loo yaqaano ( All Parliamentary Group for Somaliland)
kuwaasi oo uu Guddoomiye u yahay Mudane, Alun Michale, Madaxweynaha iyo
Xubnaha Baarlamaanku waxa ay halkaasi isku waydaarsadeen xog waraysi buuxa
oo labada dhinac ah, iyadoo Guddoomiyaha kooxdaasi Madaxweynaha iyo
weftigisa uga warramay, hawsha baaxada badan ee ay wadaan, Madaxweynuhu
wuxuu uga hambalyeeyay xubnahaasi Baarlamaanka ah dedaalka iyo hiilka ay
la garab taagan yihiin Bulshada Reer Somaliland, waxaana uu ku booriyey
inay halkaasi ka sii wadaan. Kullnkaasi waxa isna goob joog ka ahaa,
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdillaahi (Cirro).

Axmed Maxamed Ciise
Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: