Toggaherer’s Weblog

WAFTIGII MADAXWEYNE RIYAALE OO MAANTA BOOQDAY AQALKA WAKIILADA EE UK

Posted on: March 6, 2009

WAFTIGII MADAXWEYNE RIYAALE OO MAANTA BOOQDAY AQALKA WAKIILADA EE UK

WAFTIGII MADAXWEYNE RIYAALE OO MAANTA BOOQDAY AQALKA WAKIILADA EE UK

London 05 March 2009 (THN)

Wafti uu hogaaminayey madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Dahir Riyaale iyo xubno kale oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdi Rahamaan Ciro oo isla magaaladaas ay kaga biiray ayaa maanta booqasho ku tagay aqalka wakiilada ee dalka Ingriiska .

Waftiga heerka qaran ahaa ee uu hogaaminayey madaxweynuhu ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dhamaan qaybaha uu ka koobahan yahay baalmaanku kuwaas oo uu hormood u ahaa MP Alun Micheal oo isagu ah gudoomiyaha xisbiyada dalkaas ingiriisku uu ka kooban yahay kuwaan oo ku qabilay aqalka wakiilada .

Xildhibaan Alun Michael oo kulankii maanta hormood u ahaa ayaa aqalka wakiilada ku soo dhaweeyay madaxweynaha iyo waftigii uu hor kacaayey ee ka koobnaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Dahir Rayaale Kahin Gudoomiyaha golaha wakiilada Mudane Abdi Rahmann Maxamed Abdilahi (Ciro ), Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale, xoghayaha khaaska ah ee madaxweynaha mudane Axmed M.Essa, Ambasadoor Dr Mohamed Aar, Safiirka Somaliland u fadhiya Ireland Mudane Cabdifataax Siciid Axmed iyo ku xigeenka safiirka Somaliland ee UK mudane Daahir Tukaale, iyo aqoonyahan Dr C/laahi Guuleed Axmed.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay sidii loo soo dhaweeyay iyada oo uu mahad naq gaar ah uu u soo jeediyay xildhibaanada golaha wakiilada ee Ingriiska ee sida hagar laanta ah u garab istaagay shicibka iyo qaranimada Somaliland, madaxweyanahu waxa uu ka hadlay xaalada guud ee dalka iyo waxii qabsoomay, waxa aanu kula dar daarmay baarlamaanka Ingriiska oo uu ka codsaday in ay wada shaqayn buuxda la yeeshaan golaha wakiilada ee Somaliland, waxa aanu ka codsaday in gudoomiyaha golaha wakiilada ee Somaliland ay kala shaqeeyaan dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen isaga iyo Baarlamaanka Ingriisku isla markaasna la joogteeyo xidhiidhada, taasi oo la isla qaatay arinkaasi.

Xubnaha wakiilada ee Ingriisku waxa ay mahad naq balaadhan u soo jeediyeen madaxweynaha iyo gudoomiyaha wakiilada iyo dhamaan shicibka Somaliland iyaga oo ugu hambalyeeyay waxii ay qabsadeen, iyaga oo sheegay in ay wada shaqaynta ay hore ula wadeen ay sii laban laabi doonaan oo ay is garab taagayaan shicibka Somaliland, markastana ay yihiin saxiibo joogto ah.

Kulankii maanta ayaa ku soo dhamaaday guul iyo sidii uu qorshahu uu ahaa, iyada madaxweynaha Somaliland uu bari la hadli doono oo uu qudbad u jeedin doono diblomaasiyiin shisheeye ah iyada oo goobtaasi uu bari ka hadli doonana uu inooga soo warami doono wariyaha qarannews oo inoo soo gudbin doono wararka safarka madaxweynaha, waxa sidoo kale uu madaxweyne Rayaale uu kulan fool ka fool ah uu la qaadan doonaa madax sar sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Ingriiska oo uu horkacaayo wasiirka arimaha dibada Ingriisku, kulankaasi barina waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee wasiir arimadibadeed ka tirsan dawlada Ingriisku uu la yeesho madaxda Somaliland, tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay gooni isu taageeda, kulankaasi bari ayaa xildhibaanada ka tirsan golaha wakiilada ee dalka Ingriisku ay ku hambalyeeyeen xukumada dalka Ingriiska islla markaasna waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in ay guulo wax ku ool ahi ay ka soo bixi doonaan kulankaasi barito ee uu wasiirka arimaha dibada ee dalka Ingriisku uu ku qaabili doono waftiga madaxweyne Rayaale.

WAftigan heerka qaran ah oo kaliya may ahayn wufuudi is daba jooga aha ee booqanayey aqalka Wakilada Ingiriska waxa kale oo iyana dhawaanahan booqday isla aqalkaa wakiilada Wafti uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Xibiga qaran ee UCid Mudne Faysal Cali Waraabe Iyo isla Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland Mudne Cabdi Rahmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo wafti ay hogaaminayeen wufuudaas oo hada ku sugan wadankaasi UK oo ka kooban Waftii mucaaradaka iyo kuwan u hogaaminayo Riyaale oo ah kuwa hada xukunka haya ee muxaafadka iyo waliba Cabdilahi Iiman Darawl oo ah kuwii barigii dhawayd ka xanaaqay shirwaynihii labaad ee Xisbiga Udub ee lagu doortay madaxweynaha iyo madaxwyne kuxigeenku in ay isu soo taagaan jagooyinka xibiga dhexdiisa halka uu Darawalna uu ku dhawaaqay in uu u tartamaayo.

Waxaa la odhan karaa wufuudan isugu timid dalka UK ee baaxaadaasi lihi in ay noqon karto
“Timir Lafbaa ku jirta “

Warqabadka Togaherer
London

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: