Toggaherer’s Weblog

DAWLADA SUDAN OO DALKA KA SAAARTAY 10 KA MID AH HAYADAHA KA HAWL GALA .

Posted on: March 6, 2009

DAWLADA SUDAN OO DALKA KA SAAARTAY 10 KA MID AH HAYADAHA KA HAWL GALA .

DAWLADA SUDAN OO DALKA KA SAAARTAY 10 KA MID AH HAYADAHA KA HAWL GALA .

Khartuum 05 March 2009 (THN)

Xukuumada Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in ay dhamaan Xadhiga u Jareen Hay”addka ka soo Jeeda dawladaha Reer Galbeedka kuwaasi oo Xafiiyo ku leh Gudaha Dalka Sudaan, Masuuliyinta Dalkaasi ayaa saaka sidaasi Warbaahinta u sheegay, waxay Amreen in ilaa 10- Hay”addood ay Dalka Kabaxaan.

Sida ay Qortay Wakaalada Wararka ee Al-Sharaqal-Awsad Dalka Suudaan ayaa Gabi ahaanba Xadhiga u Jaray 10-Hay”addood oo Afar ka mid ahi Yihiin kuwa ka soo Jeeda Dalka Maraykanka, dhamaan Hay”adda ahaasi ayaa Dawlada Suudaan ku Amartay inay Dalka uga Baxaan si Deg Deg ah.

Sida ay sheegayaan Masuuliyiinta Dalkaasi Hay”addaha laga Cayriyay Dalka Suudaan inay ku sii Negaadaan ayaa waxa ka mid ah ACF oo ka diiwaan Gashan Dalka Ingiriisa, sidoo kale waxa iyana Xadhiga loo Jaray Hay”adda Dhakhaatiirta aan Xudada lahayn oo la sheegay inuu Fadhigeedu yahay Dalka Holland (MSF), Sida kale Warbixnta ayaa waxa lagu sheegay in IRC oo Hay”add Fadhigeeda ugu wayni ku Yaalo Dalka Maraykan in yana La firdhiyey .

Ali Osmaan Daaha oo ah Masuul ka tirsan dawlada Suudaan ayaa Saxaafada la hadlay isaga oo Jooga Caasimada Dalka ee Khartuum, waxa uu aad uga hadlay in Qaynuunkii ay shalay soo saareen Kooxda Maxkamada Danbiyada Dagaalka ee Heeg uu yahay mid aan iyaga Khusayn isla markaana uu Madaxwayanha Suudaan Waa Al- Bashiir yahay kan Kaliya ee Hogaamindoona Dalka Suudaan.

Warar kale ood dheeraad ah oo ka soo Baxaya Dalka Suudaan ayaa sheegaya in Omar Hassan Ali Bashiir uu Maalinta Axada ah ee soo socota Booqandoono Gobolka Darfuur ee Galbeedka Dalkaasi ku Yaala, in kastoo aan la sheegin cida uu Halkaasi kula Kulmayo, Hadana waxa Jiray in Amaanka aad loo adkayndoono.

Dhamaan Daafaha Dalka Suudaan ayaa waxa ka dhacay Mudaharaadyo looga soo Horjeedo Maxkamada Danbiyada Dagaalka ee Heeg, iyada oo Boqolaal Kun oo Ruux oo sida Sawirka Al-Bashiir ay Wadooyinka qaadayeen kuwaasi oo Lahaa” dhamaantayo Adigaanku Kula Jiraa, waanu ku taageersanahay iyo waxyalo la mid ah ”

Maalintii shalay Bay ahayd markii Maxkamada Danbiyada Dagaalka ee Heeg ay soo saartay Waraankii lagu soo qaban Lahaa, Madaxwayanaha Dalka Suudaan, iyaga oo ku eedeeyay inuu Gaystay danbiyo Dagaal, Waxa Xusid mudan in Ururka Jaamavada Carbta oo maanta Shir ugu soo xidhmay Dalka Masar ay si Adag u Weerareen Go”aanka Maxkamada.

XIGASHO Al-SHARQUL AWSAD
Translated:-
Ahmed Cali Xasan
Khartuum
Sudan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: