Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SOMALIA OO KA WARAMAY DHAWR SAFAR OO U KU TAGAY WADAMO DIBADA AH

Posted on: March 5, 2009

WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SOMALIA OO KA WARAMAY DHAWR SAFAR OO U KU TAGAY WADAMO DIBADA AH

Muqdisho 05 March 2009 (THN)

Wasiirka arimaha dibada Somalia Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa ka war bixiyey dhawr shir oo uu ka qayb galay , arintaa waxa uu ka isagoo ku sugan Magaalada Qaahira ee Dalka Masar u waramay aanta afka Soomaaliga ee Bbc-da ayaa sheegay in shir ay wasiirrada arrimaha dibadda jaamacadda carabta ku yeesheen magaalada Qaahira uu kula shiray wasiirro ka socday dalalka Sacuudiga, Qadar, Kuweyt, Imaaraadka Carabta iyo Masar, wuxuuna sheegay in dhammaan wasiirradii uu arkay ay u sheegeen in ay taageersan yihiin dowladda midnimada qaran ee Soomaaliya isla markaana ay garab istaagi doonaan.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar waxaa uu intaas ku daray in madaxdii uu Masar kula kulmay iyo kuwo kale oo uu ku soo arkay shir uu uga soo qeybgalay magaalada Brussels ee dalka Belgium ay ka muuqatay in ay daneynayaan in mushkiladda Soomaaliya xal loo helo.

“Sida ay dadka iyo dalka Soomaaliyeed ugu baahan yihiin nabadgelyo ayay madaxdii aan la kulmay ii sheegeen in ay daneynayaan in ay nabad ka dhalato Soomaaliya, welibana ay taageerayaan dowladda Soomaaliyeed ee dib u heshiisiinta iyo nabadeynta ka shaqeyneysa”ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Wasiir Oomaar oo ka hadlay safaro uu ugu bixidoona wadamo kale waxaa uu sheegay in uu dhawaan booqan doono magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya, isagoo caddeeyay in uu halkaas kula kulmi doono wakiillada beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo xafiisyo ku leh magaalada Nairobi. Sidoo kalena wuxuu sheegay in uu halkaas kula kulmi doono madaxda dowladda Kenya sida madaxa dhigiisa Kenya Mr. Moses Wetang’ula.

Axmed Kulan (Jookar)
Togaherer Moqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: