Toggaherer’s Weblog

MARAYKANKA OO KU KENYA KU WAREEJIYEY TODOBA KA MID AH BUDHCAD BADEED SOMALIA

Posted on: March 6, 2009

MARAYKANKA OO KU KENYA KU WAREEJIYEY TODOBA KA MID AH BUDHCAD BADEED SOMALIA

Muqdisho 05 March 2009 (THN)

Dowladda Maraykanka ayaa koox burcad badeed soomaali ah waxaa ay ku wareejisay dowladda Kenya si halkaasi loogu maxkamadeeyo.
7-ka mid ah kooxahaani oo looga shikisanyahay burcad badeednimada ayaa ciidamada Maraykanka waxaa ay ku wareejiyeen dowladda wadanka Kenya si halkaasi loogu maxkamadeeyo,waxaana kooxahaani ay ku eedeysanyihiin in ay afduubanayeen markab ganacsi oo marayay xeebaha gacanka cadmeed xiliga la soo qabanayay.
Lt. Nathan Christensen oo afhayeen u ah ciidamada qeybta 5-aad ee saldhigooda yahay wadanka Baxreyn ee Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada maraykanku ay go’aansadeen islamarkaana ay heleen cadeeymo ku filan oo ka dhan ah kooxahaani oo muujinaya in la ciqaabo karo,laakiin afhayeenkaasi waxaa uu ka gaabsaday in sharaxaad dheeraad ah uu ka bixiyo.
Todobadaan nin ee kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa gacanta lagu dhigay 11-kii bishii Febraayo markaasi oo la sheegay in ay doonayeen in ay qafaashan markab ganacsi oo marayay biyaha gacanka cadmeed,waxaana markii la qabtay kooxahaani lagu qabtay qoryaha Aakaha loo yaqaan iyo baasuukayaasha xili ay wateen doonyaha dheereeya oo la sheegay in ay markabkaasi ku qafaashaan.
Mr. Christensen waxaa uu sidoo kale sheegay kooxahaani burcad badeeda ee laga shakisanyahay ayaa ciidamada maraykanka marka ay kooxo burcad badeed ah qabtaan waxaa ay ku heshiiyeen in ay ku wareejiyaan dowladda wadanka Kenya si halkaasi loogu maxkamnadeey.
Ciidamada Maraykanka ayaa maanta u gacan galiyay dowladda kenya kooxahaani burcad badeeda oo lagu geeyay markabka USS Leyte kaasoo ka dajiyay dekadda magaalada Mambaasa ee wadanka Kenya.

Xigshao AP

SHABELE

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: