Toggaherer’s Weblog

XISBIGA KULMIYE OO DIIDAY INUU XASEEXO MUDAYTA CUSUB EE COMMISIONKU ICLAAMIYEY

Posted on: March 4, 2009

XISBIGA KULMIYE OO DIIDAY INUU XASEEXO MUDAYTA CUSUB EE COMMISIONKU ICLAAMIYEY

Hargaysa 03 March 2009 (THN)

Xisbiga kulmiye iyo commisionka doorashooyinka ayaa maanta shir albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay Huteel Maansoor ee magaalda Hargaysa , kulankaasi ay kaga wada hadleen sidii uu kulmiye u aqbali lahaa mudada commisionku dib ugu riixay doorashooyin madaxtiminada dalka iyo mudada la qabanayao doorashadaasi.

Shirka ay wada yeesheen laba dhinaca oo aan markii hore loo ogalaan dhaman warbaahinta ayaa gabagabadii waxa uu gudoomiye kuxigeenka xisbiga kulmiye mudane Muuse Biixi Abdi war baahinta uga waramay waxa uu shirkoodu ku saabsana taasoo uu ku sheegay in ay ahayd waqtiga commission ka doorashooyinku dib ugu riixay doorashooyink madaxtinimda dalka, isaga oo hadkiisa sii watana waxa uu yidhi anagu ma diidanin in ay doorasho dhacdo oo waanu ogolnahay se waxaan doodanahay dib uriixida kolab dib loo riixaayo waxaanaanu leenahay commisionka waanu idin ogolnahay idin oo hayadiin waa sharci se mar afraac in dib loo riixo ma ogolin doorashada ka xisbi kulmiye ahaana anagu doorashada waaxnu diyaar u naahay waxtigii hore loogu cayimay hadii ay dhaftona waxay arintu u gudbaysay hayada sharci dajinta taas oo iyadu ka tashanaysa .

Anagu waxanu diyaar u nahay inta ka horaysa 6 April 2009 waqtigaas oo ah watigii ay kaga eekayd watigu xukuumada uu hogaaminayo madaxeyne Riyaale , hadii ay se dhaafto waqtigeeda waa in dawlad wada jir ah la dhisaa inta doorasha xaalal ah la gaadhayo.

Waxaana gudoomiye kuxigenka hadaladisa ka tirsanaa
“Xisbiga kulmiye waxa uu leeyaahay (Haa) haa doorasho lakiin se mudo kordhin ma ogolin waxa alla wixii doorasho ee suurta galaay ee la galaayo ee ka horayso mudadii dawlda cimrigeedu sharciyan ku dhamaanayey , Kulmiye waxa uu u arkaa mar hadii la gadho waqtigii dawlda cimrigeedu sharciyan uu u ogalaa ee la isla qadanay in uu galaayo dalku xalaad sharci oo tan iminka ka duwan,markaa waxaa loo bahanayaa in laga heshiiyo dawlada dalka foodka gaadhsiinaysaa in sharciyad loo helo ama tan maanta jirta ha ahaato ama tu kale ha timaado, awoodaana waxaa leh golayaasha sharciga dijinta oo ka wakiila umada marka ay xaaladan oo kale timaado , mar walbana anagu Dastuurka iyo sharciga ayaanu u hogaan sanahay”

Mr Biixi isaga oo hadalkiisa sii watana waxna ka sheegaya kulankoodii maanta ayaa waxa uu yidhi
“Commission ka qaranku maanta halkan ayey noogu yimaadeen waxanay noo sheegeen in aanu saxeexno heshiisa odhanaaya 31 may doorashao ha la qabto ,anagu waan jecelnahay oo waanu doonaynaa in doorashao la qabto lakiin waxanu waydiinay 6 April oo xiliga ay kaga dhantahay xukuumada wixii ka damabeeya waa dawlda gacanta ku haynaya ?”

“Gudida doorashooyin waanu ogolnahay wanu is ixtiramaynaa jirtaankooda ayaanu ogolnahay waa hayad sharci ah maalinta doorasho la qabanaayo dastuurku iyaga ayuu awooda siiyey marka ay iyaga iyo golayaasha sharcigu isla waafajiyaan ayaanu anaguna u hogaansamaynaa”

Mar uu ka hadlaayey in ay in ay diideen saxeexii maanta laga doonayey in ay saxeexaan iyo in kale iyo waliba suaal kale oo ahayd in xisbiga Ucid oo ay markii hore isku meel ka soo jeedeen xåg mucaaradnimo in ay arintan ka wada tashanayaan waxa uu yidhi
“Adeer horta anigau waxaanu ogol nahay waxa ka horeeya 06 Aprin doorshada dhacasaysa se commissionku waxa kaa ta ka horeeya nuumuu keenin anana maanu saxeexin , tan xisbiga Ucid dee waxanu u kala nahay laba xisbi in xisbi waliba mawqifkiisa ka istaago xaaladaha dalka mid walbana wanu ku ixtiraamaynaa mawqifkiisa anaguna kaas aan kuu soo sheegay ayaanu doorashada ka taganahay waxa alla wixii labada gole gaadhaan waa sharci waanaanu u hogaansamaynaa ”

Dhinaca Gudoomiye ku xigeenka Commisionka doorashooyinka Cali Maxamed Abdalle (Biikalo) ayaa warbaahinta u sheegay in kulankan ay maanta wada yeesheen iyaga iyo xisbiga kulmiye uu ahaa uun kulmadii wada tashiga ee u dhaxayn jiray commisionka iyo xisbiyada ,xisbiga kulmiye ay isla fahmeen waxyaalo badan oo ay ka wada hadleen walina wada hadalku uu u socdo.
Cali Biikalo waxa uu sheegay mudaynta maalintala qabanyo doorashada madaxtinimda uu commisionka qaranku awood u leeyahay laakiin se aan goanka la saxeexin ilaa la dhamaynayo tabashooyinka axsaabta qaranka taas oo uu sheegay in maåanta galinkii dambena ay kulan la yeesheen labada xisbi ee UCid Udub

“Marar badan ayaanu ka waranay arinta ku saabsan dorashooinka iyo time line kala oo axsaabta iyo commission ku goaan midaysan ay ka qataan marka wali wada hadalkiina wuu socdaa walina meel may fadhiisan oo goan midaysan lagama gadhin oo may afgoin, markaa saxaafada waxanu u shegaynaa in ay arintaasi ahaydn arin u baahan dhabra adaygeeda iyo u dulqaadkeeda iyo sugitaankeeda ina laga dhamaynaayo dhinacyada ay khusayso markaa arintii wali waa lagu jira guaana lagama gaadhin , inta aan la is waydiin yaa mandate ku leh arintan iyo yaa awood ku leh waxa jirta in inta la dhiraan dhirin karo heshiis ama wax lagu heshiiyo in la dhiraan dhiriyo”
Mr Biikalo waxa uu sheegay in aanu isagu odhan karayn mudadaa iyo mudadaa lakiin se is fahan uu ka midan doono loona dul qadan doono loona dhabar adigi doono.

Xafiiska Togaherer
Ceelkii Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: