Toggaherer’s Weblog

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY COMMISIONKA DOORASHOOYIN OO KU SAABSAN ARINTII SERVERKA.

Posted on: March 6, 2009

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY COMMISIONKA DOORASHOOYIN OO KU SAABSAN ARINTII SERVERKA.

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY COMMISIONKA DOORASHOOYIN OO KU SAABSAN ARINTII SERVERKA.

1. Komishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ) waxa uu ku wargelinyaa dadweynaha
reer Soomaaliland inay maanta oo Khamiis ah oo bishu tahay March 5, 2009 ay
hawshii kala shaandhaynta Serverka si buuxda u bilaabantay. Arrintaa Serverku
waa arrin in muddo ah laga shayqnayay si loo tayeeyo farsamadeeda si Serverka
xawligiisa bar baroolaha ah uu u noqdo ugu yaraan 400,000 bar barroole ilbidhiqsigiiba.
Is barbardhigaas oo looga gon-leeyahay in laga saaro xogaha la soo
ururiyay wixii ku noq-noqosho ah.

2. Waxa Serverka la geliyay 1,348,061 diiwan-gelineed oo u kala soocan gobol,
degmo iyo goob diiwaan-gelineed. Tirada iska diiwaan-gelisay gobol walba waa sida
hoos ku cad:

Number of Registrant from the Server Database

SNO Region___With FingerP___WithoutFingerP____Total Number
_________ ____________ ______________ ____________

1 Saaxil__________39773_______12428____________52201

2 Awdal___________119137______82861____________201998

3 Hargeysa________228029______196187___________424216

4 Togdheer________133808______188904___________322712

5 Sanaag__________67055_______141522___________208577

6 Sool____________39370_______98987____________138357

_______ ______ _______ ______

Total____________627172_______720889___________1,348,061
_______ _______ ________ ____________

Xogtani waa xogtii lagu shubay Serverka kala shaandhaynteediina waa la wadaa si
habsami ah oo aanu aad ugu kalsoonahay farsamo ahaana laga baaraan degay ayay u
socotaa.

3. Xisbiyada Qaranku waa inay soo dirtaan saraakiisha ay u wakiisheen hawshan
Serverka si ay ula socdaan meesha hawshu marayso.

4. Ka hor intaan la bilaabin kala shaandhaynta waxay farsamo-yaqaanadu sameeyeen
dhawr tijaabo (tests) oo ay ku xaqiijinayaan wax-qabadka iyo habsami u socodka
qalabka ( Reliability of the Server) waxayna ku qanceen natiijooyinka ka soo baxay
tijaabooyinkii ay sameeyeen. Xawliga uu ku socday systemku waa inuu eego 400,000
oo bar-barroole il-bidhiqsigiiba (400,000 matches per second). Hase yeeshee markii
la kordhiyay xawliga Serverku wuxuu marayaa 413, 734 bar barroole il bidhiqsigiiba.

5. Serverku waxa uu barbar dhigayaa halkii sawir-fareedba sawir-fareeddada kale oo
dhan si uu u hubiyo in aanay jirin wax ku noq-noqosho ahi. Haddii la waayo wax ku
noq-noqosho ah diiwaan-gelintaasi waa ansax. Haddiise la helo in is diiwaan-geliyuhu
is diiwaaan-geliyay hal mar in ka badan, waxa ansax ah is diiiwaan-gelintii ugu
horreesay oo kali ah ee ku noq-noqoshadu waa waxba kama jiraan.

6. Waxa uu KDQ ku rajo weyn yahay in qaybta hore ee hawshani ay soo dhammaan
doonto muddo ka yar 15 cisho. Isla markaana si deg-deg ah loo gelin doono isu
eegidda sawirada qofka si loo ogaado in aanay jirin ku noq-noqosho. KDQku wuxuu
wuxuu u hanweynyahay in liiska kamadambaysta ah uu noqdo mid xialaal ah.

II KDQ iyo Xisbiyada Qaranka

1. Waxaa xusid mudan, dadweynaha ay tahay in ay la socodaan, in wafdigii deeqbixiyayaasha
ee 17/2/09 yimid Soomaliland ay la kulmeen Komishanka
Doorashooyinka iyo saddexda Xisbi Qaran iyo Madaxweynaha. Waxaana ugu
muhiimsanaa, maadaama ay muuqato in Doorashada Madaxtooyadu dib uga
dhacayso muddaynteedii hore in saddexda Xisbi Qaran iyo KDQ heshiis wadajir ah
ka wada gaadhaan barnaamijka iyo taariikhda ay Doorashada Madaxtooyadau dhici
doonto.

2. Waxaa kale oo xusid mudan in Hay’adda Interpeace oo KDQ kala talisa xagga
farsamada ay Xisbiyada u qadimeen jawdalka doorashada doorashada oo ku
salaysan muddada qandaraasyada caaamiga, tababarada shaqaalaha, shaqada
serverka iyo hawlaha kale ee la xidhiidha Doorashada Madaxtooyada oo ka kooban
60 maalmood, oo ka billaabmaya 29ka March 09 oo ah maalintii hore u
muddeysnayd.

7. Toddobaadkii ina dhaafay waxaa KDQKA iyo saddexda Xisbi Qaran wada yeesheen
kulamo arrintasi la xidhiidha oo lagaga arrinsanayay, si moqif midaysan looga qaato
waqtiga la qabanayo doorashada Madaxtooyada ee foodda inagu soo haysa.

8. Xisbiyada UDDUB Iyo UCID waxay la qaadteen KDQ muddadii KDQ soo jeediyey
waanay aqbaleen. Haseyeeshee Xisbiga KULMIYE arrintaasi kumuu qancin
waxaannu iska taageen mowqif xisbi oo gaar ah. KDQ wuxuu si muuno leh ugu
baaqayaa xisbiga KULMIYE inuu mowqifkaa ka taansulo.

II Deeq-bixiyayaasha:

• Deeq-bixiyayaashu waxay Somaliland ka muddanyihiin muddanyihiin ammaan,
gacantii dhaqaale ay inoogu deeqeena ay inoo soo suurtogelisay in inoo qabsoonto
diiwaangelinta codbixiyaasha. Sidoo kale ay marlabaad gacan kale iyo dedaalba ka
gaysteen in diiwaangelinta laga saaro wixii khalad ahaa ee galay. Waxaa iyana si
buuxda u ballanqaadeen in miisaaniyada doorashada madaxtooyada xil qaadaan 75%.
• Waxa deeq-bixiyeyaasha ay hore loogu gudbiyay warbixintii handhowerka SL oo
kooban (summary report) oo ku saabsanaa miisaaniyaddii Dowladda ee diiwaangelinta.
Waxaa ay codsadeen codsadeen in loo soo diro warbixintii oo buuxda (Full
Report). Hanti-Dhawraha Qaranka ayaa deg deg ugu diraya warbixin faahfaahsan.
• Waxa iyana aan aad u quruxbadneyn in waraaqo maamuleedka
(Administrative Documents) ee deeqbixiyaashu u soo direen KDQ,
Axsaabta Qaranku loo gudbiyo oo lagu qoro Jaraa’idka iyo Websaytyada.

Taasina waxaannu leenahay, Waana arrin aan loo baahnayn.

• Interpeace iyo deeq-bixyeyaashu waxay leeyihiin nidaam hanti-dhawr
caalami ah oo u gaar ah.

III Caddadkii ku soo baxay wargeyska Ogaal taariikhdu markay ahayd March 5, 2009
Cadadkii ku soo baxay wargeysaka Ogaal markay taariikhdu ahayd March 5,
2009 oo ku saabsanaa warbixintii uu Komishiner Axmed Maxamed Xaaji kaga
hadlayay dhowerka arrimood ee dhaqaalaha deeq-bixiyeyaashu ka mid ahaa
ee diiwaan-gelintaba.
KDQku wuxuu halkan ka caddaynayaa in hadalkaa ku soo baxay wargeyska
Ogaal cadadkiisii 731 ee ku taariikhaysnaa March 5, 2009 ee uu yidhi
Komishiner Axmed Xaaji maxamed (Bidaar) uu yahay hadal isaga oo keliya ku
kooban oo aan KDQ la wadaagin.

IV BARAARUJIN KA TIMI KDQ

a) KDQ wuxuu halkan ku itiimineynaa in KDQ u igmanyahay hawsha
doorashooyinka Qaranka hadday tahay muddaynteeda, maaraynteeda,
garsoorkeeda, iyo ka midho dhalinteedaba. Haddaba waxaa mudan in
Komishanka lagu ixtiraamo laguna xurmeeyo hawshooda.
b) Komishanku wuxuu xusuusinayaa Axsaabta Qaranka iyo dawladdaba
inaan welli la gaadhin waqt oloyaha ee ha laga dhigtoonoodu hadalada

hadalada aan habbooneynen ee la isku marimayo warbaahinta dalka ee
kala duwan.
c) Ugu dambayn waxaa KDQ ku boorrinyaa Axsaabta Qaranka, Xukuumadda
iyo dadweynaha soomaaliland carruur iyo cirooleba inay guntida dhiisha
iskaga dhigaan sidii aynu u xaqiijin lahaayeen inay dalka ka qabsoonto
doorasho xor iyo xalaal ah “ Waxaa hore loo yidhi: Ha is weydiinina
wuxuu waddankiinu idiin qaban karo, balse isweydiiya
waxaad waddankiina u qaban kartaan”
Wa bilaahi Towfiiq,
_______________________
Jaamac Maxamuud Cumar
Guddoomiye

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: