Toggaherer’s Weblog

WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO KHAMIIS AH MAR.05 2009

Posted on: March 5, 2009

WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO KHAMIIS AH MAR.05 2009

WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO KHAMIIS AH MAR.05 2009

Wararkii Wargeyska Ogaal Khamiis, Mar.05, 2009.

Xubin ka tirsan Guddiga doorashooyinka oo ka jawaabay qoraalkii Midowga Yurub.

“Komishanka ahaan kama warqabno dhaqaalaha Deeqbixiyeyaashu ku taageereen Somaliland, Interpeace-na…”

Axmed Maxamed Xaaji Bidaar……..Waraysi gaar ah

Hargeysa (Ogaal)- Axmed Maxamed Xaaji Bidaar oo xubin ka ah Guddiga sare ee Komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa sheegay in aanu jirin xisaab-xidh Komishan ahaan dhinacooda ku baaqday oo ay Midowga Yurub sabab uga dhici karaan xanibaada dhaqaalaha ay ugu talogaleen doorashada Madaxtooyada.

Axmed Xaaji Bidaar oo uu xalay waraysi gaar ah khadka Telefoonka kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu caddeeyay in aanay Komishan ahaan ka warqabin xaddiga uu dhan yahay dhaqaalaha Deeqbixiyeyaashu ku taageereen geedi-socodka Dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, ka dib markii ay hay’adda Interpeace oo dhaqaalahaasi soo maraa ka gaabsaday inay Komishanka la socodsiiso. Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaya, wuxuu u dhacay sidan;

S: Bal mar hore faahfaahin naga sii jadwalkan cusub ee aad soo saareen ee la xidhiidha hawlaha iyo waqtiga cusub ee doorashada Madaxtooyada?

J: Sidii aanu markii horeba u sheegnay, waa waqti aanu u baahanahay agabka doorashada lagu geli lahaa oo dhami inuu yimaado, shaqaalaha la qoro, la tabobaro oo doorashaduna si nadiif ah oo aan dhibi ku jirin ugu dhacdo.

S: Midowga Yurub ee maalgeliya doorashooyinka iyo geedi-socodka Dimoqraadiyadda Somaliland, waxay Komishan ahaan idiin soo direen qoraal ay ku sheegeen in aydaan u gudbin xisaab-celintii lacagtii Diiwaangelinta, taasoo ay ku xidheen soo-daynta dhaqaalaha doorashada Madaxtooyada. Markaa maxaa sababay in aad xisaab-xidhka u gudbin waydaan?

J: Runtii, saaka (shalay) baan jaraa’idka ku arkayay, muddo ka horna sidaas oo kale joornaalada way ku qoreen. Markaa siday iyagu u dhigeen waxay ahayd in aanu annagu lacag lunsanay, laakiin wax aanu annagu Komishan ahaan lunsanay may jirin. Balse, waxay ahayd uun intii aanu ku jirnay Diiwaangelinta oo dadka oo dhami wada mashquul ahaa, xilligii ay ahayd in aanu xisaab-celintii u gudbino oo keliya bay ahayd, laakiin markiiba waanu dhamaynay oo wax arrintaas nagaga xidhani ma jiro. Waxyaabaha ay kaga hadlayeen tan Richard Hands (masuulka qoraalka Midowga Yurub ku saxeexnaa) waxay ahayd 25%-kii Somaliland ku daraysay, taasna way naga soo dalbadeen….Markii Deeqbixiyeyaashu inoo yimaadeen 17 February 2009, ka hor ayaanu warqad u qornay Hanti-dhowrka Guud ee dawladda, dabadeedna way yimaadeen oo way sameeyeen, iyadoo weliba Hanti-dhowrka Dawladda iyo Hanti-dhowr kale oo gaar ahaa oo noo shaqaynayay ay labadooduba ka shaqeeyeen xisaab-xidhkii, wax cilad ah oo ka soo baxayna muu jirin, iyagana waanu u gudbinay isla maalmihiiba. Markaa waxay ahayd in iyaga xafiiskooda gudahooda iyo qoladan Interpeace ee ay wada-shaqeeyaan is wargeliyaan.

S: Markaa Interpeace baan xisaab-xidhkaa aad Komishan ahaan samayseen u gudbin miyaa qoladan Deeqbixiyeyaasha ah ee reer Yurub?

J: Waa sida aanu u malaynayno. Markaa waanu u gudbinay annagu, maantana waxaanu u dirnay mid kale oo isla warbixintaa hore ee xisaab-xidhka ah. Waa wax gudahooda ah’e, wax annaga na khuseeya maaha. Anigu waxaaban u haystaan Richard Hands-kan ay sheegayaan inuu Madax u yahay Interpeace, marka la eego sida uu u difaaco. Waayo; kharashkii Diiwaangelinta ee la inagu caawiyay ee dhowr iyo tobanka Milyan ee doolar ahaa, ilaa imika lacagtaasi waxay ku baxday iyo si ay u baxday wax ay naga ogaysiiyeen ma jirto, iyagaana gacanta ku hayay oo bixinayay. Annaga oo isaga (Richard Hands) shir kula jirna, Anigu waxaan ku idhi waar bal noo sheeg dawladdaha Deeqbixiyeyaasha ah ee na caawiyay, ilayn waa la kala ogaadaa cida wax ku tartay marka aad baahan tahay iyo cida kale’e. Waa sax buu igu yidhi, laakiin nooma sheegin oo wuu iska baxay. Markaa xataa wax alla wax ay naga ogaysiiyeen lacagtaas qoladan Interpeace ma jirto, mana jirto wax ay na yidhaahdeen intaas baa Somaliland lagu caawiyay, noomay sheegin ilayn waa caawimo la siiyay Somaliland, iyaguna waa cidii ay soo maraysaye. Kharashkaa annagu meel ay xisaab-xidh ku sameeyeen, cid ay u sameeyeen iyo wargelin ay naga siiyeen midna ma jirto, tan ay ka hadlayaana waa 25%-kii ay ahayd in Somaliland ku darto.

S: Markaa taas macnaheedu sow maaha in aanay cadayn xaddi ahaan inta ay dhan tahay caawimada Somaliland la siiyay?

J: Annaga Komishan ahaan nooma cadda….Waxa Somaliland bixisay waa 25%, markaa inta ay 25%-kaa ka hadlayaan, tan dhowr iyo tobanka Milyan ah may ka hadlaan oo ay naga qanciyaan oo ay yidhaahdaan waa mucaawimo lagu caawiyay Somaliland.?

S: Axmedow, waxa jira in aanu weli hawlgelin Server-ka ama Mishiinka kala hufaya Diiwaangelinta. Markaa ilaa hadda maxaa hortaagan in la hawlgeliyo Server-ka?

J: Runtii taasi way jirtaa…Server-ku wuu shaqaynayay, laakiin sidii la doonayay umuu shaqaynayn. Laakiin, inkastoo aanan eegin oo aanan hubsan, haddana maanta (shalay) markii aan waydiiyay inanka ka shaqaynayay, wuxuu iyagu yidhi waxa lagu daray oo la kordhiyay intii ay markii hore awoodiisu ahayd. Markaa wuxuu iigu sheegay rajo wanaagsan oo ah in intii xawaarihiisa sidii qorshuhu ahaa uu gaadhayo oo ah daqiiqadii afar boqol oo kun, waxaanu igu yidhi hadda wuu gaadhay waanu ka kordhi karaa.

S: Markaa goormaa laga yaabaa inuu hawshiisa bilaabo?

J: Horta, ilaa beri (maanta) waanu hubin doonaa inay sidaasi dhab tahay. Markaa hadday sidaasi dhab noqoto, waxa keliya ee noo hadhay waxa weeye in aanu xisbiyada u sheegno si ay u soo dirtaan goob-joogeyaashii hawsha ula soconayay siday wax u socdaan iyo in aanu samayno xafladii furitaanka ama bilawga hawsha Server-ka oo aanu ku soo casuuno saddexda xisbi, goleyaasha iyo wax-garadkaba.

S: Dhaqaalaha Boqolkiiba shan iyo labaatan (25%)-ka ah ee dawladda Somaliland ku daraysay arrimahan doorashooyinka iyo Diiwaangelinta, ilaa hadda Komishan ahaan ma idin soo wada gaadhay?

J: Inta dawladdu ku dartay 2.5 Milyan iyo badh (Doollar) buu ahaa sidaan filayo. Markaa 1.5 wuu na soo gaadhay, Halka Milyan ee kalena waxa ku balanqaaday Deeqbixiyeyaasha oo yidhi annagaa ku darayna, taasoo ay balanqaadeen xilligii hore ee muranku u dhexeeyay axsaabta….Markaa Deeqbixiyeyaasha ayaa taasna balanqaaday inay bixinayaan.

S: Axsaabta iyo dhinacyo kaleba waxay sheegaan in aanay wanaagsanayn wada-shaqaynta dhexdiina mar la eego todobadiina xubnood ee Guddiga Doorashooyinka. Markaa waqti xaadirkan waa sidee wada-shaqayntiinu Guddi ahaan?

J: Horta, waxay dadku yidhaahdaan had iyo goor sida aanu anigu u arko badidoodu run maaha. Waxa weeye; Bani-aadamku wuu is qaban karaa oo laba shaqsi way is qaban karaan. Laakiin, xilkayagu hawl qaran weeye, hawshaa qarankuna u istaagi mayso, u cadilmi mayso una joogsan mayso laba qof oo is qabtay ama isu cadhooday, waanay soconaysaa hawshu. Markaa waxba yaanay taas dadku hadal ka dhiganin, wax dhibaato ah oo annaga na dhex taalaana ma jirto, wixii yimaada ama soo kordhana xalkeedu annaga uun buu na saaran yahay. laakiin, muhiimadu waxa weeye wax kasta oo dhacaa in aanay noqonin mid umaddu u cadilmin, shaqaduna isu taagin oo aanay saamayn ku yeelan.

S: Waxa jira in xisbiyada Mucaaradka qaarkood welwel ka qabaan dib-u-riixida doorashada oo la xidhiidha mararkii hore ee ay xilliyadii loo qorsheeyay ka dib dhacday iyo marka la eego xaaladdan hadda la galay. Markaa Komishan ahaan maxay tahay damaanada aad u haysaan in aanay doorashada Madaxtooyadu mar kale dib uga dhicin waqtiga aad u qabateen ee 31 May 2009?

J: Annagu maalintii aanu arrintan goynaynay todobadayada xubnood ee Komishankuba waanu isu dhamayn, waananu ka wadahadalay, waxyaabo badan baan is tusnay inay suurtogalayso iyo siday u dhacayso. Laakiin, go’aankayagu wuxuu ahaa waqtigaa aanu u goynay inay ku dhacdo, waxaana go’aankayaga ku jirtay haddii ay wax kale soo baxaan oo tusaale ahaan; Server-ku waa shay (item) keliya oo haddana hawl-bawle ka ah doorashada. Sidaa darteed, waxaanu go’aansanay in haddii uu xumaado ama waxba ka soo bixi waayaan (hawsha kala-shaandhaynta dadkii isdiiwaangeliyay) in aanay wax dhib u dhac la yidhaahdo oo dambe imanin oo si kastaba ha ahaatee doorashadu dhacdo maalintaas (31 May 2009).

S: Ugu dambayntii, waxa la sheegaa in hay’adda Interpeace ay lugta kula jirto oo ay saamayn ku leedahay go’aamada Guddigiina Komishan ahaan, maxaa taasi ma jirtaa, haddii ay jirtose maxaa sababay?

J: Runtii wax way ka jiraan, laakiin waxay ku xidhan tahay shaqsiga markaa la xaajoonaya, sababtoo ah waxa hogaaminta la yidhaahdaa maaha wax Dukaan laga soo iibsado, waana wax uu qofku barto, Kulliyad u galo khibradna u yeesho weeye. Markaa waxyaabo way iska dhacdhacaan….Haddaad adigu shaqadii aad lahayd qof kale ka sugto adigay doqoniimo kuu tahay, laakiin waxa weeye in laga feejignaado in aanay taas oo kale dhicin.

Nuxurka Kulan dhex maray Guddiga Dhaqaalaha G. Wakiillada, W. Maaliyadda & Komishanka.

Kulan laga yeeshay dhaqaalaha Doorashada oo

fashiliyay qorshe Wasaaradda Maaliyaddu kelideed goysay

“Siilaanyo iyo Muuse waa niman dalka magac iyo sharaf ku leh, xasha’e, kama filayo inay ku kacaan…”

Hargeysa (Ogaal) – Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ayaa ka dalbadey Wasaarada maaliyada iyo Komishanka doorashooyinka inay dib ugu noqdaan miisaaniyada loogu tala-galay doorashada Madaxtooyada, Islamarkaana maanta ahaan dib ugu soo celiyaan giddiga dhaqaalaha miisaaniyad ay isku raacsan-yihiin.

Guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo ku hawlan naaqishaada iyo dib u eegista odoroska miisaaniyada dawlada ee 2009 oo dhawaan Wasaarada maaliyadu u soo gudbisay, ayaa Isniintii todobaadkan kullan ay la yeesheen Gudiga doorashada ku ogaadey in aan Komishanku wax-ba kala socon kharashka wasaaradda maaliyadu u qorshaysay doorashada madaxtooyada ee ku xusan miisaaniyada 2009. Sidaa daraadeed, kullan sadex geesood ah oo ay shalay gudiga dhaqaaluhu isugu keeneen Wasaarada maaliyada iyo Komishanka doorashada.

Xildhibaan Cali Maxamed Xassan (Cali Mareexaan) oo ka mid ah guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo wargeyska Ogaal xog-waran gaar ah ka siiyay arrintan ayaa waxa uu yidhi. “Kullankii hore ee aanu la yeelanay, Komishanka doorashooyinka waxaa nooga soo baxday in aan Wasaaradda maaliyada iyo Gudiga doorashadu wax wadda tashi ah ka yeelan naaqishaada miisaaniyada ku baxaysa Doorashada Madaxtooyada. Sidaa daraadeed, waanu isugu yeedhnay kullan sadex geesood ah saaka (Shalay) oo ay ku kulmeen Wasaarada maaliyada, Komishanka iyo Gudiga dhaqaalahu si ay meesha uga soo baxdo miisaaniyad la isku raacsan-yahay oo doorashada lagu qaban karraa. Ujeedaduna waxay ahayd in la is waafajiyo bajadka doorashada ee ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyadu iyo ka ay sitaan Komishanka doorashooyinku oo farqi ayaa jiray. Laakiin, waxaanu u sheegnay inay iyagu ilaa beri (Maanta) gelinka hore, isa soo arkaan.

Dabadeed-na Miisaaniyad la isku waafaq-san yahay ay keenaan.”

Xildhibaan Cali waxaa uu tilmaamay in Komishanka doorashooyinku xaq u leeyahay, inay soo qiimeeyaan oo sameyaan Bajadka ku baxaya doorashada maadaama ay gacanta ku hayaan. waxa kale, oo uu muujiyay in Komishan ahaan odoroska ay sitaan uu ka badan-yahay ka wasaarada maaliyadu ku soo dartey Miisaaniyada sanadka, sidaa daraadeed ay ugu dalbadeen inay dib isugu noqdaan.

Kullankan sadex geesoodka ah markii uu dhamaaday saaka, waxa sidoo kale saxaafada xog waran kooban ka siiyay Wasiirka Maaliyada Xusseen Cali Ducaale (Cawil.) “Waxa la nooga baahan-yahay inaynu ku darno kharashka doorashooyinku ku qabsoomayaan 25%, taasoo u dhiganta 8 – Milyan oo Shilinka Somaliland ah, anaga xukuumad ahaana waa naga diyaar, miisaaniyadana way noogu jirtaa, wixii dheeraad noqdana waxaanu balanqaadaynaa in aanu ku darayno.” Sidaa waxa hadalkiisa ku bilaabay Wasiirka Maaliyada Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

Wasiirku waxa uu sheegay in Doorashooyinku ay yihiin waxa keliya ee ay Somaliland ku faanto, isla-markaana ay xukuumada uu ka tirsan yahay wadanka ka hirgelisay 3 doorasho oo ka horeeyay ta fooda inagu soo haysa. “Doorashooyinkuna waxay ka mid yihiin waxyaabaha aynu ku faano oo saddex doorasho oo ay xukuumadani fulisay ayaa dalka ka soo qabsoomay taariikhdana way noo galaysaa. Muhiimada koowaad ee na hortaalaana waa doorashada, anigu in berito la qabto doorashada ayaan aad u jeclaa, dawlado badan oo aanu la kulanayna waxay noo sheegeen ta kaliya ee maanta mustaqbalkeena iyo ictiraafkeenu ku xidhan yahay inay tahay doorashada inagu soo fool leh. Waxayna yidhaahdeen taa markaad ka baxdaan ictiraafka cid aad u daba joogsanaysaan ma jirto.”

Wasiirka Maaliyadu waxa uu ku baanay in xukuumadu ay qayb libaax ka qaadatay, kana soo baxday waajibkii la saaray hawshii diiwaangelinta, isaga oo tilmaamay in diiwaangelintii dalka ka soo qabsoontay ay deeqbixiyayaashu markii hore xukuumada ku wargeliyeen inay bixiso kharashka 2 milyan iyo badh. Hase yeeshee ay markii dambe yidhahdeen malyuun iyo badh bixiya iyaga oo diyaar la ah oo ay xukuumad ahaan bixiyeen Malyuun iyo badh dollar, taasoo ay uga dambaysay kharashkii ku baxay goboladii uu kordhiyay Madaxweyne Rayaale ee Sanaag Bari iyo Sool oo aan iyagu ku jirin qorshihii diiwaangelinta ee Komishanka.

Wasiirka Maaliyada oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay mawqifka ay wakhtigan iska taageen xisbiga Kulmiye arrinta dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada ee Komishanku dhawaan shaaciyay oo anay ilaa xiligan ogolaanin inay saxeexaan, komishankana ay isku diidan yihiin ayaa waxa uu yidhi: “Siilaanyo iyo Muuse waa saaxiibaday, waa niman dalka magac iyo sharaf ku leh oo rag waawayn ah, xashaee kama filayo inay ku kacaan wax dalka iyo dadka khalkhal-gelinaya oo wax u dhimaya oo ay intoodii wanaagsanayd iyo sharaftoodii daamur-madaw ku marinayaan ee wuxuun baan leeyahay sidaa axsaabta iyo komishanku yeeleen idinkuna yeela.”

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee Kulmiye oo la xidhay iyo taageerayaasha Xisbiga oo isu soo bax ka sameeyay

Axmed Siilaanyo oo qoraal arrinta la xidhiidha u gudbiyay Xukuumada.

Burco (Ogaal) – Isu-soo bax lagu taageerayo Go’aanka xisbiga KULMIYE ka qaatey mudada Xilka Madaxtooyada iyo diidmada muddo kordhin mar kale loo sameeyo Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa shalay ka dhacay magaalada Burco.

Isu-soo baxan oo masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer ay soo abaabuleen, Islamarkaana ay ka qayb-galeen Taageerayaal badan oo xisbigaas ka tirsani ayaanu u jeedadiisa wax ka weydiinay Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Xisbiga ee kullankaa dadweynaha kala hadlay, waxaana uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee Isu-soo baxani ahayd inay Dad-weynaha uga xog-waramaan Xaalada dalka iyo Go’aanka Xisbiga Kulmiye ku soo jeediyay in laga tashado waxa laga yeelayo marka ay dhamaato mudadii hore loogu heshiiyay, ka dib markii Golaha Guurtidu Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa u kordhiyeen Muddo sanad ah, markii shantii sanadood ee la soo doortey ka dhamaatey badhtamihii sanadkii hore. Islamarkaana waxa uu ku dooday in isu soo baxani u dhacay hanaan nabad-gelyo, isku dayo badan oo xukuumadu ku dooneysay inay isku hortaagtana uu meesha ka saarey “Dareenka shacbigu” Ayuu yidhi Dr. Cabdi. Waxana uu intaa ku daray oo uu sheegay in aan kullanka lagu wargelinayo taageerayaashu wax dambi ah noqon karin. “Madaxweyne ku xigeenkuba waa kii Laalays iyo meel kasta kullamada UDUB ku qabanayay dhawaan” ayuu raaciyay.

Ka hor intaan mudaharaadku bilaabmin waxa xarunta Xisbiga laga kaxeeyay shalay, Gudoomiyaha Kulmiye ee Gobolka Togdheer Sahal Aadan Maxamed in kasta oo markii danbe la iska soo daayay, Islamarkaana uu ka qayb galay isu soo baxana dadka kala hadlay. “ Xalay fiidkii ayaanu ku war gelinay maamulka Gobolka in aanu bari (Shalay) leenahay isku soo bax, waanu naga aqbalay, balse xalay (Habeen hore) goor danbe ayuu ila soo hadlay maamulka Gobolku waxaanu igu yidhi, markii aanu eegnay xeer hoosaadka, runtii anigu ma garanayo xeer hoosaad halkan yaala ee sida aan qabo waxa uu la hadlay wasiirka arrimaha gudaha waxaanu dib iigula soo noqday go’aan ah in aan la qaban karin isku soo baxayaga…intaas ayaanu isku af-dhaafanay oo saaka (Shalay) aniga oo jooga goobta (Xarunta Xisbiga) la ii keenay boolis kadibna laygu yidhi waad xidhan tahay gudoodmiye kadibna saacado ayaan xidhnaa” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee KULMIYE waxaana uu ka soo qayb-galayaasha isu soo baxaas u jeediyay sida warku sheegay inay is dejiyaan.

“Waxaynu la soconaynaan oo aaynu xaalkooda ka war haynaynaa hogaanka xisbigeenu wixii ay heshiis la galaan, ha ahaadaan seddexda xisbi qaran ama golayaasha qaranka, haddii ay doorashada noqoto wey ina hor iman hadii wax kale oo laga maarmi waayo ay noqotana way ina hor iman, qof kasta oo ka mida taageeryasha xisbiga waxaan leeyahay yaanay qalbigaaga waxba gelin sababta oo ah wax-isbedali ahi ma jiraan, sidaas ayeynu isku ogaanaynaa” ayuu ku wargeliyay gudoomiyuhu taageerayaasha. Waxaana uu ku sifeeyay sababta ay u abaabuleen isu soo baxan dalabyo kaga yimi taageerayaasha.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu qoraal u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo taliyaha Boliska, Islamarkaana uu ogeysiin ka siiyay Madaxweyne ku xigeenka, taasoo uu ku dalbanayo in faah-faahin cad laga bixiyo sababta keentay in Ciidamada Boolisku galaan xarunta Xisbiga ee Gobolka Togdheer Iyo in la xidho Gudoomiyaha xisbiga ee Gobolkaasi, waxana warku intaa ku daray in Gudoomiye Siilaanyo ku dooday in talaabadani ka baxsantahay Sharciga.

M/weynaha Kenya oo Marwadiisu soo hortaagtay Saxaafadda

“Waxaan caddaynayaa in aan leeyahay Xaas kaliya oo aan jeclahay”

Mwai Kibaki

“Waad na khalkhal-geliseen, xalayna waxaan ku dhawaaday in aan Xaruntiina idinku soo weeraro sidii Daily Nation”

Marwada M/weynaha Kenya

Nairobi (Standard/Ogaal)- Madaxwenaha Kenya Mr. Mwai Kibaki iyo Xaaskiisa Lucy Kibaki ayaa Shir-jaraa’id oo ay wada-jir ugu qabteen Aqalka Madaxtoooyada Kenya ee Magaalada Nairobi ku beeniyay Warar sheegaya in Kibaki uu leeyahay Xaas labaad, isla markaana waxay mar kale Lucy Kibaki weerartay Telefishan ka mid ah Warbaahinta Kenya.

Sida aanu ka soo xiganay Wargeyska Standard ee ka soo baxa Magaalada Nairobi oo Warkan baahiyay, Madaxweynaha Kenya ayaa shaaca ka qaaday in aanu jirin Xaas labaad oo uu leeyahay. “Waxaan doonayaa in aan caddeeyo in aan leeyahay Xaas kaliya oo aan jeclahay oo ah Lucy” ayuu yidhi Kibaki oo waqtigaas ay garab-joogtay Xaaskiisu.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Ma jiro qof kale oo I yaqaana ama aan aqoon u leeyahay oo Qoyskayga yaqaana, isla markaana yaqaana sida aan u noolahay iyo in aan Xaas kale leeyahay. Waxaan dhalay afar Caruur ah oo aad taqaanaan Magacyadooda, haddii aydaan aqoonin-na I waydiiya ama Iyaga waydiiya.”

Madaxweynaha Kenya oo dhalay Afar Ubad ah oo magacyadoodu kala yihiin, Judy Wanjiku, Jimmy Kibaki, David Kagai and Tony Githinji, ayaa dhawaaqan cadhada leh ee ka soo yeedhay waxa uu ka dambeeyay ka dib markii Telefishan ay mataanno yihiin Wargeyska Standard oo lagu magacaabo KTN (Kenya Television Network) uu baahiyay War uu ka soo xigtay Mudane hore uga tirsanaan jiray Baarlamaanka Kenya, kaas oo sheegay in Madaxweynuhu leeyahay Xaas labaad.

Waxaanu Madaxweynuhu digniin u jeediyay Warbaahinta dalkiisa. “Suurtogal maaha in loo dul-qaato ku cel-celinta dadkiinan Warbaahintu ku cel-celinaysaan waxyaabo raqiis ah oo aan macno lahayn. Qof kasta oo isku daya in uu mar kale tallaabadaa qaado, waxaanu ku kulmi doonaa Maxkamadda ama waxaan tallaabo kaga qaadi doonaa meel kasta oo aanu isku aragno, sababtoo ah ma jiro xal klae. Arrinta kaliftay in aan sidaa yeelaana waxay tahay Beenta aad Naftayda ka sheegaysaan ee aad Umadda ku dhex baahinaysaan.” Ayuu si cadho ku dheehan tahay u yidhi Madaxweyne Kibaki.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan doonayaa in aan idin baro oo aad ogaataan qofka aan jeclahay ee Wadnahayga ku dheer oo ah Lucy, mana lihi Xaas kale, waanan ka xumahay Warka Warbaahintu ku celcelinayso ee ah in aan Xaas kale leeyahay. waxaan leeyahay qaraabo, balse ma aqaano dad kale. Waxaan idinka doonayaa (Warbaahinta) in aad dhegaysataan waxaan idin leeyahay oo aad Dadka runta u sheegtaan, taas ayaa dalkan caawinaysa” Intaa ka dib waxa uu Madaxweynaha Kenya dalbaday in Warbaahintu su’aalo waydiiso.

Mar Madaxweyne Kibaki la waydiiyay waxa uu u malaynayo in ay keentay Warkan la baahiyay ayaa wuxuu ku jawaabay, “Ma garanayo, taasina waa sababta keentay in aan ka xumaado Warkaas.” Ayuu yidhi Kibaki. Hase ahaatee, inta aanu hadalka dhammayn ayaa waxa hadalka ka boobtay Xaaskiisa Lucy Kibaki, taas oo si cadho xooggani ka muuqato u tidhi, “Waa idinka KTN” iyada oo farta ku fiiqaysa Weriyaha Su’aasha waydiiyay oo ka socday Telefishanka Warka baahiyay ee KTN. “Hadda na waydiiya waxaad doonaysaan oo runta qora.” Ayay hadalkeeda raacisay Lucy. Intaa ka dib, Madaxweyne Kibaki ayaa hadalka la wareegay oo yidhi, “Ma garanayo sababta aad u doonaysaan in aad sii waddaan Been aad sheegtaan.” Iyada oo aan su’aal kale la waydiinin, ayaa Lucy Kibaki hadalka boobtay. “Waad na khalkhal-geliseen, ma garanayno waxaad KTN (Telefishanka baahiyay Warka) ahaan naga doonaysaan. Xalay (habeen hore) waxaan ku dhawaaday in aan Xaruntiina weeraro oo aan idinku sameeyo wixii aan ku sameeyay Daily Nation (Wargeys kale oo Nairobi ka soo baxa).” Ayay tidhi Lucy.

Shirka-jaraa’id ee ay wada-jirka u qabteen Madaxweynaha Kenya iyo Marwadiisu ayaa waxa goob-joog ka ahaa Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Kenya Xuseen Cali iyo Madaxa adeegga Bulshada ee Kenya.

Dhinac kale, mar wax laga waydiiyay Mudanihii hore uga tirsanaan jiray Baarlamaanka Kenya ee Warkan sheegay in uu raallil-gelin ka bixinayo iyo in kale, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Raalligelin kama bixin karo in aan sheego Runta. Maxay Qoyska koowaad ee Madaxweynuhu Runta u diidayaan?”

“Arrimaha Ciidanka aqoon uma lihi, waa in Budhcad-Badeedda lagula dagaallamo Dhulka”

Wasiirka Difaaca Somalia

Nairobi (Reuters/Ogaal)- Wasiirka Difaaca ee Somalia ee dhawaan loo magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) ayaa sheegay in cid kasta oo doonaysa in ay tallaabo ka qaaddo Budhcad-Badeedda Soomaalida ay Weerar ku qaadaan, isla markaana kula dagaallamaan berriga Somalia.

Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Waraysi gaar ah la yeelatay Wasiirka Difaaca Somalia Maxamed-Gandi, Wasiirku wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ka taagan Budhcad-Badeedda Soomaalida ay gundhig u yihiin Saldhigyada ay Budhcad-Badeeddu ku leeyihiin berriga Somalia. sidaa darteed, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in lagula dagaallamo Dhulka. “Qof kasta oo doonaya in uu Budhcad-Badeedda la dagaallamo waa in uu Dagaalka ka bilaabo Dhulka Somalia, sababtoo ah xaaladda aan degannayn ee dalka waxa doorka ugu wayn ka qaatay Budhcad-Badeedda Biyaha.” Ayuu yidhi Wasiirka Difaacu.

Wasiirka Difaaca Somalia Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) oo ka mid ahaa Golihii Wasiirada ee Madaxweynaha Somalia uu bishii aynu ka soo gudubnay magacaabay, ayaa sheegay in inkasta oo aqoontiisa Milatari uu u leeyahay ay kooban tahay, haddana uu doonayo in uu sameeyo Ciidan Soomaaliyeed oo Qaran. “Run ahaantii, aqoon uma lihi arrimaha Difaaca, laakiin waxaan isku dayayaa in aan fahmo sidii loo heli lahaa Ciidamo cusub oo Soomaaliyeed oo dalka xasilin kara.” Ayuu yidhi Wasiirka Difaaca Somalia, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa jira dad qayb ka ahaa Dagaalladii sokeeye, laakiinhore u bartay aqoonta Milatari, kana soo bartay Dugsiyada Milatari ee Ruushka, Talyaaniga, Masar iyo Maraykanka, waxaanu doonaynaa in aanu helno khibraddooda oo aanu maqalno taladooda ku aaddan samaynta Ciidan cusub oo Soomaaliyeed.”

“Anagu kama tirsanin Al-Qaacida”

Afhayeenka Al-Shabaab

Baydhabo (Ogaal/W.Wararka) – Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh. Mukhtaar Roobow Abu-Mansoor ayaa beeniyay in uu ururkooda oo ka dagaalama inta badan Koonfurta Soomaaliya uu qayb ka yahay Shabakada Al-Qaacida ee uu hogaamiyo Usama Binladen.

Abu-Mansor oo wareysi siiyay Idaacada la iska arrko ee Al-jazeera qaybta af-Carabiga, waxaa uu sheegay in Al-shabaab aaney ka mid ahayn Al-Qaacida, balse ay leeyihiin xidhiidho dhanka talooyinka ah.

“Ururka Al-Qaacida xidhiidh ayaanu leenahay, taas macnaheedu maaha inaanu ka tirsanahay, anagu waxaanu nahay koox Islaami ah oo ka dhisan Soomaaliya, waxaanu doonaynaa inaanu Shareecada Islaamka ka hirgelino dalkayaga” ayuu yidhi Abu-Maansoor.

Afhayeenka Al-shabaab, wuxuu daboolka ka qaaday in ururka ay aasaaseen dad Soomaali ah. Islamarkaana, waxa uu beeniyay in dad ajanabi ahay ay ku lug lahaayeen aasaaskiisa. Balse, waxa uu muujiyay in ay haatan la joogaan si ay uga qaybqaataan jihaadka socda si Shareecada loogu xukumo Soomaaliya. “Hadafkayaga koowaad waa inaanu dalka ku xukuno diinta Islaamka, cid walba oo taas ka hor timaadana waanu iska celinaynaa, balse ma doonayno inaanu dagaalada waddno ilaa inta aan ka gaadhayno Gobolka Alaska [Mareykanka], hadalkaasina waxa uu ka soo yeedhay oo sheegay nin qiiraysan” ayuu yidhi Roobow.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aanay doonayn inay cid gaar ah dulmiyaan, balse ay doonayaan inay dhulkooda hagaajistaan, hadafkooduna uu yahay mid lagu doonayo in dalka lagu xukumo Islaamka iyadoo aan dadka la cadaadin.

Mar la weydiiyay in ururkooda ay burburiyeen qubuuro, ayuu kaga jawaabay: “Meelaha dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ay joogaan waxaa ku yaala Qubuuro, lamana dumin; ha rumeysanina hadii la idin yidhaahdo Al-shabaab waxay burburiyaan qubuuraha” ayuu yidhi Abu-Mansor.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa ku sheegay wareysiga lala yeeshay in ururkooda uu ka fiirsado talaabooyinka uu qaadayo dhibta ka imman karta iyo faa’iidada ay leeyihiin, Islamarkaana wixii dhib keenaya waxa uu ku dooday inay ka tagaan. “Waa wax aan suuragal ahayn in la dilo qofkii fikirka kugu khilaafa,… arrintaas waa mid aan jirin oo been ah… waxaana faafinaya cadowgayaga” ayuu yidhi Abu-Mansor oo ka jawaabayay su’aal ahayd inay sabab la’aan u dilaan dadka iyagoo ku tilmaamaya gaal ruuxii fikirkooda ka horjeesta.

Mar la weydiiysay sababta keentay inay ka horyimaadaan dowlada uu hogaaminayo Sh. Shariif Sh. Axmed oo horay u ahaa hogaamiyihii Maxkamadaha Islaamka, ayuu ku jawaabay: “Xukuumada Sheekh Shariif waxay wadataa dastuurkii aan ku diidnay Cabdillaahi Yuusuf, mana ahayn sababtii aan Cabdillaahi ula dagaalanay inuu ka yimid Puntland, ee waxay ahayd inuu dastuurka aamisan yahay oo uu diidan yahay Islaamka, ma taageersanin, waxaana ula dhaqmaynaa sidii aan ula dhaqanay Dawladii ka horeysay”.

Afhayeenka Al-shabaab Abu-Mansor ayaa si cadho leh uga jawaabay su’aal ahayd waxa ka jira eedaha loogu jeediyo Xidhiidh ka dhexeeya budh-cadbadeeda, waxaana uu eedaas ku tilmaamay mid aan jirin wuxuuna barbardhigay eedeynta ah inay dadka u laayaan sabab la’aan.

Radio Garowe

“Waa in si degdeg ah wax looga qabto oo aan la fudaydsan xiisada deegaanka Galbeed”

Guddoomiyaha Guddiga Beelaha Ciidagale

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Guddiga Guud ee beelaha Ciidagale Keyse Haybe Maxamuud, ayaa Xukuumadda, Madaxdhaqameedka, aqoonyahanada, Culimada iyo dhamaan wax-garadka beelaha Somaliland ugu baaqay in si degdeg ah gurmad looga galo sidii loo dejin lahaa xiisada deegaanka Galbeed, isla markaana loo soo afjari lahaa muran dhul-beereed u badan oo u dhexeeya laba beelood oo wada dega halkaas.

Guddoomiyaha oo shalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in guddi dhowr iyo toban xubnood ka kooban oo uu horkacayaa socdaal waan-waan iyo ergo ah ugu tageen labada dhinac ee colaadu u dhexayso, isla markaana gaadhsiiyeen talooyin la xidhiidha in xiisada la joojiyo arrintana wadahadal lagu dhameeyo. “Waxaanu Hargeysa ka baxnay 29/02/09, waxayna ujeedada socdaalkayagu ahayd in aanu dadka walaalaha ah ee deegaankaa shaqaaqadu ku dhexmartay u gudbino kana tacsiyadayno khasaaraha arrintaas ka dhashay iyo in aanu gaadhsiino fariin la xidhiidha in wadahadal lagu dhameeyo arrinta, isla markaana aanu dhinacayaga uga qaybqaadano sidii xiisadaas loo afjari lahaa.

Markii aanu tagnay Gabiley waxaanu halkaa kula kulanay labada daraf ee shaqaaqadu ka taagan tahay qolada soke. Waxaanu ka codsanay in shaqaaqada la joojiyo, arrinta Nabad lagu soo dabaalo oo ay dadku is-xakameeyaan, si aan khasaarahaa hore mid kale loogu darin iyo inay talada nagu soo wareejiyaan oo annaga iyo dhinacyada kale ee ku hawlaniba ku dedaalo in aanu wada-hadal iyo waanwaan ku dhamayno, runtiina way naga aqbaleen.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyuhu, wuxuuna intaa raaciyay; “Markii aanu u gudubnay dhinaca shishe ee walaalahayaga reer Dila, waxaanu iyana u gudbinay fariin iyo talooyin la mid ah taas hore ee aanu kula hadalay reer Gabiley.

Sidaa darteed, iyaguna way naga aqbaleen inay Nabadda qaadanayaan, in arrinta wadahadal lagu dhameeyana ay diyaar u yihiin.” Keyse Haybe-dheere waxa uu sheegay in guddi ahaan ay sidoo kale kulan kula yeesheen magaalada Boorama Maamulka Gobolkaas, Madaxdhaqameedka iyo wax-garadka beesha reer Awdal, kuwaasoo uu tilmaamay inay kala hadleen sidii si wadajir ah xiisadan wadahadal loogu dhamayn lahaa, isla markaana ay dhinacooduna uga fikiri lahaayeen ilaalinta xasiloonida guud, nabad kuwada noolaanshada iyo walaalnimada.

Waxa uu sheegay in dhamaan dhinacyadaas ay kulanka la yeesheen ka aqbaleen inay diyaar u yihiin sidii wadahadal loogu dhamayn lahaa muranka ka taagan deegaanka u dhexeeya Gabiley iyo Baki. “Markaa waxaan leeyahay; arrintan markii aanu eegnay runtii waa mid adag, waa muran raagay oo waxa laysku hayaana waa dhul, haddii aan laga hortegina wuxuu inagu keeni karaaa dhibaato iyo mashaqo intan ka balaadhan. Sidaa darteed, waxaan dawladda, Madaxdhaqameedka, aqoonyahanka, Culimada iyo dhamaan beelaha Somaliland u soo jeedinayaa in xal-u-helida arrintaas loo kaco, waana in si deg deg ahna wax laga qabto oo aan la fudaydsan. Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in amni ahaan hawsha ay hadda wado sidaa ka xoojiso, furdaaminta xiisadaas ka qaybqaadato oo iyadaa gacanta ku haysee ay xalka dedejiso, dadkana wixii kale la kaashato,” ayuu yidhi.

Dagaalo dad badan sahayday oo ka dhacay Maamul-goboleedka Puntland

Boosaaso (Ogaal/VOA) – Ugu yaraan siddeed qof ayaa inta la ogyahay ku dhintay 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal maalmihii ugu dambeeyay laba beelood ku dhex-maray agagaarka degmada Ufayn ee gobolka Bari ee Soomaaliya. Islamarkaana waxa la sheegay in odayaal haatan ku dhex-jiraan beelaha dagaallamay.

Sideeda qof ee dhintay ayaa lix ka mid ah warku sheegay inay ku dhinteen dagaal fool-ka-fool ah oo labada dhinac ku dhex-maray degaanka Igdhays, halka laba kalena ay ku dhinteen kadib markii rasaas lagu furay gaadhi ay la socdeen.

Dagaalladan dhex maraya beelaha ayaa waxa sabab u ah khilaaf dhinaca dhulka ah, iyada oo wararka ka imaanaya magaalooyinka Boosaaso iyo Garooweba ay sheegayaan inay halkaa u baqooleen madaxdhaqmeed, culimaa’udiin iyo siyaasiyiin kala duwan si ay u kala dhex-galaan beelaha dagaallamaya.

Beelahan dagaallamaya ayaa degaan ahaan si wayn isugu dhex jira Maamul-goboleedka Puntland deegaano ka mid ah, iyada oo dagaalkan lagu tilmaamay kii ugu horeeyay ee dhexmara.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: