Toggaherer’s Weblog

DOROOSHADA DALKA AFGHANISTAN OO DHACAYSA BISHA AUGUST

Posted on: March 5, 2009

DOROOSHADA DALKA AFGHANISTAN OO DHACAYSA BISHA AUGUST

DOROOSHADA DALKA AFGHANISTAN OO DHACAYSA BISHA AUGUST

Islamabad 05 Mar 2009 (THN)

Guddiga doorashoyinka dalka Afghanistan ayaa sheegay in doorashooyinka madaxweyne ay qabsoomi doonaan 20-ka bisha August ee sanadkan 2009.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Karazai todoobaadkii hore, ayuu ku sheegay in ay ku habboon tahay in doorashooyinka la qabto bisha April.

Sida dastuurka dalkaas tibaaxayo, doorashooyinku waa in ay qabsomaan 30 ilaa 60 cisho ka hor inta aanay ka dhammaan muddada uu xilka hayo,taas oo ku eg 21-ka bisha May ee sannadkan.

Hase ahaatee, guddiga doorashooyinka dalka Afghanistan ayaa si rasmi ah ugu celceliyey in doorasho caadil ayna suurtageli karin xilliga guga, sababo la xiriira baqdin laga qabo rabshado iyo amaanka dalka.

Doorashada dalkaas ayaa si weyn loogu malaynayaa in ay hareeyaan rabshado xoogan oo ka yimaada dhinaca Talibanka, maadaama kooxaha Talibanku ay iyagu qaadaceen doorashooyinka.

TogaHerer International

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: