Toggaherer’s Weblog

XILDHIBAANADII REER SOMALILAND EE KU JIRAY DAWLADA SOMALIA OO BAYAAN SOO SAARAY

Posted on: March 4, 2009

XILDHIBAANADII REER SOMALILAND EE KU JIRAY DAWLADA SOMALIA OO BAYAAN SOO SAARAY .

Jabuuti 04 March 2009 (THN)

Qaar ka mid ah xildhibaanadii reer Somaliland ee ka tirsanaa dawladii uu iska casilay Cabdillaahi Yuusuf ee uu hadda dhaxlay Shariif Sheekh Axmed, ayaa si rasmi ah u caddeeyay inay quus ka joogaan fikirkoodii raadinta midnimo Somaliyed.

Sagaal xildhibaan oo dhammaantood ka soo jeeda Somaliland, ayaa bayaan ay dhawaan ka soo saareen magaalada Djibouti oo ay u qaybiyeen bulshada caalamka, waxa ay ku sheegeen in dawladda Shariif Sheekh Axmed, soo afjartay hayaankoodii midnimo-doonka ahaa, waxaanay dawladda Shariif ku tilmaameen inay tahay xukuumad koonfureed oo xag jirnimo iyo go’doon ku sii fogaanaysa. Bayaankaas oo ku kala qornaa luuqadaha Ingiriisida iyo Somaliga, ayaa waxa ka muuqda saxeexooda, waxaana dadka saxeexay ka mid ah Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo dhawr jeer dawladihii kala dambeeyay ee Somaliya loo dhisay ka noqday wasiirka arrimaha dibadda. Waxa kale oo ka mid ah Cabdalla Xaaji Cali, oo mar noqday maayarka magaalada Berbera iyo weliba badhasaabka gobalka Saaxil.

Bayaankaas oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa waxa uu u qornaa sidan:

“Annagoo ah xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ee hoos ku saxeexan, waxay nala haboonaatay inaanu tilmaano xaaladda siyaasadeed ee dhabta ah ee maanta ka taagan dalkeena, tallooyin wax-tar ahna ka soo jeedino xaaladaas.

Muddo dheer oo soo socotay ilaa iyo intii ka dambaysay dhismihi dawladda KMG ah ee ka suuragalay Djibouti 2000-kii, dabadeedna sannadkii 2004 u carro rogatay Kenya, xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ee ka qayb galay dhismahaas waxay u dhabar adaygayeen niyad jab, duruufo qalafsan iyo daadifayn isdaba joog ah, mabda’a midnimada ee ay ku raad joogeen iyo danta dalka iyo dadka Somaliyed awgood. Iyadoo laga joogo toban sannadood in ku dhow kolkii xildhibaanada badidoodu ku soo biireen hayaankii midnimo-raadiska ah, qaarkoodna muddo intaa ka badan hayaanka ku soo jireen, waxay xildhibaanadu haatan oo lagu jiro sanadkii 2009 qirayaan:

· Dhismaha xukuumadda loogu magac daray ‘xukuumad midnimo qaran’, wuxuu soo afjaray hayaankii xildhibaanadu ugu jireen midnimo doonka, wuxuuna dhismahaasi u xuub siibtay ‘xukuumad koonfureed’ oo xagjirnimo iyo go’doon ku sii fogaanaysa.

· Qoondihii siyaasadeed ee ku salaysnaa in laga dhursugo xasilinta gobalada koonfureed si ay laysu waafajiyo helitaanka midnimo iyo rabitaanka Somailland gabaabsi buu taaganyahay, wuxuuna u baahanyahay wax ka bedel.

Sabahaas xaqiiqda ah awgood, waxaanu soo jeedinaynaa tallooyinkan soo socda:

1.In xukumadda midnimo qaran ee Djibouti lagu dhisay waaqica u soo daadegto oo ay isku hawliso wax ka qabashada gobalada dhexe iyo koonfureed ee wadanka gaar ahaan gobalka Banaadir, uguna baaqdo adduun weynaha in Somaliland si toos ah loola dhaqmo, loo tixgeliyo, taageero dhaqaale iyo dmid siyaasadeedna la siiyo.

2.In ay Somaliland aqoonsato waajibaadka ka saaran xal u helida raadinta dhibaatooyinka ka taagan badhtamaha iyo koonfurta Somaliya, oo ay aqoonsato danaha ma guuraanka ah ee Somalialnd ugu jira xal u raadintaas.

3.Inay Somaliland, Puntlandi yo galmudug iska kaashadaan hawl;aha ammaanka iyo isku xidhnaanta dib u dhiska, dhaqaale iyo siyaasadda.

Magacyada:

1. Cabdalla Xaaji Cali Axmed

2. Ismaaciil Maxamuud Hurreh (Buubaa)

3. Xiis Muuse Cabdi

4. Cali Cismaan Ducaale

5. Xuseen Cumar

6. Sahra Cabdikariim Cabdiraxmaan

7. Caasha Axmed Cabdalle

8. Maxamed Cabdi Ibrahim

9. Xuseen

Geeska

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: