Toggaherer’s Weblog

SHAQAALAHA WAKAALADA BIYAHA EE BURCO OO SHAQO JOOJIN SAMEEYEY .

Posted on: March 4, 2009

SHAQAALAHA WAKAALADA BIYAHA EE BURCO OO SHAQO JOOJIN SAMEEYEY .

Burco 03 March 2009 (THN)

Shaqaalaha iyo hawlwadeenada wakaalada Biyaha Burco ayaa dhaamanba sameeyay shaqo joojin shaqo joojintaa oo ay ku sababeeyeen kuna cabanayeen shaqaaluhu ayaa ahayd iyaga oo mudo lix bilood ah åanay heli mushaharkoodii ay xaqa u lahaayeen .

Qaar ka mid ah ingiinada wakaaladda biyaha ayaan baryahanba shaqaynayn taa badalkeeduna waxa uu noqday in biya la’an ba’ani saamaysay gudaha magaalada Burco .

In kastoo magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ay tahay deegaan ahaan deegamada ugu biyaha badan hadana maamul xumidan iyo musuq maasuqan soo food saaray xafiiska wakaalada biyaha ayaa waxåy qarka u saran tahay in lagu wareejiyo maamulka wakaaladasi in lagu wareejiyo maamulkeeda shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay .

Waxa ay shaqalahu ay u sheegeen war bahinta in hadii ay taasi sii socoto ay sababi doonto in xafiiska wakalada biyahu uu xidhmi doono oo shalafaha loo laabayo waa hadii aan wax laga qaban ayuu yidhi ninkaa war baahinta u waranaayey musuq maasuqa iyo khiyaamoda.

“walaal mudo lix bilood ah ayaanu mushahar laan ku shaqaynaynay lakiin se ilaa shalay waxaanu goaansanay inaanu joojino shaqada aanu ka wadnay wakaalda biyaha waxana waxaas sabab u ah maamulka wakaalada iyada oo ay noo cadahay in arintan ay ka dambayso in baryahanba la doonayey in ay la wareegaan wakaalda ganacsato Privet ah waxa kale oo taa ku cadaynaysa tødoba bilood ayuu joogay maareeyahan cusubi waxana soo galay wakaalada lacag dhan 6,430,624,335,000 S/l sh ( lix bilyan afar boqol iyo sodon milyan iyo lix boqol iyo laba iyo afartan kun iyo sadexboqol iyo todobaatan iyo shan S/l sh)”.

Masuuliyiinta wakaalada biyaha ee eedan dusha looga tuuray ayaa dhamaanba iska leexiyey eedani waxaanay ku doodeen in wakåalada biyaha dakhliga soo gala aanuu ku filnayn mushaharka shaqaalaha , shidaalka , iyo kharashyada kale .

Farxaan Yusuf Ismaaciil
Togaherer Burco

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: